Sign in to follow this  
Liqaye

Wasiirkii Arimaha Debedda Iyo Kii Maaliyada Ee Somaliland Oo Ka Qaxay Guryihii Ay Ka

Recommended Posts

Liqaye   

Sunday 13 Sep 2009 SMC

 

Abwaan Caan ka ahaa Somaliland....Siiba Hargaysa iyo Togdheer oo lagu naanaysi jiray Gacanlo ayaa gabay uu tiriyey, waxa ku jiray Meeris caan noqday oo iminka lagu maahmaaho kaas oo ah *Mar Haddii Mashiinadu Qarxaan Mawdka loo siman*

Ujeedada ku duugan xigmadan Abwaanka ayaa ah mar hadddii dhibaato iyo dil dhaco in uu cid walba saamaynaayo, Ahaw Madax, Wasiir ama haba ahaanin. Dhacdadii Foosha-xumayd ee ay ku xidhay Xukuumada Dahir Riyaale Golahii wakiilada iyo waliba Xasuuqii loo gaystay shacabkii banaanbaxay waxay daaha ka rogtay burburka iyo kaligii-talisnimada uu Daahir Riyaale la maaganyahay dalkan.

 

Sida wararka Hargeysa ka imanayaa sheegayaan markii shalay Xabadu bilaabantay waxa barakacii u horeeyey ku habsaday Wasiiradii ugu dhadhawaa Dahir Riyaale, kuwaas kala ah wasiirkii Maaliyada Cawil Cali Ducaale iyo Wasiirkii Arimaha Debeda Cabdillaahi Maxamed Ducaale. Wasiiradan ayaa la sheegay in isla shalay Subixii ay Caruurtoodii u daad gureeyeen guryo ay degen yihiin dad ay qaraabo yihiin oo deggen isla Hargeysa iyaguna ay gundhada jareen Madaxtooyada. Su'aasha la is-weydiinayaa waxa ay tahay......Intee lagu dhuuman karayaa Maxadtooyada, jawaabta waxaad ka helaysaa dadweynaha gadoodsan ee dadkoodii lagu laayey Banaanbaxa.

 

By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist.

sooldhuub@hotmail.co m

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this