Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: more weapons confiscated on donkeys

Recommended Posts

Shabeelada Hoose: Hubab ku rarnaa Gawaari iyo Dameero oo lugu qabtay Shabeelada Hoose degmooyin ka mid ah.

12. september 2007

 

Shabeelada Hoose(AllPuntland)- Habeenkii xalay ahaa iyo saakaba ayaa dowlada Soomaaliya Milaterigeedu waxa ay ku guuleysteen qabashada hubab fara badan oo lugu soo raray gawaari iyo Dameero ayadoo dhamaantoodna dowladu qabatay.

 

Saraakiisha Sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo jooga meelo ka mid ah Dalka Soomaaliya ayaa AllPuntland usheegay in gaari nooca loo qayaano ah INA TAGEERA ay qabteen ciidamada dowlada Soomaaliya kaasoo dhamaantiis ahaa hub ,waxaana lugu qabtay Kontoroolka degmada Afgooye ayadoo loo wadey magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

 

Hubkaan waxaa laga keenay gobalada Jubooyinka oo aysan dowlada Soomaaliya gacanta ku heynin waqtigan ,waxaana la rumeysan yahay in ay leeyihiin kooxaha dowlada Soomaaliya kaga soo horjeeda Magaalada Muqdisho.

 

Dameero gaaraya 77 dameer oo sida hub fara badan loogana soo raray gobalada Jubooyinka ayaa sidoo kale Milateriga dowlada Soomaaliya waxa ay ku qabteen degmada Leego ee shabeelada Hoose ayadoo lakeenay magaalada Marka ,saacadaha soo socdana la filayo in lasoo gaarsiiyo magaalada Muqdisho.

 

Sarkaal sare oo sirdoonka Qaranka ka tirsan ayaa sheegay in dad gaaraya 11 qof lugu qabtay degmada Leego markii la lala wareegay Dameerihii ay wateen waxaana uu sheegay in saacadaha soo socda dhamaantood dadkaasi layskugu keenayo gudaha gobalka Banaadir sharcigana la horkeeno.

 

Madaxda Sirdoonka Soomaaliya ayaa waqtigan wada dadaal xoogan oo ay ugu jiraan nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya ayagoo taageero ka helaya ciidamada Milateriga dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Talaabadan ayaa jab weyn ku noqoneysa kooxaha dowladu ugu yeertay Argagixisada isla markaana waxa ay noqoneysaa hubkii ugu horeeyey oo lugu qabto deegaanadaasi kana yimaada gobalada Jubooyinka.

 

Faarax C/qaadir Geylan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this