Xaaji Xunjuf Posted March 30, 2010 Radiolaascaanood Oo Hawada Ku Soo Noqonaya Idaacadda Hargeysana Hoostagay. Written by Jidbaale.com Monday, 29 March 2010 19:31 Laascaanood(jidbaale.com):-Sida laga hadal hayo magaalada Laascaanood waxaa dhawaan hawada soo gali doonta oo qaban qaabadeeda lawadaa Idaacadii Radiolaascaanood oo muddo sadex sanno ku dhaw hawada ka maqnayd ka dib markii maamulka hadda jooga magaaladu albaabada isugu dhuftay markii ay magaalada qabsadeen oktoobar 2007. Waxaana muddooyinkan socday qaban qaabada sidii Idaacaddan hawada loo soo galin lahaa iyada oo toos loogu xidhi doono RadioHargeysa ,wakhtiga uu hawada ku jiro, inta kalena ay ku hawl gali doonaan shaqaalaha Idaacaddu(Halkani Waa Radiolaascaanood ,Codka Jamhuuriyadda Somaliland), iyada oo xagga isgaadhsiinta ay hawshan fududeyn doonto shirkada isgaadhsiinta Telesom sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ahi. Waxaana haatan qaban qaabadeeda la wadaa sidii xafiis loogu samayn lahaa sarta ka soo horjeeda masjid jaamaca Laascaanood oo ay leedahay Carfi Jaamac Dhurwaa, oo iyadu sii bixin doonta kharashka hadda lagu hawl galayo ka dibna maamulku bixin doono, waxaana socota sidii xafiis loogu qalabayn lahaa dhalin yarada saxaafadda ee ku sugan magaalada Laascaanood inta la jaanqaadaysa siyaasada cusub ee la doonayo in warbaahinta gobolka lagu xakameeyo iyada oo urur saxaafadeed xeer leh lagu guda jiro . Arrimahan ayaa waxa ay ka danbeeyeen dhawaan mar ay kulmeen qaar ka mid ah saxaafadda gobolka iyo wasiirka arrimaha gudaha u qaabilsan maamulka Hargeysa Ciro iyo wasiirka Cadaaladda ee maamulkaasi Casoowe Xasan Bisaas, waxayna u soo bandhigeen saxaafadda in ay la shaqeeyaan maamulka magaalada gacanta ku haya, iyagana loo qalabayn doono xarun loona dhigi doono lix computer Internet lacag la,aan ah iyo qaarka mid ah saxafiyiintana loo qori doono Gunno joogta iyada oo uu balan qaadkaas dhinaca wariyayaasha u soo qaaday Faysal Jaamac Aadan oo ahaa agaasimihii Idaacadda Laascaanood. Ula jeedada heshiiskan ayaa waxa uu yahay in lagu xakameeyo wararka ka baxay magaalada Laascaanood , isla markaana lagu ogaado dhaqdhaqaaqa saxafiyiinta ee gobolka, maamulka ayaa dhawr jeer xabsiga u taxaabay wariyayaal ka hawl gala warbaahinta kala duwan ee Soomaalida oo dhamaantood ka hawl gala wadanka dibadiisa. Waxaan isweydiintu tahay sida uu maamulku u xakamayn doono xogaha ka jira gobolka xilli adeega isgaadhsiinta ee casriga ahi horumar ku sii talaabsanayo taas oo ay adag tahay in la xakameeyo xogta, waxa kale oo iyana isweydiintu tahay ma fulin doonaan wariyayaasha SSC heshiiskan wariyayaasha qaarkood iyo maamulka Hargeysa dhexmaray iyada oo la ogyahay kaalintii ay ka soo qaateen wacyi galinta bulshada SSC oo sharaf iyo wanaag ugu haysa arrintaas, mase rumoobi doontaa in Radiolaascaanood oo halgkudhigiisu ahaa(Codka shacabka SSC) in uu ku danbeeyo (Halkani Waa Radiolaascaanood , Codka Jamhuuriyadda Somaliland) lagana sii daayo (Somaliland Dalkaygoow, Somaliland dadkaygoow) waxaa su,aalahaa inooga jawaabi doona maalmaha soo socda. jidbaale.com@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 30, 2010 Radiolaascaanood oo halgkudhigiisu ahaa(Codka shacabka SSC) in uu ku danbeeyo (Halkani Waa Radiolaascaanood , Codka Jamhuuriyadda Somaliland) lagana sii daayo (Somaliland Dalkaygoow, Somaliland dadkaygoow) waxaa su,aalahaa inooga jawaabi doona maalmaha soo socda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ilka-dahable Posted March 30, 2010 Ma qaad bay u qaadeen talow Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted March 30, 2010 If khat were only the solution to everything. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 30, 2010 This is against the Somaliland bylaws ,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted March 30, 2010 good developement, this will "sore ears" for some Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 30, 2010 what will they call xaglajiifiye and the garaads in exile. Kooxda Somalilanddiidka eeh qaska iyo rabshada la rabba gobolka sool Quote Share this post Link to post Share on other sites
GAAROODI Posted March 30, 2010 can they hear it in Garowe. if only they could. loooooool ! I remember this radion station use to be poison back in the day. Quote Share this post Link to post Share on other sites