Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu 2007- Report with PICS

Recommended Posts

galkacyo.jpg

 

Waa ceynkee muuqaalka mag. Gaalkacyo?

 

Galkacyo, Somaliya (Calanka.com) 26-Sebtember-2007

 

Magaalada Gaalkacyo ee Caasimaada Gobolka Mudug Juqraafi ahaan waxa ay ku taal bartamaha Soomaaliya,waxayna Magaalada markoodii hore ka koobnaan jirtay 4-Xaafadood oo lagu kala magacaabo (Garsoor,Israac,Horumar iyo Wadajir)balse wixii ka dambeeyay 1992-dii waxaa ku soo kordhay 7-Xaafadood oo lagu magacaabo (Suuq-Barwaaqo,Jiiro-Norwey,Xaafada Oog,New Baqdaad,Dhagacade,Kubkeygaan-ku-dhaartay iyo Xaafada Cabdulaahi ciise).

 

Magaalada Gaalkacyo waxaa laga isticmaalaa lacagta 500 ee Shiling-Soomaaliga,lacagtaas oo aan Gobolada Dalka laga isticmaalin,taasoo xitaa hadii ay tahay lacag duug ah ka shaqeyneyso gudaha Magaalada Gaalkacyo.

 

 

Magaalada dhaqaala ahaan waxa ay ku tiirsan-tahay Ganacsiga xoolaha nool,waxayna xudun ganacsi u tahay isku-xirka Gobolada Waqooyi,Koonfur iyo Kilinka Shanaad ee Dalka Itoobiya.

 

Magaalada intii aan joogay runtii waxa ay indhaheygu soo jiiteen dhismayaasha Hoteelada,waxaana la ii sheegay in Hoteelada ay badanaa kireystaan Dadka ka yimaada qurbaha iyo Gobolada kale ee Soomaaliya,waxaana la igu wargeliyay in Dadka oogu badan ee guryaha ka iibsada Magaalada ay hormud u yihiin Jaaliyadaha Puntland iyo Gal-mudug-State.

 

KA DAAWO HALKAN SAWIRO KALE OO BADAN:!

 

Dhinaca Caafimadka hadii aan ka warbixiyo,Magaalada waxaa ku yaal Isbitaalo Casri ah oo qaarkood ay maalgeliyeen Jaaliyadaha qurbo-jooga ee Gobolka Mudug,waxaana ka mid ah Isbitaalada oogu caansan (Norwey-Hospital iyo Dhagacade-Hospital)waxaa xusid mudan Isbitaalkii weynaa ee Magaalada Gaalkacyo waxa uu noqday Xero geel-jire kadib markii ay ka guureen Hey.adii gacanta ku heysay ee (Msf-Holland)oo ka guuray Magaalada kadib markii ay hanjabaad ka heleen qaar ka tirsan Madaxda-sare ee Gobolka Mudug.

 

 

Waxbarashada Magaalada oo aan u kuurgalay,runtii waxaan aad oogu farxay markii aan arkay Jaamacado laga hirgeliyay Magaalada oo ay ka mid yihiin (Puntland-University iyo East African-University)waxayna ii sheegeen Hor-joogayaasha Jaamacada in dhaqaalaha lagu socod-siiyo waxbarashada ay ka qaadaan Ardeyda (School fee)halka Ardayda qaarkood ay lacagta bixiyaan Jaaliyada qur-ba-joogta ee Gobolka Mudug.

 

Dhinaca biyaha hadii aan ka warbixiyo,Guryaha Magalada Gaalkacyo badanaa waxaa ku jira Tuubooyin Biyaha laga dhaansado,inkastoo xaafadaha Dadka dhaqaalaha heysto ay isticmaalaan biyo la warshadeeyay oo lagu magacaabo (Saxarla).

 

Magaalada dhinaca Isgaarsiinta waxaa ka hawl-gala Shirkado ay ka mid-yihiin Golis,STG iyo Telecom,waxaana meesha ka marneyn Shirkadaha Xawilaadaha,oo ay ka mid yihiin Amal,Iftin,Dahabshiil Qaran iyo kuwa kale oo fara-badan.

 

 

Dhaqanka Dadka Reer Muduga waa Dad aad u kaftan iyo xifaalo badan,waxayna leeyihiin halqabsiyo aad u fara-badan oo ay ka mid yihiin (Xilahay-Furan,Gun-Aloow hanaga dhigin,Najis-Najis Dhalay,Ma Laandheeraad is mooday,iyo kelmado badan oo aan halkaan ku soo koobi-karin.

