Abdi2005 Posted October 26, 2006 Golaha Maxkiimta Islaamka oo dhawaan ku dhawaaqaya Maamulka cusub ee bedelay Maamulkii hore ee Sheekh Yuusuf Indha Cadde Warar ku dhow dhow Golaha Maxaakiimta Islaamiga ayaa sheegaya in uu socdo qorshe ay maamul cusub ugu dhisayaan gobolka Shabeellaha hoose oo uu horey u maamuli jiray Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cade oo Maxkamadaha u qaabilsan dhinaca ammaanka dalka.. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay gobolkaas ay u magacaabayaan Maxkamadaha Islaamiga Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey oo ka mid ah mas’uuliyiinta Midowga Maxkamadaha,iyadoo uu haatan socda diyaarinta Maamulkaas Maamulka loo sameynayo Sh/hoose ayaa waxaa uu qeyb ka yahay maamul u samaynta deegaannada ay Maxaakiimtu ka taliyaan iyadoo la ogsoon yahay in afar casho ka hor uu maamul cusub u soo magacaabay Guddoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Gobolka Shabeellla dhexe, isla markaana uu kala diray maamulkii KMG ahaa ee ka jiray gobolkaasi. Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey ayaa haatan la sheegaya inuu noqon doono hoggaamiyaha cusub ee Gobolka shabeellaha Hoose, walow ay jiraan Mas’uuliyiin kale oo la sheegayo inay madax ka noqon doonaan Gobolka shabeellaha Hoose. Midnimo Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 27, 2006 ^^^Suuley, a local of the region? . Oh no its the dude from Cadaado. Better than IndaCade though.. Quote Share this post Link to post Share on other sites