Sign in to follow this  
General Duke

AU delegation arrive in Jowhar.......

Recommended Posts

african_union_310705.jpg

 

Wafdi Sare oo ka socda Midowga Afrika oo kusii jeeda Jowhar

 

Jowhar:- Maanta ayaa la sugayaa in ay magaalada Jowhar soo gaaraan wafdi balaaran oo ka yimid dalka Itoobiya kana socda Midowga Afrika.

 

Wafdigan oo kasoo kicitimi doona xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Axad ah magaalada Jowhar kula shiraan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

 

Socdaalka Wafdigan ayaa ah mid la xariira u kuur gelida xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii ay ugala hadli lahaayeen dowlada Federaalka qoraalka qorshaha Ciidamada Ururkaasi lagu keenayo dalka Soomaaliya.

 

Qorshahan oo ah midkii uu horey u codsaday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo horey go'aano uga soo saaray arrimaha la xariira cunaqabateynta-hubka ee Saaran dalka Soomaaliya oo la sheegay in aan la qaadi doonin.

 

Isla go'aankaasi ayaa waxaa lagu xusay in Midowga Afrika qorshaha uu ciidamada ku keenayo dalka Soomaaliya uu Golaha Amaanka soo dhaweeyey isla markaana laga codsaday qorshe dhameystiran oo ay ka wada shaqeeyeen Midowga Afrika iyo Dowlada Soomaaliya loo soo gudbiyo Golaha Amaanka si markaasi looga baaraan dego.

 

Hadaba wafdigan ayaa sidoo kale indha indheyn doona qaabka ciidamada Midowga Afrika loo keeni karo dalka Soomaaliya.

 

Sida ay sheegayaan xubno xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Jowhar oo u waramay HorseedNet ayaa sheegaya in Wafdigan ay Xukuumada Federaalka kala hadli doonaan sidii loo dhameystiri lahaa qorshaha ciidamada la keenayo.

 

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in wafdigan uu kormeer kusoo maro xarumaha ciidamada ee magaalada Jowhar laga furayo.

 

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ayagu todobaadkan ku dhawaaqay in magaalada Jowhar laga furi doono labo xarumood oo ciidan.

 

Xarumaha ciidamada oo laga sameyn doono deegaanka Mahadaay iyo aaga Koongo (Shabeelada Dhexe), halkaasi oo la filayo in lagu xareeyo ciidamada cusub ee loo qorayo dowlada.

 

Waxaa la filayaa in wafdigan uu sidoo kale kulamo la yeesho madax ka socota saraakiisha hada ku sugan magaalada Jowhar.

 

Midowga Afrika ayaa horey u soo dhaweeyey guuritaanka ay dowlada Soomaaliya ugu guurtay magaalada Jowhar.

 

Waxaana jira isku day uu ururkaasi ku doonayo inuu ku mideeyo garabyada iska soo horjeeda ee dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this