Jacaylbaro Posted January 21, 2008 Waxaa markii ugu horaysay shirkada TELCOM ay xarun cusub ka furatay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool xaruntaas oo wax badan ka qaban doonta agabyadii asaasi ee looga bartay shirkadan oo xafiisyo kala duwana kuleh dhamaanba Gobolada dalka Somalia. Hadaba shirkada TELCOM waxay ka hawl gashaa guud ahaan Geeska Africa iyadoo dhamaanba goobahaa ay ka hawlgasho ay macaamiisheedu uga brteen adeeg hufan hadaba waxaa kamid ah adeegyada ay bixiso:- GSM mobile,land,Internet iyo electricity Meelaha hadda la kicinayo waa Laascaanood,Buuhoodleiyo ceerigaabo iyo dhamaanba Gobolada dalka meelihii aysan hore ugu jirin. Card-keeda waxaad ku hadli kartaa raas kiyaanbooni ilaa raascasayr adigoon card-ka marnba ka saarayn. Adeegyada ay bixiso ee dheeraadka ah:- · International SMS inaad ogaan karto lanbarka kusoo wacay markaad xidho. · Waxaan uhaynaa dadwaynaha adeeg ujaban guud ahaan geeska Africa . · Adeeg realible oo joogto ah oo aan marna go ayn. · Adeega number-ka muhiimka ah inaad sagaal qof mar wada isticmaali karto. Shirkada TELCOM waxay siisay macaamiisheeda kaadhadh shubada 20% dheeraad ah macaamiisha hadaba shirkadan oo taariikhdu markay ahayd 19/01/2008 laga furay magaalada Laascaanood ayaa waxa ay bixinaysaa hadda kaadhadh numbers ah oo qof ku isticmaalo kuwaas oo lagu qaadanayo hal doolar oo kali ah taas oo ah bilaash marka loo eego iibsashada. Shirkada TELCOM ayaa waxa ay heshiis galeen shirakdaii SOMTEl ee magaalada Laascaanood iyada oo shirkadani ay la wareegtay dhamaanba shaqaalihii shirkadaaasi kana hawlgalaysa xafiisyadeedii taas oo ku timi heshiis dhexmaray. Quote Share this post Link to post Share on other sites