Gabbal Posted April 30, 2006 Barre Hiiraale Oo Maanta Kismaayo Soo Gaaray Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa maanta waxa uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ka dib safar dhowr toddobaad qaatay oo uu ugu maqnaa magaalada Nayroobi ee waddanka Kenya. Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay madax sarsare oo ka tirsan Isbahaysiga dooxada Jubba oo uu hor kacayay siyaasiga Xasan Maxamed Nuur (Qalaad) waxaana ka mid ahaa dadka soo dhoweeyay xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar) oo ah guddoomiye ku xigeenka isbahaysiga dooxada Jubba, Afhayeenka Isbahaysiga dooxada Jubba Bile Cabdille Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Cabdiraxmaan Axmed Waldiire, Taliyaha ciidanka isbahaysiga dooxada Jubba Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale, Abaanduulaha ciidamada Isbahaysiga dooxada Jubba Cabdullaahi sheekh Ismaaciil (Fartaag) Madaxda kala duwan ee guutooyinka ciidammada isbahaysiga, denjire Cabdi Cartan Aadan madaxa samafalka wakiilka ammaanka ee hay'adaha samafalka Axmed Cabdullaahi Xirsi (Labaale), Guddoomiyaha degmada Kismaayo Xaaji Daahir Maxamed Cilmi (Daahir Carrabey), urrrada bulshada rayidka ah oo ay ugu horreeyaan haweenka magaalada Kismaayo, guddiyada isboortiga, kooxaha fanka iyo kooxaha baambeyda ee magaalada Kismaayo, dadweyne fara badan iyo culuma u diin fara badaniyo ardayda dugsiyada qaarkood. Waxaa sidoo kale soo dhoweyntiisa ka qayb qaatay ciidammada ammaanka iyo kuwa booliska oo uu hor kacayo generaal abwaan Maxamed Axmed Muuse Cawl (Busuloos). Magaalada gudaheeda ayaa waxaa sidoo kale laga dareemayay soo dhoweyntiisa iyada oo ciidammada Taraafikada iyo kuwa ammaankuba illaa xalay ay ku mashquulsanaayeen hab sami ku soo celinta marinnada magaalada, saakana la arkayay ciidammada taraafikada oo jidadka taagan oo kala hagaya gaadiidka. Guud ahaanna waxa loo soo dhoweeyay si aad u heer sarreysa iyada oo ay soo dhoweyntiisa ka qayb qaateen dadweyne isugu yimaada garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kuwii ugu badnaa ee wefti soo dhoweeya muddo 16 sano ah. Hadallo dheer oo uu u jeediyay dadweynihii soo dhoweeyay ayuu ugu horreyn uga mahad celiyay sidii loo soo dhoweeyay, isaga oo ka cudur daartay isla markaasna ka cafis dalbaday dadweynihii reer Kismaayo ee maalmihii la soo dhaafay ku lug-go'sanaa garoonka xilliyadii uu baaqanayay, sidoo kalena waxa uu ku dhiirri geliyay inay nabadda adkeeyaan si noloshu ay u horumarto, waxa uu wasiirku ka war bixiyay kulankii isaga iyo madaxweynaha ku dhex maray magaalada Nayroobi ee wadanka. Waxa uu cambaareeyay kooxaha burcad badeedda ee doomaha qafaalanaya isagoo tilmaamay in isbahaysigu uu u diyaar garoobay la dagaallanka burcad badeedda biyaha Jubbooyinka haddiiba lagu helo fal burcadnimo ah. Ugu dambeyntiina waxa uu wasiirku baaq iyo codsi wada jira u soo jeediyay mas'uuliyiinta iyo kooxaha colaadda ka wada meelo ka mid ah Soomaaliya, waxana uu ugu baaqay in dagaallada laga joojiyo Soomaaliya. Wasiirku waxa loo soo gelbiyay xaruntiisa Baranwaa si uu halkaas uga warbixiyo saraakiisha isbahaysiga. A T Gedonet Kismaayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted May 1, 2006 I thought he was going to US in particular Ohio before he goes back to Kismayo? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted May 1, 2006 ^That was never part of his itinerary. Barre Hiiraale oo ka war bixiyay safarkiisii Nairobi Kismaayo 30 April. 06 ( Sh.M.Network) Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda FS ahna Gudoomiyaha isbaheysiga D/jubba Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa maanta ka war bixiyay safarkiisii magaalada Nairobi. ol. Barre Hiiraale oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, ka dib safaro maalmo qaatey oo uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka kenya. Wasiirka oo uu wehliyay Ambassador Cabdi Xasan ayaa waxa ay u soo dhaqaaqeen dhinaca degmada Kismaayo halkaasi oo shir Jaraa'id uu ku qabtey wasiirka uu faahfaahin kaga bixiyay socdaaladii uu ku tagay magaalada Nairobi. Col, Barre Hiiraale ayaa sheegay in magaalada Nairobi uu kulamo kula soo qaatay Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed, isagoo ka gaabsaday in uu faahfaahiyo waxyaabihii ay isku afgarteen. Wasiiirka waxa uu sidoo kale sheegay in uu kualmo la soo qaatay Saraakiil ka tirsan Hay'adaha Q.M oo ay ka wada hadleen arimaha samafalka gobolada Jubooyinka, isagoo tilmaamay in sidoo kale halkaasi uu kula kulmay Jaaliyadaha Soomaaliyeed. Col, Barre Hiiraale ayaa soo hadal soo hadal qaaday xiisadaha ka taagan magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay labada dhinac ee is haya in xabadda ay joojiyaan isla markaana ay wada hadal ku dhameystaan khilaafkooda. Waxa uu sidoo kale ka hadlay qatarada iyo afduubka kooxaha Somalida ay ka wadaan xeebaha Somalia, isagoo sheegay in aan loo dul qaadan doonin arinkaasi,ayna diyaariyeen doomo iyo maraakiib ka hortagta kooxahaasi. waxa uuna tilmaamay in talaabo ay ka qaadi doonaan cidkasta oo falal amni xumo ka wada xeebaha Somalia oo ay qabtaan. Farxaan Lafoole Shabelle Media Network, J/hoose Quote Share this post Link to post Share on other sites