Sign in to follow this  
General Duke

Baido-Bur-Hakabo, TFG troops...reported by clan court media...

Recommended Posts

DHAQ-DHAQAAQ CIIDAN OO KA JIRA BAYDHABO (C/laahi Yuusuf oo caawa deynuunaay ku hoyday)

 

Madaxweyne Yusuf

 

War deg deg ah oo caawa naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta dowlada KMG ayaa sheegaya in halkaasi uu ka jiro dhaq dhaqaaq ciidan isla markaana heegan buuxa la galiyay Ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Itoobiyaanka.

Waxay wararku intaa ku darayaan in Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu caawa daqiiqada ka hor soo gaaray deegaanka Deynuunaay oo ah aaga hore oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada ka amar qaata iyo kuwa Maxkamadaha islaamiga, arintan ayaa lala xiriirinayaa inay jiraan culays ay ciidamada dowladu ku saarayaan kuwa maxaakiimta si aanay dhaq dhaqaaq ciidan uga dhicin gobollada Bay iyo Bakool.

 

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga iyo kuwa dowladda oo ay wehliyaan ciidamo ka socda xukuumadda Itoobiya ayaa waxa ay isu jiraan wax ka yar 15km, waxaana cabsi weyn laga qabaa in labada dhinac uu si kadis ah dagaal uga dhex qarxo, xilli ay isa soo tarayaan baaqyo ka kala imaanaya caalamka, kaasoo looga dalbanayo in labada dhinac ay wadahadal arrimahooda ku xaliyaan iyadoo baaqii ugu dambeeyay laga soo saaray shir sanadle ah oo ay yeeshaan suxuufiyiinta Carabta kaasoo laga codsaday dowladda KMG iyo Maxkamadaha Islaamiga in arrimahooda ay ku xaliyaan wadahadal, waxaana lagu cambaareeyay daragelinta shisheeyaha ku hayo Soomaaliya.

 

Abdikarim Ibrahim Adan (Ampacilin).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this