Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: security update +interior minister+3000 new police

Recommended Posts

bolissomali2.jpg

 

Ciidamo Bolis Oo Kusoo Fool Leh Mag. Muqdisho ( 3.000 )

 

Muqdisho, Somalia (Calanka.com) 23-Augosto-2007

 

Sida ey shaaciyeen masuuliyiinka ka tirsan ciidamada boliska iyo maamulka G/Banaadir ayaa waxaa kusoo fool leh magaalada Muqdisho ciidamo bolis ah oo tababar loogu soo gabagabeeyay mid ka mid ah xerooyinka ciidamada ee duleedka Muqdisho kuwaaso lagu wado in ey kaabaan ciidamada boliska ee horay ugu sugnaa caasimadda.

 

Ciidamada ayaa lagu sheegay in ey qeyb lixaad leh ka geysanayaan sugidda Amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidankaan badankiis ka howl gali doona labada degmo ee ey qaraxyada ka geystaan kooxaha kasoo horjeeda dowladda iyo burcadda kusoo badanaya degmooyinka.

 

Tirada ciidamadan boliska ah oo lagu sheegay 3.000 oo askari ee kusoo foolka leh caasimadda ayaa kusoo beegmay xilli ey dowladdy shaaca ka qaaday in ey wax ka badali doonto amaanka guud ee caasimadda mudo sadex isbuuc gudohood isla markaana ey ka sifeyn doonaan magaalaa kooxaha argagixisada iyo kuwa burcada ah ee caadeystay waxyeeleynta dadka rayidka ah.

 

Amaanka guud ee caasimadda oo ah mid dagan ayaa hadana waxaa kusoo badanayay degmooyinka qaar qaraxyo iyo falal burca nimo ah oo ey badanaa wax ku noqdaan dad shacab ah oo an waxba galabsan.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ciidamada dowlada Soomaaliya oo hubab iyo Waxyaabaha qarxa ka soo qabtay Magaalada Muqdisho degmooyinka mid ah.

23. august 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya oo howgallo balaaran ka wada Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo howlgalladan ka sameeyey deegaano door ah ka mid ah gobalka Banaadir ayaa lugu soo qabtay dad fara badan oo shaki weyn laga qabo ,hub kala duwan oo ay jiraan waxyaabaha qarxa.

 

Afhayeenka dhinaca saxaafadda u qaabilsan ciidamada dowladda C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay in dadkaasi la soo qabtay ,markii la sameeyey howlgalo aysan u kala harin Boolis iyo Milateri inkastoo laga sheegayo in hubkaan dhawaan la soo bandhigidoono.

 

C/waaxid Maxamed Xuseen oo AllPuntland uwaramayay ayaa sheegay in haatan ay dhow dahay guushii laga gaari lahaa kooxaha nabad diidayaashaa ,balse wuxuu sheegay in laga yaabo 3-da todobaad ee fooda nagu soo heysa lasoo afmeero qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

 

Howlgalladan ay Muqdisho ka wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya ,waxaana lugu soo qabtay dad gaaraya 12 qof ayadoo dadkaasina haatan lugu hayo Xabsiyada Magaalada Muqdisho ,waxaana lugu wadaa Baaritaano ku aadan tuhumada loo soo qabtay.

 

Mahan markii ugu horeysay oo ciidamadu soo qabtaan hubab ay ku jiraan waxyaabo qarxa oo dhibaato ku heysa Shacabka Magaalada Muqdisho iyo dad siweyn looga shakisan yahay in ay ka danbeeyaan qaraxyada ka wada magaalada Muqdisho.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddomiye Maxamed Dheere “Muqdisho xaalkeedu si weyn ayuu isu badalay wanaag ayaana Muuqanaya iyo amaan la isku haleynkaro”

 

MOGADISHU, Aug 23 (Reuters) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada maxamed Cumar maxamuud (maxamed Dheere) ayaa sheegay in xaaaldda amaan ee Muqdisho ay si weyn usoo hagaageyso oo is badal weyna la dareemayo.

 

“Muqdisho xaalkeedu si weyn ayuu isu badalay wanaag ayaana Muuqanaya”ayuu yiri guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo intaana sii raaciyay in halistii argagixisadu ay sii yaraaneyso

 

Guddoomiye Maxamed Dheere oo u waramayay wakaalada wararka reuters ayaa sheegay in xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho ay soo hagaageyso marka la bar badhigo sidii ayahayd bilihii lasoo dhaafay lagasoo bilaabo 1991-kii markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya.

 

"Boqollaal ayaa ku dhiman jiray Muqdisho maalintiiba,laakin hadda dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa dhintay dhowr ruux oo iyagana sababsabsaday qaraxyada ay haraadiga argagixisadu wadaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

 

"Inta badan dhaqaaleheena waxaanu ku bixinaa xagga amaan sugidda”ayuu yiri Guddoomiyaha oo sheegay in si weyn amaanka looga shaqeeyay inta dhimana lasoo afmeeri doono.

 

Mr.Dheere waxa uu intaa ku daray in ciidamada amaanka ee gobalka Banaadir ay yihiin kuwo isku filan ayna heystaan sirdoon la isku haleyn karo.

 

"haradiga aan badneyn ee argagixisada ah ee wali Magaalada Jooga ama guud ahaan dalka waanu ku daba jirnaaa,meel kasta oo ay galaana waanu uga daba tageynaa”ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Guuddoomiye dheere.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this