Sign in to follow this  
RedSea

America pledged all the resources, ethiopians unable to come through.

Recommended Posts

RedSea   

Mareykanka oo ka quustay in Itoobiyaanku u qabtaan Soomaaliya, oo xusul-duub ugu jira keenista ciidamo Afrikaan ah oo khabaar moog ah.

 

[02-07-2008] Maamulka George Bush oo bilo uga hareen joogitaanka xafiiska Aqalka cad ee Mareykanka, ayaa bilaabay baryootan iyo waawarey aan caadi ahayn oo uu dalalka Afrikaanka uga codsanayo iney la soo dhaqsadaan ciidamadii ay ballan qaadeen iney u soo dirayaan Soomaaliya, isla markaasna ay soo raaciyaan ciidamadaas, dhaqaalihii loogu daad-gureyn lahaa Soomaaliya.

 

Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka, ayaa beryahaan ku mashquulay xiriiro isdaba-joog ah oo ay la sameeyeen madaxda dalalka Burundi; Ugaandha; Malawi; Naigeria; Koonfur Afrika; iyo Masar, waxaana saraakiisha Mareykanku ay dalalkaas ka dalbadeen, in wixii ka horeeya bisha Nofembar ee sanadkaan dalka Soomaaliya la geeyo 8000 oo ciidamo ah.

 

Mareykanka oo dabayaaqadii bishii December ee 2006dii soo geliyey dalka Soomaaliya, 170 kun oo xabashi ah, ayaa hadafkiisu ahaa in dalka oo dhan lagu qabto muddo 3 bilood ah, sida ay hore u caddeeyeen saraakiil mareykan ah, waxaase taasi iska diidey oo nama marto yiri, wadaniyiin Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabkooda xalaasha ah.

 

Ciidamada xabashida oo mareykanku saacidayo, ayaa xasuuq iyo barakicin ka geystey dalka Soomaaliya, waxayna burburiyeen dhammaan qeybihii nolosha ee shacbiga Soomaaliyeed, hase yeeshee 19 bilood oo dagaal ba,ani ka socdey dalka, ayaa ciidamadii xabashida noqdeen wax la laayey, wax dalal kale u firxaday, qaar u dulqaadan waayey dhibaatada dagaalka oo waashay ama is-deldeley, iyo in uu dabagaallaha ka taliya itoobiya males zanawi dib ula cararay si uu isugu waardiyeeyo.

 

Ciidamadaan Afrikaanka ah ee uu maamulka Bush la ordayo, ayaa lagu micneeyey laba arrimood inuu uga gol leeyahay;- 1- inuu sidii Aabihiis abuuro dhibaato uu uga siibto maamulka soo socda ee mareykanka oo lagu wado iney doorashada mareykanka ku guuleystaan xisbiga dimoqoraadiga oo uu horkacayo Barak Obama, 2- iyo inuu Afrikaanka haadaan u qodo, si ay iyago isugu baaba,aan. Taasi waa tii George Bush, tan Allaahna wey taagan tahay.

 

Dalkanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

MORE THAN 100 ETHIOPIAN SOLDIERS CONFIRMED DEAD.

xabashidii Hiiraan iyo Galgaduud tagtay, oo inta la hubsaday 107 askeri laga diley, halka hubkii ay wateena intiisii badneyd waxna la qabsaday, waxna la gubey.

 

[01-07-2008] Sarkaal sare oo ka tirsan xoogagga difaaca diinta iyo dalka Soomaaliya, isla markaasna ku sugan jiidda hore ee dagaalka maanta ilaa caawa ka socdey degaanka Matabaan ee gobolka hiiraan, ayaa warsidaha dalkanews u xaqiijiyey, in xoogagga xoreynta dalka hooyo ay cagta mariyeen ciidamadii itoobiya ee bilihii u dambeeyey ku dhex wareegayey gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

 

Sarkaalkaan oo ka gaabsaday magaciisa, ayaa sheegay in xoogaggoodu ay ciidamada xabashida ka dileen ku dhowaad 107 askeri, halka dhaawacooduna uu tiro beelay, wuxuuna intaas ku daray in xoogaggoodu ay cadowga ka gubeen 11 gaari oo 5kamida tahay gawaarida dagaalka, wuxuuna sarkaalku sheegay iney gacanta ku dhigeen 5 madfac oo ah kuwa gawaarida lagu jiido loona yaqaan MADAAFIICDA GOOBTA iyo saanad aad fara badan.

