Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Minister For Good Governance Says Noone Loves Somalia More Then Puntland

Recommended Posts

Cowke   

Garoowe:”Puntland hadii ay Calan samaysato kama dhigna inay Soomaaliya ka go’day”Wasiirka Maamul Wanaaga ee Puntland.

 

10. juli 2010

 

Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markale difaacday samaysashada calan & Astaan u gaar ah maamulka Puntland kaas oo uusan la wadaagin qeybaha kale ee dalka Soomaaliya,waxaana ay Puntland sheegtay in hadii calan ay samaysato aysan ka dhignayn inay dalka intiisii kale ka go’een.

 

Wasiirka Maamul wanaaga ee dawlada Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) ayaa warbaahinta u sheegey in dawlada Puntland ay ka xuntahay warar dacaayad ah oo laga fidiyey kuwaas oo sheegaya inay Puntland ka goosanayso qeybaha kale ee dalka,wuxuuna Wasiirku sheegey in hadii ay Calan samaystaan aysan qeybaha kale ee dalka ka go’in.

 

“Calan cidkasta ayaa samaysankarta…Xaafad ayaa samaysan karta,Waxaa samaysan karta koox dhalinyaro ah oo kubbad ciyaarta,waxaa samaysan karta cid kasta oo doonaysa inay astaan yeelato,annaguna sidaas ayaanu u samaysanay Soomaaliyana kama aanan go’in kamana go’I doono ee taas ogaada cid Soomaali naga jecel ma jirto.

 

Gaashaan wuxuu sheegey in Puntland ay tahay astaanta kaliya ee maanta Soomaalinimada u taagan,isagoo tusaale usoo qaatay sida ay dadka reer Puntland & Xukuumadoodaba uga go’antahay inay Soomaali inteeda kale raadiyaan,wuxuuna meesha ka saaray in Puntland ay marna ku dhiirato go’aan goosasho ah.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

 

WAR LA XIRIIRA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this