Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Geedi to Join A/Y in Garowe .... ??

Recommended Posts

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha baarlamaanka uuna kamid yahay prof: Geedi oo laga sugayo Garowe

 

 

Waxaa magaalada Garowe ka socda u diyaar garow si wayn loogu diyaar garoobayo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Gudomiyaha Baarlamaanka Dawlada KMG ah ee Somalia Sheekh Aadan Madoobe wafdi daas o kasoo kicitimaysa magaalooyinka Baydhabo iyo Nairobi.

 

Wafdidan ayaa waxa ay ka kala imaanaysaa magaalooyinka Baydhabo iyo Nairobi waxaana ay tahay qaar kamid ah xubnaha Baarlamaanka Dawlada KMG ah ee Somalia oo ku kala sugnaa magaalooyinkaas kuwaas oo ay ku casumeen sida ay wararka hoose sheegayaan madaxwaynaha Dawlada KMG ah ee Somalia.

 

Wafdidan ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala gedisan la yeelato madaxwaynaha Dawlada KMG ah ee Somalia oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa xarunta maaamul Goboleedka Puntland ee Somalia kulamo kala gedisan la lahaa madaxda maamulka iyo isimada Puntland.

 

Safarkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli uu jiro khilaaf wayn oo siyaasadeed oo u dhaxeeyay masuuliyiinta Dawlada KMG ah ee Somalia kuwaas oo isku khilaafay siyaasad Dawlada KMG ah iyo wasiiradii dhawaan la magacaabay iyo waliba heshiiskii Jabuuti.

 

Hadaba wafdidan ayaa sidoo kale warar kasoo baxayaa dhinaca masuuliyiin u dhowdhow madaxwaynaha dawlada KMG ah ee Somalia ayaa waxa ay sheegayaan inay baaqdeen waqti aanla cayimin sababo la xidhiidha diyaar garow dhankooda ah iyo kulamo Baarlamaanka uga socda Baydhabo.

 

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Parliament Speaker, ex-PM Gedi to 'visit Puntland'

 

 

GAROWE, Somalia Nov 30 (Garowe Online) - A high-level delegation is expected in Somalia's self-governing region of Puntland, including ex-Prime Minister Ali Mohamed Gedi, confidential sources tell Garowe Online.

 

The delegation is expected to arrive in Garowe, the capital of Puntland, on Monday and hold discussions with interim Somali President Abdullahi Yusuf, the sources added.

 

Along with Gedi, the delegation also includes Sheikh Adan "Madobe" Mohamed, the Speaker of parliament; ex-Mogadishu Mayor Mohamed Dheere; and a group of Mogadishu clan chiefs.

 

Prof. Ali Mohamed Gedi, ex-Somali PM

The reason for the expected visit to Puntland is unclear, but emerging reports tell Garowe Online that the delegation will meet with traditional and political leaders in Garowe, including Bogor Abdullahi Bogor Muse, who was crowned clan king last week. READ: Somalia's president attends the crowning of a king

 

President Yusuf and Mr. Gedi have had strained relations since 2007, when Gedi resigned as the interim government's first Prime Minister.

 

In recent months, Speaker Madobe has opposed President Yusuf' s policies by engineering a parliament vote in September that rejected the return of 10 Cabinet ministers.

 

Somalia's leader has rejected a power-sharing deal signed between current Prime Minister Nur "Adde" Hassan Hussein and an opposition faction, led by Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

 

The UN-endorsed deal faces many obstacles, including strong opposition from top government leaders in Somalia and Islamist rebels who have rejected the peace process altogether.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Garowe: Wafuud ka kala imaan lahaa Nayroobi & Baydhabo lana filayay in ay soo gaaraan Garowe oo baaqday.. Yaa ka mid ahaa Wafdigaasi, Maxayse tahay Sababta baaqashada?.

 

1. December 2008

 

 

 

Garowe(AllPuntland)- Wafdi balaaran ayaa lafilayay in ay soo gaaraan Caasumada Puntland ee Garowe, waxaana wafdigan ay ka socdeen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayadoo lasheegay in uu hogaamin lahaa gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe), balse wafdigan ayaan soo gaarin Magaalada Garowe.

 

Sababaha ay wafuudan ubaaqdeen ayaa lugu sheegay in ay ka dagi doonaan saacadaha nagu soo aadan Magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya, waxa ayna Wafuudan kala joogeen Magaalooyinka Nayroobi & Baydhabo.

 

Warar hoose oo ka soo baxaya Magaalada Nayroobi ayaa sheegay in ay wafdigan xubno ka ahaayeen Siyaasiin lasafnaa Raysalwasaaraha waqtigan ee dawladda Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen, kuwasoo markan ka soo horjeestay hadalada Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaqyada uu wadey todobaadyadii ugu dambeeyey.

 

Xubnahan ayaan si rasmi ah loo ogeyn, balse waxaa la hubaa ayay leeyihiin Wararka laga helayo Nayroobi in uu wafdigaasi uu ka mid ahaan lahaa Raysalwasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, waxaana booqashadoodan ay ku imaan lahaayeen Puntland ay ku aadaneyd in ay wada xaajoodyo la yeeshaan Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo ku sugan deegaanada Puntland.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay xubnahan ubaaqdeen markii fadhi baarlamaan oo deg deg ah, Xildhibaanada looga yeeray Magaalada Baydhabo, markaasna ay maalmaha nagu soo aadan uga qeybgalayaan fadhi baarlamaan oo waxyaabo badan lugu soo qaadi doono.

 

Hadii ay wafdigan imaan lahaayeen deegaanada Puntland ayaa dad badan uarkayaan in ay maqraati cad u tahay in ay jiraan isku soo dhawaansho ka dhaxeeya Madaxda dawladda Soomaaliya, waxaana Siyaasiinta Soomaalidu aad uhadal hayeen wararka sheegaya in Aaden Madoobe uusan ku qanacsaneyn dadaaladii ugu dambeeyey ee dibu heshiisiinta ee la qaaday.

 

Xigasho: Saraakiil jooga Nayroobi & Garowe

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

oooh......way baaqdeen...lol....malaha awalba ma soo socon.

 

Allpuntland...haddii ay soo qortay waa official baan u malaynayaa...awalba yaa hubay ma soo socon baan filayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this