Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyo- Turkish Medics on route to provide medical treatmen to Public : PICS

Recommended Posts

wasiirka-caafimaadka-oo-wasaaradda-kusoo

 

Gaalkacyo:Isbitaalka Gaalkacyo oo uu kasocdo Diyaar garow Culus…(Warbixin).

22. oktober 2010

 

APL

 

Gaalkacyo: Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka soconaya diyaar garow balaaran oo loogu jiro koox dhakhaatiir caalami ahah oo ka imaanaysa wadanka Turkiga kuwaas oo hawlgalo caafimaad ka samayn doona Isbitaalka guud ee Gaalkacyo.

 

Isbitaalka ayaa mudooyinkii u danbeeyey waxaa ku socday dayactir lagu wadey qaybo ka mid ah Isbitaalka guud ee Gaalkacyo oo muhiim u ah hawlaha caafimaadka ee uu Isbitaalku fuliyo.

 

Maanta ayaa Hoolka Isbitaalka guud ee Gaalkacyo waxaa ka dhacay labo shir oo ay kala yeesheen dhakhaatiirta Gaalkacyo iyo shaqaalaha Isbitaalka. shirka hore ayaa waxaa yeeshay Dhakhaatiirta Gobalka Mudug kuwooda Gaalkacyo ka hawlgala iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaana kulankan looga wadahadlayay sidii wadajir loogu diyaar garoobi lahaa Kooxda dhakhaatiirta ah ee imaanaysa.

 

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa dhakhaatiirta Gobalka Mudug ku amaantey sida ay u midaysan yihiin ayna ugu wada adeegayaan shacabkooda dhibaataysan, iyadoo wasaaradda caafimaadku sheegtey in dhakhaatiirta wadaniga ahi ay la shaqeyn doonaan dhakhaatiirta ajaanibta ah dhawrka casho ee ay ka hawlgalayaan Isbitaalka guud ee Gaalkacyo.

Dhakhaatiirtii kulankan kasoo qaybgashay ayaa waxaa ka mid ahaa Prof. Maxamed Jaamac Salaad, Dr. Caynshe, Dr. C/laahi Cali Mire, Dr. Maxamed Cabdi, Dr. Axmed Xasan iyo kuwa kale.

 

Dhakhaatiirta Gobalka oo shirkaas ka hadley ayaa soo dhaweeyey hawlaha balaaran ee ay wasaaradda Caafimaadka Puntland ay ku talaabsanayso, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin wax walba oo kaga aadan Caafimaadka dalka iyagoo sheegay inay horey ugu balan qaadeen wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame inay ku garab taagan yihiin kicinta iyo hormarinta adeegyada caafimadka ee dalka. dhakhaatiirta Gobalku waxay sidoo kale soo eegeen Saalada qaliinka ee Isbitaalka iyadoo halkaasna ay ku rakibeen qalab cusub oo loogu talagaly qaliinka sida sariiro cusub oo casri ah iyadoo ay tijaabiyeen dhakhaatiirtu qalab cusub kuwaas oo ay sheegeen in Isbitaalku u baahnaa oo uusan horeyna u haysan.

 

Kulankan mid la mid ah ayaa waxaa yeeshay Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka guud ee Gaalkacyo kaasi oo ujeedkiisu ahaa in lagalayo heegankii ugu danbeeyey maadaama uu soo dhamaadey diyaargarowgii loogu jirey Kooxda dhakhaatiirta ah ee Isbitaalka Gaalkacyo soo booqanaysa.

 

Agaasimaha Isbitaalka guud ee Gaalkacyo C/raxmaan Maxamed Xaaji Jaamac ayaa warbaahinta u sheegay in Isbitaalku uu diyaar u yahay soo dhaweynta iyo la shaqeynta dhakhaatiirta ay Wasaaradda Caafimaadka Puntland soo wado, waxaana uu sheegay in ay diiwaangaliyeen bukaanadii loo arkayay inay u baahan yihiin in dhakhaatiirta imaanaysa ay caafimaadkooda eegaan ayna wax u qabtaan, agaasimuhu waxa uu sheegay in hada diiwaangalintii ay dhamaatey oo dadkii loo asteeyey ay diyaariyaan ay kaararkii u qaybiyeen.

 

Waxaana uu sidoo kale Agaasimaha Isbitaalku uu maantey u qaybiyey shaqaalaha Isbitaalka guud ee Gaalkacyo kaarar aqoonsi ah oo uu shaqaale walba kula shaqeynayo dhakhtar loo asteeyey inuu u fududeeyo hawlaha uu qabanayo iyadoo shaqaalahana loo xuley mid walba iyo qaybta uu ka shaqeeyo markaasina lagu aadiyo dhakhtar Turki ah oo isagu takhasus u leh, dhakhaatiirta Gobalka ayaa iyagana kaararkan oo kale la siinayaa si ay ula shaqeeyaan dhakhaatiirta imaanaysa.

 

Maahan oo kaliya bahda caafimaadka waxa u diyaargaroobaya dhakhaatiirta Turkida ah ee dalka imaanaysa, balse waxaa si weyn iyana diyaar garow ugu jira shacabka Gobalka Mudug kuwaas oo ku mashquulsan soo dhaweynta kooxda dhakhaatiirta ah ee uu soo wado wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame, waxaana shacabku imika ay diyaariyeen gurigii ay dagi lahaayeen waftiga dhakhaatiirta oo lagu sheegay 24 xubnood oo 18 ka mid ahi ay yihiin dhakhaatiir takhasusyo kala duwan wata uuna mid walba fariisan doono qayb ka mid ah Isbitaalka si uu u darso ulana kulmo dadka uu qaabilsan yahay.

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa diyaargorowgan dhakhaatiirta turkida ah ee dalka imaanaysa, waxaana ay durba dadku diyaarsadeen calamadii Turkiya, Soomaaliya iyo Calanka Puntland iyo boorar iyo maryo lagu xardhey erayo wanaagsan oo lagu soo dhaweynayo Waftiga dhakhaatiirta Turkiya iyo wasiirka Caafimaadka Puntland.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland iyo dhakhaatiirta Turkiya ka imaanaysa ayaa hada ku sugan wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta waxayna kusoo fool leeyihiin maalmaha soo socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunka Gobalka Mudug, dhakhaatiirtan ayaa 5 casho joogi doonta Gaalkacyo waxayna toos uga hawlgalayaan mudadaas Isbitaalka guud ee Gaalkacyo iyadoo markaas kadibna ay booqan doonaan Gobalada kale ee Puntland.

 

C/qadir Warsame

Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo Oo Looga diyaargaroobayo Dhakhaatiir Caalami ah oo ka imaanaysa Turkiga (Sawiro)

 

October 22, 20102 comments| leave your own!

Share Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka soconaya diyaar garow balaaran oo loogu jiro koox dhakhaatiir caalami ahah oo ka imaanaysa wadanka Turkiga kuwaas oo hawlgalo caafimaad ka samayn doona Isbitaalka guud ee Gaalkacyo.

 

Isbitaalka ayaa mudooyinkii u danbeeyey waxaa ku socday dayactir lagu wadey qaybo ka mid ah Isbitaalka guud ee Gaalkacyo oo muhiim u ah hawlaha caafimaadka ee uu Isbitaalku fuliyo.

Maanta ayaa Hoolka Isbitaalka guud ee Gaalkacyo waxaa ka dhacay labo shir oo ay kala yeesheen dhakhaatiirta Gaalkacyo iyo shaqaalaha Isbitaalka. shirka hore ayaa waxaa yeeshay Dhakhaatiirta Gobalka Mudug kuwooda Gaalkacyo ka hawlgala iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaana kulankan looga wadahadlayay sidii wadajir loogu diyaar garoobi lahaa Kooxda dhakhaatiirta ah ee imaanaysa.

 

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa dhakhaatiirta Gobalka Mudug ku amaantey sida ay u midaysan yihiin ayna ugu wada adeegayaan shacabkooda dhibaataysan, iyadoo wasaaradda caafimaadku sheegtey in dhakhaatiirta wadaniga ahi ay la shaqeyn doonaan dhakhaatiirta ajaanibta ah dhawrka casho ee ay ka hawlgalayaan Isbitaalka guud ee Gaalkacyo.

 

Dhakhaatiirtii kulankan kasoo qaybgashay ayaa waxaa ka mid ahaa Prof. Maxamed Jaamac Salaad, Dr. Caynshe, Dr. C/laahi Cali Mire, Dr. Maxamed Cabdi, Dr. Axmed Xasan iyo kuwa kale.

Dhakhaatiirta Gobalka oo shirkaas ka hadley ayaa soo dhaweeyey hawlaha balaaran ee ay wasaaradda Caafimaadka Puntland ay ku talaabsanayso, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin wax walba oo kaga aadan Caafimaadka dalka iyagoo sheegay inay horey ugu balan qaadeen wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame inay ku garab taagan yihiin kicinta iyo hormarinta adeegyada caafimadka ee dalka. dhakhaatiirta Gobalku waxay sidoo kale soo eegeen Saalada qaliinka ee Isbitaalka iyadoo halkaasna ay ku rakibeen qalab cusub oo loogu talagaly qaliinka sida sariiro cusub oo casri ah iyadoo ay tijaabiyeen dhakhaatiirtu qalab cusub kuwaas oo ay sheegeen in Isbitaalku u baahnaa oo uusan horeyna u haysan.

 

 

Kulankan mid la mid ah ayaa waxaa yeeshay Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka guud ee Gaalkacyo kaasi oo ujeedkiisu ahaa in lagalayo heegankii ugu danbeeyey maadaama uu soo dhamaadey diyaargarowgii loogu jirey Kooxda dhakhaatiirta ah ee Isbitaalka Gaalkacyo soo booqanaysa.

 

Agaasimaha Isbitaalka guud ee Gaalkacyo C/raxmaan Maxamed Xaaji Jaamac ayaa warbaahinta u sheegay in Isbitaalku uu diyaar u yahay soo dhaweynta iyo la shaqeynta dhakhaatiirta ay Wasaaradda Caafimaadka Puntland soo wado, waxaana uu sheegay in ay diiwaangaliyeen bukaanadii loo arkayay inay u baahan yihiin in dhakhaatiirta imaanaysa ay caafimaadkooda eegaan ayna wax u qabtaan, agaasimuhu waxa uu sheegay in hada diiwaangalintii ay dhamaatey oo dadkii loo asteeyey ay diyaariyaan ay kaararkii u qaybiyeen. waxaana uu sidoo kale Agaasimaha Isbitaalku uu maantey u qaybiyey shaqaalaha Isbitaalka guud ee Gaalkacyo kaarar aqoonsi ah oo uu shaqaale walba kula shaqeynayo dhakhtar loo asteeyey inuu u fududeeyo hawlaha uu qabanayo iyadoo shaqaalahana loo xuley mid walba iyo qaybta uu ka shaqeeyo markaasina lagu aadiyo dhakhtar Turki ah oo isagu takhasus u leh, dhakhaatiirta Gobalka ayaa iyagana kaararkan oo kale la siinayaa si ay ula shaqeeyaan dhakhaatiirta imaanaysa.

 

Maahan oo kaliya bahda caafimaadka waxa u diyaargaroobaya dhakhaatiirta Turkida ah ee dalka imaanaysa, balse waxaa si weyn iyana diyaar garow ugu jira shacabka Gobalka Mudug kuwaas oo ku mashquulsan soo dhaweynta kooxda dhakhaatiirta ah ee uu soo wado wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame, waxaana shacabku imika ay diyaariyeen gurigii ay dagi lahaayeen waftiga dhakhaatiirta oo lagu sheegay 24 xubnood oo 18 ka mid ahi ay yihiin dhakhaatiir takhasusyo kala duwan wata uuna mid walba fariisan doono qayb ka mid ah Isbitaalka si uu u darso ulana kulmo dadka uu qaabilsan yahay.

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa diyaargorowgan dhakhaatiirta turkida ah ee dalka imaanaysa, waxaana ay durba dadku diyaarsadeen calamadii Turkiya, Soomaaliya iyo Calanka Puntland iyo boorar iyo maryo lagu xardhey erayo wanaagsan oo lagu soo dhaweynayo Waftiga dhakhaatiirta Turkiya iyo wasiirka Caafimaadka Puntland.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland iyo dhakhaatiirta Turkiya ka imaanaysa ayaa hada ku sugan wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta waxayna kusoo fool leeyihiin maalmaha soo socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunka Gobalka Mudug, dhakhaatiirtan ayaa 5 casho joogi doonta Gaalkacyo waxayna toos uga hawlgalayaan mudadaas Isbitaalka guud ee Gaalkacyo iyadoo markaas kadibna ay booqan doonaan Gobalada kale ee Puntland.

C/qadir Warsame

Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maahan oo kaliya bahda caafimaadka waxa u diyaargaroobaya dhakhaatiirta Turkida ah ee dalka imaanaysa, balse waxaa si weyn iyana diyaar garow ugu jira shacabka Gobalka Mudug kuwaas oo ku mashquulsan soo dhaweynta kooxda dhakhaatiirta ah ee uu soo wado wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame, waxaana shacabku imika ay diyaariyeen gurigii ay dagi lahaayeen waftiga dhakhaatiirta oo lagu sheegay 24 xubnood oo 18 ka mid ahi ay yihiin dhakhaatiir takhasusyo kala duwan wata uuna mid walba fariisan doono qayb ka mid ah Isbitaalka si uu u darso ulana kulmo dadka uu qaabilsan yahay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka soconaya diyaar garow balaaran oo loogu jiro koox dhakhaatiir caalami ahah oo ka imaanaysa wadanka Turkiga kuwaas oo hawlgalo caafimaad ka samayn doona Isbitaalka guud ee Gaalkacyo.

 

Isbitaalka ayaa mudooyinkii u danbeeyey waxaa ku socday dayactir lagu wadey qaybo ka mid ah Isbitaalka guud ee Gaalkacyo oo muhiim u ah hawlaha caafimaadka ee uu Isbitaalku fuliyo.

Maanta ayaa Hoolka Isbitaalka guud ee Gaalkacyo waxaa ka dhacay labo shir oo ay kala yeesheen dhakhaatiirta Gaalkacyo iyo shaqaalaha Isbitaalka. shirka hore ayaa waxaa yeeshay Dhakhaatiirta Gobalka Mudug kuwooda Gaalkacyo ka hawlgala iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaana kulankan looga wadahadlayay sidii wadajir loogu diyaar garoobi lahaa Kooxda dhakhaatiirta ah ee imaanaysa.

 

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa dhakhaatiirta Gobalka Mudug ku amaantey sida ay u midaysan yihiin ayna ugu wada adeegayaan shacabkooda dhibaataysan, iyadoo wasaaradda caafimaadku sheegtey in dhakhaatiirta wadaniga ahi ay la shaqeyn doonaan dhakhaatiirta ajaanibta ah dhawrka casho ee ay ka hawlgalayaan Isbitaalka guud ee Gaalkacyo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this