Jacaylbaro Posted March 7, 2008 Waxaa xiisado ka dhasheen Gobolada Sool iyo Sanaag ka dib markii ay soo baxeeen wararka sheegaya in todobaadyada soo socda ay boosaaso soo gaadhi doonaan Shaqaale iyo Mishiino loogu tala galay inay qodaaan shidaalka ku jira Gobolada Puntland Gaar ahaan jiidaha Lagu muran san yahay ee Sanaag iyo Sool. Sida uu qoray wargaysaka Upstream Shirkad laga leeyahey dalka Singapoor ee lagu magacaabo Energy Tata Parasada iyo shirkad kale oo hoos timaada ayaa usoo dhoofi doonaan magaalada Bosaaso Riiga Saliida lagu qodo iyo shaqaale fara badan oo ajnabi ah wiiga soo socda. Waxyar ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in dalka ay kusoo fool leeyihiin shirakadihii ajnabiga ahaa ee madaxwayne Cadde Muuse heshiiska kulagalay soo saarida khayraadka Puntland ayaa waxaa ka bilaabatay Gobolada Sool iyo Sanaag diidmo wayn oo ka imaanaysa dadwaynaha Labadaasi gobol oo ah meelaha ugu horeeya ee uu cade muuse doonayo inuu qorshihiisa ka bilaabo.. Sida ay nagu soo gaadhayaan wararka saaka ka imaanaya magaalada Boosaaso waxaa halkasi shirar uga bilaabmay odayaasha beelaha ka soo jeeda bariga Sanaag kuwaas oo sida la sheegay ka tashanaya waxa laga yeelayo qorshaha Xukuumada Mudana Cadde MUuse ee ku aadan soo saarida Saliida iyo macdanta ee gobolka Sanaag . Bishii April ee Sanadii 2006 ayaa dagaal qadhaadhi ku dhexmaray Deegaanka Majiyahan oo qiyaastii 40km ujirta magaalada dekeda ah ee Boosaaso ilaalada gaar ka ah ee Madaxwaynaha Puntland iyo maleeshiyo beeleedyo deeknaasi ah ,dagaalkaas oo lagu laayey dad Xoolo dhaqato ah Maamulka Cadde muuse ayaa ku guuldaraystay hadafkii uu lahaa, ka dib markii uu Madaxwaynuhu isku dayey in uu gurto macdanta deegaankaasi uu hodan ka ku yahay taas oo ay udiideen dadka deegaankaasi oo dagaal kala hortegay. Dhinaca kale mar aan saaka la xidhiidhnay Tuulada Tukaraq oo udhaxaysa Garoowe iyo Laascaanood ayna ku sugan yihiin inta badan Maamulka Puntland ee ka baxay laascaanood ayaa na loo sheegay in saaka la keenay Duleedka Ceelka Shidaalka ee Holhol oo isagu masaafo yar uun u jira fadhiisinka Ciidamada Puntland, Ciidamo beeleedyo la sheegay in laga soo ururiyey dhulka miyiga ah ee dooxooyin Nugaasha ee ku hareeraysan ceelkaasi holhol oo isagu ah ceel diyaar ah .Maleeshiyooyinka ka soo horjeeda fakarka Cade Muuse aaya ku doodaya, Cade Muuse in uusan dan iyo helo kala hayn Difaaca Sool iyo Sanaag Balse uu Rabo in uu la boxo ama kurto Khayradka dhulkooda ku jira taasna aaysan ka aqbali doonin Cade Muuse Afnugaal News Disk Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 7, 2008 Boosaaso: Ciidamada booliska magaalada Boosaaso ayaa saaka xili ay tahay aroor ku soo kalahay guriga uu deganaa Nabadoon Cabdi Faarax oo ah Nabadoonka Warsangali ee Gobolka Bari. Nabadoonka ayaa waxaa lagu xirey siday noo sheegeen dadkii goobtaasi ku dhowaa, Konteenar ku yaala dekeda Boosaaso. Odayaal dhaqameedka Galbeedka Bari ayaa waxay durbadiiba isku dayeen sidii loo soo deyn lahaa Nabadoonka, waxayna kulan la qaateen Wasiirka Amniga Cabdullaahi Siciid Samatar oo sheegay in xiritaanka Nabadoonku uu yahay amar ka yimid Cade Muuse. Wasiirka ayaa wuxuu intaasi ku darey in Nabadoonka lagu eedeynayo kicinta beesha Galbeedka Bari waqtigii colaadii Majiyahan. Sidoo kale ayuu wuxuu yiri in Nabadoonku haatan lagu tuhunsanyahay abaabulkii Majiyahan mid la mid ah oo looga soo horjeedo soo saarka shidaalka iyo macdanta, waa sidii hadalka u dhigaye. Ma aha markii ugu horeysay oo Nabadoonada gobolka Bari lagu xiro konteendharada ku yaala dekeda, halkaasoo loogu talagalay in lagu