Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Kenyan Parliament on Somaliland's Recognition

Recommended Posts

Barlamaanka Kenya Oo Ka Doodi Doona Mooshin Lagu Taageerayo Aqoonsiga Somaliland

 

Nairobi, April 20, 2010 (W.Wararka) – Baarlamaanka dalka Kenya ayaa la sheegay in la horgayn doono mooshin lagu taageerayo in aqoonsi ay somaliland ka hesho beesha caalamka, taas oo la sheegay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya oo booqasho Somaliland ku yimid dabayaaqadii 2009-kii oo uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Md Faarax Macalin iyo wafti kale oo ka tirsan baarlamaankaasi oo dabayaaqadii sanadkii 2006-dii booqasho ku yimid dalka la sheegay inay u ololaynayaan sidii mooshinkaasi aqoonsiga somaliland ay golaha u horgeyn lahaayeen, isla markaana uu goluhu uga doodi lahaa nuxurka mooshinkaasi xambaarsan yahay.

 

Waftiga uu Faarax Macalin hogaaminayey ee dalka booqashada ku yimid ayaa la sheegay in warbixintii ay ka diyaariyeen socdaalkoodii xaqiiqo raadinta ahaa ee ay dalka ku yimaadeen dabayaaqadii 2009-kii ay u gudbiyeen afhayeenka baarlamaanka dalka Kenya oo la filayo in gudida ganacsiga ee baarlamaanka Kenya loo gudbin doono si golaha loo horgeeyo, goluhuna dood uga yeesho mooshinkaasi nuxur ahaan xambaarsan taageerada aqoonsiga Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadan karto dawlada Kenya, waxaanay ilo wareedyo xogogaal ah oo aanu ka helnay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi ay noo xaqiijiyeen in ololaha mooshinkaasi lagu soo daro ajandayaasha kalfadhiyada golaha baarlamaanka Kenya.

 

Source haatuf.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Jacaylbaro:

quote: in gudida ganacsiga ee baarlamaanka Kenya loo gudbin doono

Somaliland ma buskud baa ?
:DIn macalin jaadka Garisa laga cuno miyuu soo wareejin rabaa?

 

******* miirow loo keenay ,,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Jacaylbaro:

quote: in gudida ganacsiga ee baarlamaanka Kenya loo gudbin doono

Somaliland ma buskud baa ?
:DLol@ ma buskud baa? Maya ee waa quick way to make money from SL..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this