NASSIR Posted February 17, 2005 Taliye ku xigeenkii Ciidamada CID Puntland Col. C/casiis Cilmi Dhooley oo xabsiga loo taxaabay Todobaakii hore iyadoo lagu soo eedeyey Khiyaamo Qaran iyo khalkhal gelin Amniga Magaalada Bosaso..february 17, 2005 Boosaaso: (dhahr.com) Col. C/casiis Cilmi Dhoolay oo ahaa ruug caddaa si weyn loogaga haybaysto deeganadda Puntland isla markaasina dembi baarista ku talaxtagay , horayna u ahaan jiray Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Sanaag ayaa Todobaadkan waxa loo taxaabay Xabsiga Garowe , iyadoo amar ka yimid Hogaanka Sare ee Booliska Puntland lagu xiray . Waxaa la sheegaya in Taliyahaasi lagu soo eedeeyey inuu wado shirqoolo , khakhal amni iyo khiyaamo qaran iyo weliba isagoo la sheegayo inuu u shaqeeyo Maamulka Somaliland , waxana lagu soo eedeeyey inuu aabubulay kooxo budhcad ah oo dhallinyaro ah oo khakhal ku wada amniga Magaalooyinka Waaweyn ee Pl , kooxahaasi oo dhibaatooyin u geysta shacbiga , goobaha amaanka iyo Boob ay hantida dadweynaha ku wadaan . Kooxahaasi lagu eedaynayo inuu Odaygu abaabulay oo uu ka danbeeyo falalka waxshinimada ah ee amniga wax u dhimaya ayaa waxay si weyn uga jiraan Magaalada Bosaso ,kuwaasi oo lagu magacaabo YAA QOWMANAA , YAA QAAFIRIIN iyo kuwo kale oo lagu Magacaabo CIYAAL CARIGGA . Kooxahaasi ayaa dhibaatooyin lixaad leh ku haya Magaalada Bosaso , iyagoo isu laaya si raxanraxan ah , isla markaasina dhagaxtuur ka wada halkaasi , balse waxaa ilaa hadda la qabtay Madax sare oo Dhallinyaradasi ka mid ah oo loo taxaabay Xabsiyo Gobollo kale si rabshadooda looyareeyo . Waxaa jira warar sheegaya in Odayga Lagu been abuurtay oo arintaasi lagu xiriirinayo aysan waxba ka jirin , arinkaasi soo eedaynta iyo xarigga Sarkaalkaasi Denbi baarista ahna waxa ka danbeeyey ayaa la sheegayaa Niman uu horay denbi ugu soo oogay ah inay ciidamo ka aabaabulayeen Deegaanada Gobolka Sanaag , kuwaasi oo la yiraahdo Madoobe Cabdi Gurey iyo Bootaan oo isaga hadda ka hor arintaasi lagu xiray . Si walba ha ahaatee mar aanu la xiriirnay Booliska Xarunta Garowe , waxaa naloo xaqiijiyey in uu C/casiis Cilmi Dhooley lagu hayo huteel Si xabsi guri ahaan ahna uu ugu jiro maadaama uu ahaa oday usoo shaqeeyey Maamullo kala gedisan , isla markaasina waxay sheegeen in Boolisku Baarayo arintiisa sida uu sheegay Taliye Xigeenka Booliska Puntladn Gaashaanle Sare Cali Gacamey . M farxaan Qaranimo dhahar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites