Sign in to follow this  
General Duke

Doha: after defeats the anti TFG groups are ready to talk

Recommended Posts

Doxa: Qadar oo sheegtay in ay wada hadal siineyso Kooxaha DFKMGS ka soo horjeeda iyo dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

19. december 2007

Doxa(AllPuntland)- War laga baahiyay Tv-ga dowlada Qadar ayaa lugu sheegay in ay Xukuumada wadankaasi ay qabaneyso Shirweyne ay ku heshiisiineyso qeybaha isku haya Siyaasada dalka Soomaaliya ,ayagoo si gaar ah uwada hadalsiinaya dowlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda ee dagaalamaya Magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka arimaha dibada ee dowlada Qadar ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay Kooxaha Soomaalidu isku yimaadaan isdalkoodu ugaaro Horumar ,ilsa markaana Gargaar deg deg ah loo gaarsiiyo Kumanaan Soomaali ah oo doonaya in ay helaan hoy iyo Hayaatin intaba.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in Madaxda dowlada Qadar ay talaabadan go'aansadeen ,ka dib markii ay arkeen xaalada qalafsan ee dalka Soomaaliya iyo sida ay dowladaha Caalamku uga seexdeen wax ka qabashada dagaalada iyo Dhibaatooyina dhacaya Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Bayaanka ayaa sidoo kale lugu sheegay in ay dowladu Qadar dooneyso ,isla markaana ay raadineyso Soomaali oo ah Mid iyo Dowlada Midnimada qaran ee hada dhisan oo howlaheeda is cadaalad ah lugu guto ,ayadoo taasna lasheegay in lugu gaaro Wada jir iyo wada shaqeyn dhexmarta Hay'adaha dowliga ah ee ka jira dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale isla hadalkan waxaa sheegay Ergayga dowlada Qadar uqaabilsan Arimaha Soomaaliya ,isagoo ugu mahadceliyey dowlada Itoobiya iyo UN-ka dadaalkooda ku wajahan wax ka qabashada dagaalada iyo Rabshadaha ka jira Magaalada Muqdisho.

 

Warkan ka soo baxay dowlada Qadar ayaa ku soo beegmaya xili ay Qaraxyada iyo rabshadaha ka dhacaya magaalada Muqdisho ay yaraanayaan ,isla markaana ay kooxaha dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda awoodii hoos loo dhigey sida ay sheegtay dowlada Soomaaliya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this