Jacaylbaro Posted July 9, 2007 Boosaaso-(Hadhwanaagnews Media)- Boosaaso:-Waxaa baryahan Muran weyn dhaliyay Maamul Gobeleedka Puntland Dhagxaanta Bada oo baryahan la rarayay ayaa waxaa la sheegayaa iminka raridiisa loo adeegsado diyaarado , kadib markii ay u suurta-galiwaysay doonyihii qaadi-jiray iyadoo ay ugu wacan-tahay badda oo kacsan. Dhagaxantan oo loo yaqaan Koral Leef ayaa waxaa la sheegay in uu yahay dhagax aad u muhiim ah oo ay inta badan noolaha badda sida kalluunka iyo Aaragoosatado ay ku hoos noolaadaan oo ay dugsadaan. Rarida dhagaxan oo ay sida la sheegay ay Maamulka Goboledku fasaxday ayaa wuxuu bilihii la soo dhaafay muran-wayn dhex-dhigay 2-da Gole ee Xukuumadda iyo Wakiiladda , waxaana furitaankii Golaha ee 18-aad uu ahaa dooda ugu wayn ee M.waynaha iyo kuxigeenkiisa wax laga waydiiyay. Ger:Cadde Muuse M.waynaha PL , ayaa ku adkaystay in la raro dhagaxan wuxuuna ku tilmaamay mid dhintay oo aan wax faa'iido ah lahayn ,Dhankalena waxaa uu shegay sheegay in ay xaasid-nimo tahay in qof wax uu wax ka helayo laga hadlo. Hase ahaatee , kuxigeenkiisa Xassan Daahir ayaa sheegay in uu isagu amray in la joojiyo dhoofinta dhagaxan , wuxuuna sheegay in uu u baqay in la raro kan muhiimka ah ee badda ku jira waa siduu hadalka u dhigaye balse nassib daro qofna dhag jalaq uma usan siin. Si kastaba , warar goor-hore soo baxay ayaa waxay tibaaxayaan in uu Cadde Muuse uu si hoose ugu fasaxay rarida dhagaxan nin ay isku beel yihiin , taa soo inta badan Xubnayaasha 2-da Gole ka caraysiisay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted July 9, 2007 This Admin have only left with few months... they have to go and will go.... very simple. Quote Share this post Link to post Share on other sites