 

Waxaa xusid mudan Magaalada Gaalkacyo oo aan sheeko ku maqli-jiray inuu khad-cagaaran u dhexeeyo Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada,ayaan waxaan ogaaday inaysan waxba ka jirin,waxaadna arkeysaa Dadweynaha Magaalada oo qof walba dhinaca uu doono u gudbaya,waxaana la ii sheegay in Dadka ku dhaqan Gobolka Mudug ay heshiis ku yihiin,xitaa hadii ay iska dilaan Boqolaal Wiil,inaysan ku kala guurin Magaalada Gaalkacyo oo ay noqdaan Dad Walaalo ah,markii Soomaalida kale lala xisaabtamayana inay Dadka tusaan inay yihiin cadow is ugaarsanaya,balse markii aan indha-indheeyay waxaa ogaaday in filin loo dhigayo Umada Soomaaliyeed,waayo intii aan Magaalada joogay Ciidamada oogu badan ee loo daad gureynayey Koonfurta Soomaaliya,waxa ay ka yimaadeen Waqoooyiga Magaalada Gaalkacyo iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo ay ku wada nool yihiin Qowmiyadaha u dhashay Puntland iyo Galmudug.

 

 

Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu qiyaasaa Nus Malyuun iyo dheeraad waxaana la ii sheegay inay sii kordhayaan marba marka ka dambeyso,iyadoo dad badan oo ka soo hayaamay Gobolada Dalka ay saldhig ka dhiganayaan Magaalada,waxaana jira Qoysas badan oo ka soo guuray dibadaha oo Guryo waaweyn oo qurux badan ka dhistay gudaha Magaalada iyo meelo ka baxsan Magaalada.

 

Guntii iyo Gaba-gabadii waxaan ku dhiiri gelin lahaa Jaaliyadaha qurba-joogta ah inay ku daydaan Jaaliyadaha Gobolka Mudug ee qurba joogta ah,oo iyagu maalgelin ku sameeyay Gobolkooda.

 

Godo-Godo

Tiibo_Talyaani@hotmail.com

 

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Gaalkacyo ee Caasimaada Gobolka Mudug Juqraafi ahaan waxa ay ku taal bartamaha Soomaaliya,waxayna Magaalada markoodii hore ka koobnaan jirtay 4-Xaafadood oo lagu kala magacaabo (Garsoor,Israac,Horumar iyo Wadajir)balse wixii ka dambeeyay 1992-dii waxaa ku soo kordhay 7-Xaafadood oo lagu magacaabo (Suuq-Barwaaqo,Jiiro-Norwey,Xaafada Oog,New Baqdaad,Dhagacade,Kubkeygaan-ku-dhaartay iyo Xaafada Cabdulaahi ciise).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...Duke kan waa iiga hormartay inaan soo xooran rabey laakiin masawirradii waa jejebisey@lol...runtii waa wax lagu farxo in degaan Soomaaliya ka mid ah, weliba Gaalkacyo oo aan maqli jirey in meel Yamayska la dhaho ay mar walba reer Gaalkacyood ka sheekayn jireen ay maanta ka dhisan yihiin daarahaan qurqurxoon.

 

In kastoo waxba waxbay dhaamaane weli wax badan ka maqan yihiin oo meesha xitaa isbitaalkeeda ay ka shaqayn la'yihiin hay'adaha gargaarku oo mar walba MSF laga sooo ceyrsado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The pictures are ok, they do not do justice to the city. However what I liked was that in this report the reality came out. There is no greenline in Galkacyu, North/South divide is a thing of history. That made my day.

 

You are right many things are missing, a real ecoonomy, pavements and roads, and a real water sewage system. That will come as the city grows and more people from the diaspora choose to move there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada dhaqaala ahaan waxa ay ku tiirsan-tahay Ganacsiga xoolaha nool,waxayna xudun ganacsi u tahay isku-xirka Gobolada Waqooyi,Koonfur iyo Kilinka Shanaad ee Dalka Itoobiya.

 

Magaalada intii aan joogay runtii waxa ay indhaheygu soo jiiteen dhismayaasha Hoteelada,waxaana la ii sheegay in Hoteelada ay badanaa kireystaan Dadka ka yimaada qurbaha iyo Gobolada kale ee Soomaaliya,waxaana la igu wargeliyay in Dadka oogu badan ee guryaha ka iibsada Magaalada ay hormud u yihiin Jaaliyadaha Puntland iyo Gal-mudug-State.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Maashaaaaaalah maashaalah...War Duke-ow Ceelki Berdacad soo sawir, ceelki berdacad soo sawir mise daar baa lagu dhisay isagane. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Masha'alah, Galkacyo is expanding massively, great structure, extensive construction and development, waa hormar wacan, this culturally historic and old city deserves better, halkaa kawada Howsha reer Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this