soo xiro dadka geysta dambiyada waaweyn. Dadka reer Boosaaso ayaa arintan walaac ka muujiyey, iyagoo sheegay in ay tahay marqaantiga bilowga maamul burburey. Dhanka kale habeenkii xalay ahaa ayaa waxa Tuulada Laag ay Rasaas isku waydaarsadeen Ciidamada Maamulka Puntland iyo koox dhalinyaro ah oo Deegaankaasi joogay iyada oo la sheegayo inuu dhawaac soo gaadhay laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay deegaanka Laag kuwaasi oo daboolka ka qaadaya in Maamulka Puntlad ay deegaankaasi galabta u direen Cutub ciidamadood ah kuwaaso ku gaashaaman Gaadiidka dagaalka. Waxa jira in galabta shir lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Gobolka Bari kaasi oo ay isku hor fadhiisteen Odayaasha Deegaanka Sanaag iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland shirkaasi ayaa waxa lagu jeex jeexayay in ragaasi xidhan la soo daayo isla markaana ciidamada Puntland ee Deegaanka Laag ku boqoolay dib loo soo cisho balse shirkaasi ayaa lagu kalacay oo laysku af garan waayay. LaasqorayNet/Bosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted March 8, 2008 Mr. Bugland iyo Afnugaal. Fitmad iyo xasarad meel idin gaymayso walee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted March 8, 2008 Looool @ " Nabadoonka ayaa waxaa lagu xirey siday noo sheegeen dadkii goobtaasi ku dhowaa, Konteenar ku yaala dekeda Boosaaso." i swear, these "journalist" would make a lot more money as authors of fiction. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 8, 2008 Dhahar.com Laasqoray.net They've nothing to do with Afnugaal i guess ,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
OneManGang Posted March 9, 2008 Sanag residents are part of Puntland and should make any trouble and allow Puntland officials drill Oil. A lot of fish heads will die if they stand in the way Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 9, 2008 aha ?? I think they already did stop Cade's way in Mijiyahan ?? ,, want another show ??,,, will be worse believe me. Quote Share this post Link to post Share on other sites
OneManGang Posted March 9, 2008 Did somebody just deleted my replay to you Jacayl? I think you deleted it since you can't take criticism Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 9, 2008 Miyaad indho beeshay ?? ,,, your replay is just there sxb unless you wanna ignore my respone ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 9, 2008 And this should be deleted too ,,,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
OneManGang Posted March 9, 2008 Who owns this website? I see there is no freedom of speech!.I am a member of Somalinet and that place is juvenile, but there is no restriction Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 9, 2008 Next you will be banned ,, this is not a somalinet it is another planet where you will be banned if you don't behave. Now stop attacking other qabiils if you want peace ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
OneManGang Posted March 9, 2008 That was the mere reality. Why are you threatening me? It seems you are the moderator seeing that we are the only posters in this section now Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 9, 2008 This site is moderated, any comments against the rules will be deleted, especially advocating clan cleansing against some Soomaali clans. Once again, we remind you to respect the rules of the site. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 9, 2008 I'm just telling you the rules ,,, i'm not a moderator. Quote Share this post Link to post Share on other sites