Jacaylbaro Posted May 7, 2009 Ciidamada isku dhafka ee Dowlada Somalia ayaa waxaa lagu hawlan yahay sidii loogu qeybin lahaa dereys ama lebis u gaar ah isla markaana la isku dhafayo ciidamadii ka tirsanaa Midowga Maxaakimta Islaamiga iyo kuwii Xukuumadii hore ee lagu soo dhisey Kenya. Qeybinta lebiska milateriga ee Ciidamada Soomaaliya ayaa waxaa kaloo weheliya biil siin isla markaana ay dowladu u qaybineyso ciidamada musharahaadkoodii 2dii bilood ee lasoo dhaafey. Hawlahan oo ka bilowday qeyb ka mid ah Saldhigyada magaalada Muqdisho ayaa waxay qaadaneysaa mudo dhowr bilood ah iyadoo ciidamadan Somalia ay lebiskii hore ee lagu yiqiin loo soo celin doono. Lebis qeybantan kuma eka ciidamada Milateriga waxaana sidoo kale loo qeybinayaa dharkooda ciidamada Booliska ayna u wehesho mushaharaadkoodii. Xukuumada Somalia ayaa waxay dhowr jeer caalamka ka dalbatey sidii looga caawin lahaa ciidamada iyo kharashkooda iyadoo dhamaadkii bishii lasoo dhaafey ay beesha caalamku u balan qaadey aduun dhan 213 Miliyan oo doolars ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites