Cowke Posted April 16, 2010 Fu’aad Abshir: Shirkada Biyaha Gaalkacyo Waxay Gashay Kaalinta Koowaad Ee Shirkadaha Biyaha Soomaaliya. Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Maareeyaha Shirkada Biyaha Gaalkacyo ee Galwa Fu’aad Abshir Xasan ayaa maanta warbixin dheer oo ku saabsan waxqabadka shirkadaasi u gudbiyey Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ee maamulka Puntland. Maareeyaha ayaa si qoto dheer uga soo sheekeeyay waxqabadka shirkada tan iyo markii la aas’aasey mudo hada laga joogo 7 sano, isagoo si weyn uga hadley marxaladihii ugu adkaa ee ay soo martey intii shirkadu ay bilowga ahayd ee sanadkii 2003 ilaa iyo 2006 xilligaasi oo ay shirkada iyo dad shacab ah dhexmareen xoogaa isfaham darro ah kadib markii maamulkii Puntland ee uu xilligaasi Madaxweynaha ka ahaa Mudane C/laahi Yuusuf uu amar ku bixiyey dhulka ay degayso shirkada biyaha Gaalkacyo in aan laga soo ag dhowaan karin isla markaana dhulalkii shacabku lahaayeen ee halkaasi ku yaalay dhulka lagu daray, taasi oo sababtey in shacab badan oo ka xanaaqey dhulkii laga kiciyey in ay sameeyeen weerar ka dhan ah shirkada, xilligaasi oo ay shirkada u arkayeen wax shaqsi ama koox leedahay. Fu’aad oo ka sii sheekeynaya arimaha Shirkada Galwa waxaa uu intaa raaciyey in ay shirkadu dib u bixisay lacag dhan 153, 000 $ taasi oo la siiyey dadkii laga burburiyey dhulalkii ka agdhowaa Shirkada Biyaha Gaalkacyo, maadaama dadkaasi ay shirkada gaarsiiyeen khasaare lixaad leh kadib markii ay gooyeen dhuumo waaweyn oo biyaha mara oo ku yaala dhulka hoostiisa. Maareeyuhu mar uu ka hadlayey shaqaalaha ka howlgala Shirkada biyaha ee Gaalkacyo waxaa uu sheegay in ay yihiin 90 qof oo shaqaale joogta ka ah shirkada iyo 50 qof oo ah shaqaalaha aan joogtada ahayn, kuwaasi oo isugu jira lab iyo dhedig, iyo weliba shaqsiyaad dhowr qof ah oo curyaamiin ah, taasi oo ah mid aan horey looga baran shirkada kale ee ka howlgala gobolka. “Qiimaha biyaha halkii mitir kuubo oo u dhiganta shan fuusto waxaanu dadweynaha ka qaadnaa hal doolar, waxaana khidmada biilka ee ay shirkadu qaado dhimisteeda iyo kor u qaadisteedaba iska leh Shirkada Baasaweyn ee hoostagta Wasaarada Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland, balse anagu waxba maka dhimi karno kumana dari karno” ayuu hadalkiisa raaciyey Maareeyaha Shirkada Biyaha Galwa Fu’aad Abshir Xasan. Maamuluhu waxaa uu sheegay in dhowaan uu ka qeyb galay Siminaar ka dhacayey magaalada Boorame ee maamulka Soomaaliland halkaasi oo ay ku kulmayeen dhamaan shirkadaha biyaha ee Soomaaliya, waxaana daraasaad iyo qiimeyn dheer ka dib la siiyey kaalinta koowaad in ay Soomaaliya uga jirto Shirkada Biyaha Gaalkacyo ee Galwa. Ugu dambeyn Maareeyaha Shirkada Galwa waxaa uu sheegay in shirkadu soo martey dadaalo iyo marxalado kala gedisan iyadoo haatan maraysa meel fiican, shacabka magaalada Gaalkacyo na ay fahmeen faa’idada shirkada, isagoo intaa ku daray in waqtigani shirkadu biya gelisay in ka badan 7,000 oo guri oo ku yaala gudaha magaalada Gaalkacyo iyo 33 goobood oo loogu talo galay in ay ka cabaan dadka danyarta ah ee aan xaafadahooda biyaha gashan karin, dhowaana in shirkada lagu soo saa’idin doono ilaa iyo laba ceel oo kale. Quote Share this post Link to post Share on other sites