ANWAR Posted July 21, 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Golaha wasiirada ee dawlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa waxa ay maanta cod uqaadeen xubno cusub uu Magacaabay raysal wasaaraha dawlada Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi. Golaha Xukuumada oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay isku raaceen ,in la magacaabo xubno ka mid noqonaya qaar ka mid ah wasaaradaha dawlada FKMGS. Cali Maxamed Geedi oo ugu horeyn wasiirada ugu warbixiyay safaradiisii wadamada dibada ayaa wuxuu sheegay in ay dhamaantood ku soo dhamaadeen guul iyo is afgarad dhexmaray Madaxdii ay kulmeen. Goluhu waxa ay isku raaceen in taliyihii hore ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Gen.C/laahi Cali Cumar loo idmay in uu lashaqeeyo wasaarada Arimaha dibada ,ayadoo Jagada taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed loo dhiibay Saalax Xasan Jaamac oo ciidamada ka mid ahaa. Sidoo kale Bashiir Ciise waxaa loo Magacaabay Gudoomiyaha Bankiga dhexe ,iyadoo agaasimana loogu Magacaabay Aaden Saran soor oo ka mid ahaa hogaamiyaasha Digil iyo Mirifle. Magaacibada xubnahan cusub ee dawlada Soomaaliya qaarkood lugu soo daray ,ayaa waxa ay ku soo beegmayaan ayagoo qaarkood siweyn dawlada Soomaaliya uga soo horjeeday sida Aaden Saransoor oo ku sugan Gobalada Bay iyo Bakool. Faarax C/qaadir Geylan Quote Share this post Link to post Share on other sites