General Duke Posted September 12, 2007 Shabeelada Hoose: Hubab ku rarnaa Gawaari iyo Dameero oo lugu qabtay Shabeelada Hoose degmooyin ka mid ah. 12. september 2007 Shabeelada Hoose(AllPuntland)- Habeenkii xalay ahaa iyo saakaba ayaa dowlada Soomaaliya Milaterigeedu waxa ay ku guuleysteen qabashada hubab fara badan oo lugu soo raray gawaari iyo Dameero ayadoo dhamaantoodna dowladu qabatay. Saraakiisha Sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo jooga meelo ka mid ah Dalka Soomaaliya ayaa AllPuntland usheegay in gaari nooca loo qayaano ah INA TAGEERA ay qabteen ciidamada dowlada Soomaaliya kaasoo dhamaantiis ahaa hub ,waxaana lugu qabtay Kontoroolka degmada Afgooye ayadoo loo wadey magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya. Hubkaan waxaa laga keenay gobalada Jubooyinka oo aysan dowlada Soomaaliya gacanta ku heynin waqtigan ,waxaana la rumeysan yahay in ay leeyihiin kooxaha dowlada Soomaaliya kaga soo horjeeda Magaalada Muqdisho. Dameero gaaraya 77 dameer oo sida hub fara badan loogana soo raray gobalada Jubooyinka ayaa sidoo kale Milateriga dowlada Soomaaliya waxa ay ku qabteen degmada Leego ee shabeelada Hoose ayadoo lakeenay magaalada Marka ,saacadaha soo socdana la filayo in lasoo gaarsiiyo magaalada Muqdisho. Sarkaal sare oo sirdoonka Qaranka ka tirsan ayaa sheegay in dad gaaraya 11 qof lugu qabtay degmada Leego markii la lala wareegay Dameerihii ay wateen waxaana uu sheegay in saacadaha soo socda dhamaantood dadkaasi layskugu keenayo gudaha gobalka Banaadir sharcigana la horkeeno. Madaxda Sirdoonka Soomaaliya ayaa waqtigan wada dadaal xoogan oo ay ugu jiraan nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya ayagoo taageero ka helaya ciidamada Milateriga dowlada Faderaalka ee Soomaaliya. Talaabadan ayaa jab weyn ku noqoneysa kooxaha dowladu ugu yeertay Argagixisada isla markaana waxa ay noqoneysaa hubkii ugu horeeyey oo lugu qabto deegaanadaasi kana yimaada gobalada Jubooyinka. Faarax C/qaadir Geylan Quote Share this post Link to post Share on other sites