Sign in to follow this  
General Duke

TFG to tackle the piracy problem.

Recommended Posts

Dowladda Federaalka iyo Ganacsatada Muqdisho oo iska kaashanaya la dagaalanka Kooxaha Burcad Badeedka

 

Khamiis, June 07, 2007(HOL): Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa shaaca ka qaaday in shir uu la yeeshay Ganacsatada Muqdisho ay ka soo baxeen go'aanno lagula dagaalamayo Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta iyo Doomaha ku af-duubta Xeebaha Soomaaliya.

 

Xasan Abshir oo u waramayay Idaacadda Codka Nabadda ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ganacsatada isku af-garteen in ay bixiyaan kharash lagu soo iibiyo Doomo dheereeya oo lagula dagaalamo Kooxaha Burcad Badeedka ah oo iyaga qudhooda heysta Doomo dheereeya iyo qalab kale oo ay wax ku qafaashaan.

 

Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in aysan Kooxahan Burcad Badeedka ah kala sooceynin Maraakiibta iyo Doomaha Xaalufinta ku haya Kheyraadka ku jira Badda Soomaaliya iyo kuwa Badeecooyinka iyo Mucaawinada u sida Dadka Soomaaliyeed, sidaas darteedna waxaa uu carrabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay in kooxahaas lala dagaalamo.

 

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa horay uga codsaday Beesha Caalamka in ay Dowladda Federaalka ku gacan siiso sidii ay ula dagaalami lahayd kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, ilaa iyo haatanna ma jirto jawaab loo helay codsigaas.

 

Markab Dagaal oo uu Mareykanka leeyahay ayaa dhawaan wuxuu ku rasaaseeyay Xeebaha Soomaaliya Kooxo Burcad Badeed ah oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay in ay af-duubteen Markab laga leeyahay Dalka Denmark oo ku sii jeeday Dekedda Mombasa ee Dalka Kenya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Abshir Faarax: "Dowladda Federaalka waxay waddaa qorshayaal ay kaga hortagayso burcad badeedda Soomaaliyeed"

 

June 7. 2007 Radiofreesomalia.com

 

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Xasan Abshir Faarax ayaa daboolka ka qaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax ka qabanayso burcad badeedda dhibaatooyinka ammaan-darro ka wada Xeebaha Soomaaliya.

 

Mudane Xasan Abshir ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshayaal ay kaga hortagayso kooxaha burcad badeedda ah ee afduubka ka wada xeebaha Soomaaliya, waxaana uu carrabka ku dhuftay in arrintaas ay dowladdu kala hadashay ganacsatada Soomaaliyeed.

 

“Waxaan wadnaa qorshayaal ay kaga hortagayno burcad badeedda caadaysatay afduubka maraakiibta ku safra badaha Soomaaliya ee Ganacsi iyo kuwa kalluumeysiga, waxayna wasaaraddu kalluumeysiga iyo khayraadka baddu wadahadallo la furtay ganacsatada Soomaaliyeed oo ay kula heshiisay inay gadaan Doomaha Dheereeya” ayuu yiri Mudane Xasan Abshir Faarax.

 

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay lacagta ganacsatadaas dib ugu celinayso marka ay lacagtooda u dhammaantana ay sheer ku yeelan doonaan doomahaas, isagoo sheegay inay ganacsatadu qorshahaas ogolaadeen ayna wadaan hadda.

 

Hadalkaan ka soo baxay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Xasan Abshir Faarax ayaa ku soo beegmaya iyadoo xeebaha Soomaaliya lagu haysto in ku dhow 7-Markab oo laga leeyahay dalalka Asia iyo Yurub, waxaana maraakiibtaan dhammaantood ay haayeen kuwo socod ku marayay xeebaha Soomaaliya isuguna jira kuwo kalluumeysi iyo kuwo Ganacsi.

 

Burcad badeedda Soomaaliyeed ayaa waxay ku soo badnayeen xeebaha Soomaaliya wixii ka dambeeya markii xukunka laga tuuray Maxkamadihii Midoobay, xilligaas oo burcad badeed Soomaaliyeed oo dhibaato ba’an ku haysay xeebaha SOomaaliya laga hortagay ayna ka dhammaadeen xeebaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this