Saalax Posted December 16, 2009 Beesha Galbeed-Burco Ee Gobolka Togdheer Oo Si Ba,an Gaashaanka Ku Dhufatay Inaan Gabooye Ku Biiraya Wax-ba Ka Jirin, Burco-16-December-2009(Hadhwanaagnews): Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Beelaha Galbeedka-Burco oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan Boqolaal qof oo ka kooban qeybaha kala duwan bulshada ayaa maanta ka dhacay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer. Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen Salaadiinta, Cuqaasha, Ganacsatada, Aqoon-yahanada, Culima’udiinta iyo Xubnaha golaha deegaanka Burco(Council) beesha kaga jira ayaa gebi ahaanba gaashaanka ku dhuftay warar beryahanba la isla dhexmarayey oo sheegayey in la kuul-careeyo laguna soo daro beelaha Galbeedka Burco jilibo ka mida beesha Gabooye oo iyana la yidhaahdo ilma KUUL oo loona balamay in lagu ansixiyo shir la sheegay in uu ka dhici doono 21/1/-2010 magaalada Burco in aaney haba-yaraatee waxba ka jirin, beesha Galbeedka-Burco-na aanay aqbaleyn. Sidaa waxa lagu sheegay Warsxafadeed oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Hadhwanaagnews ee Magaalada Burco, warsxafadeedka oo dhameystiran waxa uu u dhignaa sidan: “Haddaba, dood dheer iyo falanqayn ka dib markii laga eegay dhinac walba xagga diinta islaamka iyo xag dhaqanba waxay soo saareen beeshu go’aamadan hoos ku xusan: 1- Ugu horayn majiro shir ay wada yeelanayaan beelaha Galbeedka Burco iyo Gabooye (Kuul) oo ka ka dhici doona magaalada burco lagagana wadahadli doono arinta ah in jilibo ka mid ah gabooye lagu soo biiriyay beel-weynta Galbeedka Burco. 2- Beeshu ma ogola barnaamijka loo bixiyay kuul-caraynta, mana jiro shir hordhac ahaa oo beelaha habaryoonis yeelatay kuna go’aansatay in lagu soo biiriyo beesha gabooye. Waxaana la qaatay go’aankaas ka dib markii la eegay dhawr arimood oo kala ah: Diinta islaamku ma ogala in qof ama mujtamac laga raro nasabkiisii xaqiiqda ahaa loona raro nasab kale. Beeshuna may fahmin ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa barnaamijkan kuul-caraynta ah. 3- Waxaanu ogaanay in dadka u ololaynaya barnaamijkan kuul-caraynta In ay yihiin xubno ka mid ah qurbo joogga beesha (diospores). Sidaa daraadeed waxaanu kula talinaynaa xubnahaas in ay ilaaliyaan sharafta reerka isla markaana xaqdhawraan madax-dhaqameedka iyo waxgaradka joogga dalka gudihiisa, kalana tashadaan inta aanay qaadan talaabo masiiriya. 4- Beeshu waxay u aragtaa dhib kale oo loo gaysanayo in ay tahay walaalaha gabooye haddii laga raro nasabkoodii loona raro nasab kale. Sidaa darteed waa in camal kasta oo la qabanayo la waafajiyaa shareecada islaamka. Saxeexa War-saxaafadeedka: Suldaanaka Guud ee beelaha Galbeedka Burco Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar Xubanaha Ka soo qayb galay shirka ee iyana ku saxeexan warsaxafadeedka oo dhamaystiran boqol xubnood. 1 Aadan Max´ud Xayd 2 Aar Saxardiid Ismaaciil 3 Aw yuusuf Max´ed Cige 4 Axmed Aw Cumar Cali 5 Axmed Cilmi Cige 6 Axmed Daahir Cabdi 7 Axmed Gaariye Ismaaciil 8 Axmed Suldaan Aadan Suulcayn 9 C/fataax Axmed Xasan 10 C/laahi Aw Muuse Xasan 11 C/laahi Barre C/raxmaan 12 C/laahi Cabdi Cilmi 13 C/laahi Cumar Cabdi 14 C/laahi Xasan Muumin 15 C/nuur Xusein C/laahi Amaan 16 C/qaadir Muuse Xasan 17 C/samad Daahir Aadan 18 Caaqil Axmed Max´ed Cali 19 Caaqil C/Qaadir Damal Xasan 20 Caaqil C/Risaaq Cumar Aw Diiriye 21 Caaqil Cabdilaahi Cilmi Cumar 22 Caaqil Cali Kediye Jaamac 23 Caaqil Cismaan Jaamac Max´ud 24 Caaqil Faarax Xuseen Gaabuush 25 Caaqil Huruuse Max´ed Gaaxmaal 26 Caaqil Ismaaciil X Max´ed Yuusuf 27 Caaqil Mahdi Jaamac Cumar 28 Caaqil Max´ed Faarax X Jaamac 29 Caaqil Max´ud Caaqil Yuusuf Caaqil Cawed 30 Caaqil Rashiid Cali Cabdille 31 Caaqil Xayd Ismaaciil Jaamac 32 Caaqil Yuusuf Cabdi Diiriye 33 Cabdi Max´ed Cali 34 Cali Axmed Jibriil 35 Cali Cabdi Faarax 36 Cali Max´ed Jaamac 37 Cali Max´ed Qaanbiil 38 Chief Caaqil Baashe C/laahi Ibraahim 39 Chief Caaqil Max´ed Daahir Cabdi 40 Cilmi Maxamuud Saalax 41 Cismaan Ibraahin Nuur 42 Cumar Axmed Xayd 43 Cumar Farax Cabdille 44 Dr Ciise Nuur Liibaan 45 Dr. C/raxmaan Axmed Raage 46 Faarax Yuusuf 47 Ibraahin Cabdi Saxar 48 Ismaaciil Aw Cabdi Cali Gaax 49 Ismaaciil Cabdi Dacar 50 Jaamac C/laahi Xusein 51 Jaamac Sidiiq X Cali 52 Jaamac Yousuf Cali Boos 53 Maax Hogod Xandulle 54 Max,ed Farax Laangadhe 55 Maxamed Axmed X Jaamac 56 Maxamed Axmed Yaasiin 57 Maxamed Cabdilaahi Jaamac 58 Max´ed Aadan Warsame 59 Max´ed Aw Max´ud Xasan 60 Max´ed Ayax Warsame (Faroole) 61 Max´ed Jaamac Waraabe 62 Max´ed Liibaan Xasan 63 Max´ed Xaaji Axmed Diiriye 64 Max´ud C/laahi Axmed 65 Max´ud Firdhiye 66 Max´ud Kabadheere 67 Mursal Aadan X Ismaaciil 68 Muxumed Max´ed Abokor 69 Rashiid X C/laahi X Diiriye 70 Salaan Ayjeex 71 Saleebaan Aw Daahir Cali 72 Shaakir Max´ed Odowaa 73 Sheekh Cali Mahdi Ismaaciil 74 Sheekh Cismaan Ibraahim Faarax 75 Sheekh Khadar Jaamac Mirre (Albayaan) 76 Sheekh Max´ed Cali Yousuf 77 Sheekh Mustafe Aadan Max´ed 78 Sheekh Saleebaan Hadhwanaagnews.com/Office Hargeysa/Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites