Sign in to follow this  
MoonLight1

THE KID IS BACK.

Recommended Posts

Eng Xuseen Ceydiid oo cambaareeyay qaraxii Beledweyne.

 

 

Asmara,23 June 2009 Waagacusub Media.

 

Gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee Isbaheysiga dib u xoreynta garabka casmara Inj Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid ayaa fal naxariis daro ku saleeysan ku sifeeyay qaraxii lala beegsaday Hotelka Madiina ee Magaaladda Beledweyne 19 June 2009.

 

 

"Mucaaradnimada maaha sidaan waalidaa ee dadka loo xasuuqayo,Diinta Islaamka maaha sidaan guracan ee la isugu qarxinayo shacabka,waxaan leeyahay qolada falalka nuucana geysatay ilaaheey u toowbad keena,sidoo kalena waxaan leeyahay shacabka Hiiraan allaha idinka samir siiyo dadkii xaqdarada loogu laayay Hotel Madiina"ayuu yiri Xuseen Maxamed Ceydiid oo la hadlayay Waagacusub

 

Xuseen Ceydiid wuxuu sheegay inuu siyaasad ahaan la jaal yahay Xasan Dahir Aweys hasse yeeshee looga baahan yahay Gudoomiyahooda inuu si cad uga hadlo qaraxyada iyo tacadiyada aan Somalinimada,Islaamn imada iyo Mucaaradnimada shaqada ku lahayn ee ka socda koofurta Somalia

 

"Aniga ilaaheey baan ka magangalay xukunkii aan ku raadin lahaa dhiig daata,waxaan ku faraxsanaa in dalkeena laga xoreeyo gumeeysiga,hadii gumeeysigii baxay hada waxaan taagnahay hala wada hadlo oo xukunka dalka hala qeybsado laakiin haleeys dilo,shacabkii mar kale hala barakiciyo kuma jiro,mana taageersani"ayuu mar kale yiri Xuseen Ceydiid

 

Xuseen Ceydiid oo ka qeybgalayo shir looga hadlayo Miinada kana dhacayo Magaaladda Geneva ee dalka Swisserland ayaa u muuqdo siyaasi ka maagay siyaasadda Somalia

 

waaacusub.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this