Sign in to follow this  
Saalax

Western Burco Youths Warn Xukumada Siilaanyo

Recommended Posts

Saalax   

Dhalinyarada Beesha Galbeedka Burco oo Dhaleecayn u Soo Jeedisay Talaabooyinka ay Durba ku Kacday Xukuumada Siilaanyo‏

 

Burco(Oodweynenews)-Dhalniyarada Beesha Galbeedka Burco ayaa dhaleecayn Xoog leh u soo Jeedisay Xukuumada Siilanyo talaabooyinka Horta leh ee ay qaaday iyada oo aan xilkaba haynin mudo gaadhaysa 3bilood.

 

Dhalinyaradani ayaa bayaan ay maanta ka soo sareen mid ka mid ah xafiisyadooda magaalada Burco waxay kaga hadlen arimo dhawra oo ay ku dhaliilayn xukuumada Cusub kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Qorshaha amaanxumida ee xiligani dalka ka jira,Nidaamka Cid gaara lagu ugaadhsanayo ee xiligan hanti dhawrka guud wado,fulin laanta waxyaabihii ay ku baaqayeen xiligii ololaha doorashada.

 

Hadaba bayaankani oo nuqul ka mid ahi uu soo Gaadhay xafiiska oodweyne News waxa uu u dhignaa sidatan isaga oo dhamaystiran:-

 

1-Anagau hadaan nahay dhalinayarada Beesha galbeedka Burco waxaan ka xumahay waxyaabaha ay xilagani ku kacaday xukuumada cusub taas oo ah waxaan loo dulqaankarain hadaan ku horayno dhanka amaanaka waxaa xiliagni uu dalku ku suganyahay xaalada amaandaro waxaana maalinba maalinta ka danbaysa faraha ka sii baxaya amiinkii taas oo ay sabab u tahay xukuumada cusub waxaana runtii wax laga xumaado ah in dhanka maamulka ciidamada Somalainad ay xilagani xukuumadu wado iska horkeenka beelaha walaalaha ah ee dega Gobolada Galbeedka Somaliland tas o la ogaa dhawaan dhacdadii lagu casilay taliyihii xeedbaha galbeedka Somaliland Xudhuun oo loo cuskaday xilka qaadistiisa taliyaha ciidmada Qaranka oo si shakhsiayan ah ay isku hayeen.

 

2-Dhanka Hanti dhawrka guud ee qaranka waxaa runtii wax laga khajilo ah in xukuumadu waqtigii doorashada ay ku ololaynaysay inay samaynayso isbedel la taabankaro oo isu soo dhaweynaha dhamaanba beelaha Somaliland balse waxaa muuqata in hanti dhawrka guud uu bilaabay inuu iska horkeeno beelaha somaland taas oo haatan ay muuqato in sigaara ah loo ugaadhsano masuuliyiintii Xukuumadii hore ee ka soo jeeda Beesha galbeedka Burcogalbeedka Burco taasina ay tahay mid aanan ka yeelayn xukuumada siilanyo waxanan hore uga yeelnay xukuumada in wadnku raysal wasaare yeesho aan baalna kaga oolin Distoorka qaranka balse tani maaha midi aan u dulqaadan lahayn.

 

Baaq si gaara ugu aadan Madaweyne Siilanyo:

 

3-Hadaanu nahay dhalinyarada Beesha Galbeedka Burco waxaan baaq si gaara u gaadhsiinaynaa madaxweynaha inuu u soo kala cadeeyo bulshada dooratay in isbedlka uu ku baaqayay uu ahaa sidii uu u aargoosan lahaa iyo inuu dalkani ku hogaamiyo kitaabkii uu ku dhaartay waxaanan tilmaamaynaa in wax laga xumaado ay tahay iayada oo madaxweynaha lagula yaabanaa in dalku raysal wasaare yeesho hadana manta ay la yimaadaan talaabooyin aan la qaan.

 

Ugu danbaytii waxaan madaxweynaha ugu baaqaynaa inuu si degdega arintaasi wax uga qabto taas oo hadii aan waxba laga qaban keeni karta isku dhacyo badan halisna ku keeni karta wada shaqaynta bulshada Somaliland.

 

Ugu danbayntii baaqani ay soo saareen ayaa ku soo beegmaya iayada oo maalmihii la soo dhaafiyay maid kan la mid ah ay u direen xukuumada cusub cuqaal iyo wax ka garad ka tirsan beelaha galbeedka Buraco oo ku kala dhaqan gobolada Togdheer iyo Sanaag.

 

Maxamed Cawed Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

JB, this is a serious issue from burco to erigavo alot of people are so far unsatisfied with this incompetent government. Rather then focusing on their so called "Isbedel" and the countries sinking security, they focus on individuals for clannish reasons, i am not impressed in the slightest.

Share this post


Link to post
Share on other sites

3-Hadaanu nahay dhalinyarada Beesha Galbeedka Burco waxaan baaq si gaara u gaadhsiinaynaa madaxweynaha inuu u soo kala cadeeyo bulshada dooratay in isbedlka uu ku baaqayay uu ahaa sidii uu u aargoosan lahaa iyo inuu dalkani ku hogaamiyo kitaabkii uu ku dhaartay waxaanan tilmaamaynaa in wax laga xumaado ay tahay iayada oo madaxweynaha lagula yaabanaa in dalku raysal wasaare yeesho hadana manta ay la yimaadaan talaabooyin aan la qaan.

duco qabeyaal ama dhaliyaro ha deg degina is bedelki aad rabten wuu idin so socda ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Haji Xandjuf, if iis bedel means targetting individuals on clannish bases and imposing illegal xayiraad on the individual without the high courts consent first. They can take it where the sun doesn't shine.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Libaahe*:

Haji Xandjuf, if iis bedel means targetting individuals on clannish bases and imposing illegal xayiraad on the individual without the courts consent. They can take it where the sun doesn't shine.

Do u know the guy who is the head of hanti dhawrka qarranka waxay isku qolo yihin ninka ducaale la yidha so why would he go after his clan cousin that doesn´t make sense Ninka waxan oo dhan wadda wasaarad kasta baadhay is him if the ducaale guy just stayed in the country there would be no problem ask your self wasir kuxigeenki gacansiga why is he in Djibouti wasiirki ganacsiga why is he in adis why is cawil in kenya , dadkan oo dhan in la baadhayo bey ogyihin sxb

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Haji Xandjuf, it's clear Maxamuud aw Cabdi ibraahim(dhagaxtur) did not make those decisions himself but wa la adeegsanaya daadka kale oo hayb neceb haysa iyo dano gar ah. + Cawiil is in somaliland so stop your lies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Libaahe*:

Haji Xandjuf, it's clear Maxamuud aw Cabdi ibraahim(dhagaxtur) did not make those decisions himself but wa la adeegsanaya daadka kale oo hayb neceb haysa iyo dano gar ah. + Cawiil is in somaliland so stop your lies.

libaahe they are going after every one not just after Particular group or region you have to understand that cawil is in nairoby sxb i am 100% sure about that

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaji_Xunjuf maxa ka sii ah do you have comprehension problems? the biggest issue is xayiraada which hanti dhawrka does not have any right to order such a thing against abdirahman ducaale the former bank chairman of somaliland without the consent of the high court first.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beelo Shiray Ma Aha e Waa Cawil iyo Hadhaagii UDUB

 

 

Waxay xukuumaddu madaxa kala soo kacday arbush iyo cabashooyinka dadka ku qadhaabanayay magac beeleedyada ee ku cabanayay inaan beeshooda la siin “wasiiradii ay xaqa u lahaayeen”. Waxa imika tii beddeshay kuwo ku hanjaba inay qaadi doonaan tallaabo xukuumaddan dhaxalsiisa “cawaaqib xumo” haddii aanay yeelin sida ay doonayaan.

 

Dadka arbushka wada waxa ugu mudan kuwa sheegta oday beeleedyo sheeganaya inay metelaan beel-wayn aan la garanayn goobta iyo wakhtiga la wakiishay ee ay heleen kalsoonida beeshaas. Waa meel ka dhac iyo nusqaan in odayaashaas tirrada kooban ee hoolalka yaryar ku shiray ay sheegtaan inay metelaan baalweyn kala aragti iyo fikir iyo aqoon duwan oo kala taageera saddexda xisbi qaran.

 

Waxa mudan in lays xasuusiyo isbeddelka dalka ka dhacay cidda keentay inay ugu badnayd dhalinyarada iyo haweenka halka odayadu ahaayeen kuwo aan habayaraatee lagu arag goobaha codaynta halka goorwalbana ay ka soo horjeedeen in dalkani sameeyo wax horumar ah oo dhinac maamul iyo dimoqraadi midna. Haddaba haddii odayadaasi xukuumaddii hore uga barteen in marna lagu dhaqo xeer jajab marna xoolaha qaranka oo lagu kirayso taasi meesha way ka baxday wakhtigoodi dhamaa, xukuumadda hadda joogtaana waa tii ay ku xisaabtamayeen jiilka cusub ee beri dhaxli doona dalkan.

 

Odayadaas farakutiriska ah ee shirarka qabsaday oo aan ka sheegi karo kuwa ku kala shiray Boorama iyo Burco waxay shirarkoodu salka ku hayaan arrimo kala duwan iyaga oo xukuumadda u soo jeedinayaa hadallo isugu jira baaq iyo hanjabaado.

 

Odayada ku shiray Boorama waa kuwii xukuumadda siiyay digniinta inay qabandoonaan mudaharaadyo haddii xilka loo daynwaayo Kornayl Xudhuun. Way ku fashilmeen wax aan ceeb iyo magac xumo ahayna isumay soo jiidin.

 

Kuwa Burco ku shiray oo ah koox tirro yar oo aan sheegan karin inay reer wakiil ka yihiin, ayaa xukuumadda ugu hanjabay inay ka noqoto baadhitaan ay ku samaysay guddoomiyii hore ee Baanka Somaliland iyaga oo u nisbaynaya in lagu haysto beel ahaan!. Waa yaabe ma waxa jira beel si gaar sharcigu aanuu u qaban oo muwaadiniinta kale ka saraysa? Haddiise ay rabaan in sharciga la laalo maxaa ka manacaya in dadka jeelasha ku jira oodda laga qaado dalku fawdo ha noqdee, mise kuwa jeelasha ku jira muwaadinimadoodu way kala dhimantahay oo kuwa Riyaale xilalka u dhiibtay ayaa ka faddiilsan.

 

Baroortu orgiga ka wayn. Shirarkan waxa abaabulaya waa Cawil iyo hadhaagii UDUB ee dalkan saboolka ah kaga tagay daynta $40 milyan ee dollar ah oo aan oggolayn in lagala xisaabtamo hantida qaranka ama la ogaado tabaha ay ku lunsadeen hantida maqan iyo meesha ay ku dambaysay. Xaqbaa loogu leeyahay mana jirto cid ka joojin karta xukuumadda inay dabagal ku samayso hay’adaha lagu lunsaday hantii qaranka.

 

Ninkii ku taamaya in layska iloobo, ha ku quus gooyo in aanuu jirin qof ka sareeya sharciga ama lagaga saamaxayo reer hebel ayuu yahay. Xukuumadda maanta joogta sababihii 50% shacbigu ugu codeeyeen ayay ahayd inay dalka iyo dadkaba si siman ugu dhaqdo sharciga, kuwii hantidooda xadayna la horkeeno sharciga. Sharcigaasi ayaa qabanaya masuulkasta oo xil haya ama soo qabtay oo ummaddan saboolka ahna ka xaday kagana tagay daymo aanay qaadi karin.

 

Dadkaas ku baaqaya inaan wax baadhitaan ah la samayn waxa loo qaadan karaa inay xaaraanta wax ka cuneen oo iyagu aanay ceeb ka saliim ahayn, ma muuqato sabab kale oo dadkaasi uga soo horjeedaan tallaabooyinka xukuumaddu ku dabagalayso hantida maqan ee qarankani isku raacsan yahay.

 

Marka aad u sii fiirsato baaqyada ka soo baxay shirarkaas waxaad muuqanaysa in labadaba ay ku taaganyihiin lugo booc ah oo ay doonayaan wax aanay awood u lahayn. Labadaba waxa ku jira hanjabaad aan meel gaadhsiisnayn oo xukuumadda loogu hanjabayo haddii ay ka noqonwaydo go’aamadadeeda.

 

 

Axmed Xirsi

axmedxirsi@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this