 

Dhow boqol oo kamid ahaa ciidamada jabay ee itoobiyaanka ayaa ka tallaabay xadka feer feer, sida ay noo sheegeen dadka deggan xadka ismaamulka Soomaalida, waxaana wararku intaas ku darayaan in ciidamo kale oo itoobiyaan ah oo kamid ahaa ciidamadii masiibadu ku qabsatay degaanka matabaan, ay duurka degaannadaas u kala yaaceen, tiiyoo ay xoogagga xoreynta dalka hooyo ay weli sii baacsanayaan.

 

Khasaarahaan ba,an ee lala helay ciidamada cadowga, ayaa noqonaya kii ugu ballaaraa ee 24 saac gudohood loo geysto tegreega awr-kiraalaha u ah Mareykanka, marka laga reebo dagaalkii loo yiqiin sagaala beri, ee sanadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, oo itoobiyaanka looga diley ku dhowaad 2400 oo maxaysato ah.

 

"Ka xoreynta dalkeena, cadowga ku soo duuley, waa lagama maarmaan, gobanimo aan dhiig loo daadin been been iyo baryo laguma helo, waxaan ugu baaqeynaa shacabka soomaaliyeed ee xalaasha ah, iney qalabka u qaataan sidii ay u soo ceshan lahaayeen qaranimadoodii, sharaftoodii, calankoodii, iyo xornimadoodii, cadowga Allaah, iyo cadowga Ummadda Soomaaliyeed isku soo bahaysteen iney dharaar cad burburiyaan", sidaasna waxaa yiri Sarkaalkaan ka tirsan xoogagga difaaca diinta iyo dalka Soomaaliya ee la soo xiriirey Warsidaha Dalkanews.com.

Dalkanews.com Guriceel

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Al-Shabab: Conspiracy Has Failed

 

Hiiraan Online

Friday, July 04, 2008

 

Mogadishu, Somalia (HOL) - Spokesman for the Al-Shabab forces Sheik Mukhtar Roobow Abuu Mansuur said that a conspiracy organized by some TFG Parliamentarians to fight Al-Shabab forces in Bay and Bakol regions has failed.

 

Sheik Mukhtar said the conspirators wanted to create unrest among civilians in the two regions [and blame it on Al-Shabab forces].

 

“Among those behind the conspiracy are Muse Sudi and Mohamed Qanyare and we tell them that they will fail in their conspiracy and that we are aware of their plans,” added Sheik Mukhtar who was speaking to Somaliweyn radio in Mogadishu.

 

Sheik Mukhtar said that Al-Shabab forces have the capability to learn about anyone organizing activities against Al-Shabab forces. He added that they will continue their struggle to liberate Somalia from Ethiopian occupation.

 

On a different note, Sheik Mukhtar welcomed efforts to reconcile feuding clans in Bay region and added that they will support any group that is working for peace and reconciliation.

 

© 2008 Hiiraan Online Inc.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr. secessionist, America is the largest donor of Somalia. American wants to restore peace and governance. When it its humanitarian response to Somalia was resisted by the same "resistance" group, as you called them, it withdrew its troops. Somalia still withstood another 15 years of anarchy and appeal for the dismemberment of its political unity.

 

This time, the world won't let Somalia keep the infamous status quo.

 

Good luck with ur seperation movement.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Read it again. America doesn't give to support Somalia. :D

 

Anyways you aint worth much of anything.

 

Duul haqaliga kanafaysan,

iyo waxaa tahay wax mataraane,

Iskana naso, naf malihideh,

.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this