Cige Posted April 25, 2009 KN: Dowlada KMG ah waxaa loogu yaboohay $350 malyuun oo doolar si ay ugu xoojiso ciidamadeeda, mid ka mid ah shuruudaha horyaala waa in meesha laga saaro Cabdi Cawaale Qeybdiid (Dad-qal) . Shirkii yabooha deeqda ee Brussels ee dowlada KMG ah loogu yaboohey $35a milyan ma ahayn mid shuruud la’aan ku najaxay, ka sokoow shuruudaha gurracan ee shisheeyaha lacagta bixinaya ay ku adeeganayaan, ugu yaraan waxaa jirta hal shuruud oo jiritaankeeda dad baddan ay ku nafiseen, taasina waa in shaqada laga dirro Cabdi Qeybdii (Dad-Qal), halyeeyga hoobiyaha oo la sheegey in uu geystey gaboodfal xad gudub weyn ku ah xuquuqda bini’aadamka sida ay reer galbeedka qabaan. Su’aasha ah “sidee meesha looga saarayaa?”, waa mid Shariifka u taala, walwalka ah “maxaa ka dhallan karra eryidiisa?” iyaduna waa arrin ay tahay in uu ka diggo Col. Cumar Xaashi oo dadka Xamar maalmo ka hor oga digayay 90 wiil oo Jubbooyinka iyo Bay lagu soo tabobaray, haddiisa ay doonayaan in ay malaayiinka doolar didimiyaan waa in ay ka taqalusaan Jenanka jaa’ifeysan, haddii ay doonaanba gobolada dhexe ha’u musaafuriyaane. Dadka wax baddan kuma seegana taariikhda madoow ee ninkani, laakiin waxaa in la ‘is xasuusiyo muddan sida uu ku maareeyey in uu hal jaggo ka qabto dowlad kasta oo dalka timaada, xittaa tan diinta sheeganaysa, isagoo diiwaankiisa uu sidaasi yahay? Wallow uu waligiis ahaa hogaamiye kooxeedka aan dhicin, hub iyo ciidanna heysta, haddane nidaam kasta oo lasoo dhiso kuma uusan gorgortamin wax ka baddan taliyaha ciidanka Police-ka. Kolkii dowladii Cabdiqaasim Carte lagu soo dhisey oo hogaamiye kooxeedyada kale ay kasoo horjeedsadeen, isaga tartiibtiisa wuxuu si shanqar tirasho ah ugu fariistey kursiga taliyaha Police-ka dalka, Cabdiqaasim oo hogaamiye kooxeedyada kale u maara la’aa, ma uusan heysan dooq aan ka ahayn in uu Cabdiqeybdiid siiyo waxa uu ku doonayo, Qeybdiid ma uusan dooneynin in uu wasiir noqdo ama uu wasiir ku xigeen midna (gaar ahaan xilli wasiiradu ay ahaayeen magac u yaal sida wasiirka duurjoogta) , malaha wuxuu ogaa in dhaqaalaha ugu baddan markasta lagu bixinayo ciidamada taasoo uu isaga maamuli doono. Markii la’isugu tagay shirkii Kenya ee dowladii Cabdullaahi Yuusuf lasoo dhisayay ee ragga asxaabiitisa ah sida Qanyare iyo Muuse Suudi ay isu sharaxayeen madaxweynenimo, haddii kale Ra’isulwasaarenimo ama ugu yaraan wasiirnimo, isaga leerta ayaa maraysay, xusul duubkaasina kuma uusan jirrin. Ugu dambeyntii wuxuu xajistey xilkiisii Taliyenimada Police-ka oo dabcan markani aad oga dhaqaale badnaa dowladii hore, UNDP ayaa bil kasta Baydhabo ku daabuleysey malaayiin Doolar oo ciidamada loo siinayay mushaar ahaan iyada oo uu isaga taliye u yahay, waxaad qayaasi kartaa heerka wax is dabamarinta iyo ka dul macaashka Qeybdiid uu halkaasi ka heli karay. Taasi ka sokow, Qeybdiid wuxuu ku jirrey diiwaanka dadka mushaariga ah ee hey’adaha sirdoonka reer galbeedka ay ku fuundaareeyaan soo qabashada shaqsiyaadka ay doonayaan, ama soo gudbinta siraha muhiimka ah ee Soomaaliya looga baahanyahay, ma filayo in ay su’aal ka jirta illaa heerka uu howshaasi qaban karro ninka haya xilka taliyaha Police-ka, waxaan dareemayaa markani in la fahmay sirta iyo sababta ka dambeysa in uu xilkani ku faro adeego. Intii uu jagadani ku magacaawnaa, dad aad u baddan ayaa qaarijin lagu dilley, dad baddan ayaa inta ciidamadiisa ay qabteen kadibna la dhoofiyey, kuwa baddan ayaa xabsiyada lagu jir dilley, wax kasta oo dhibaato ah oo aad ka fikiri kartid ayuu ninkani geystey intii uu xilkaasi hayay, sir iyo muqaabaraad halgankii naafeeyeyna waa la gudbiyey. Markii ay dowlada Shariifka Xamar timid dad baddan ayay neef kasoo boodey oo u arkay dhamaadkii casrigii Qeybdiid, laakiin riyadaasi waxay noqotey “dhido roob noqon weeysey”, rajada dadka waxay markale sare usii kacday markii albaabka la tusey madaxii sirdoonka ee Cabdullaahi Yuusuf daacada u ahaa Jeneraal Darwiish, laakiin rajadaasina illaahay waxbo kama aabeynin, war KismaayoNews ay faafisey xiligaasi ayaa lagu weeydiiyey goorta Qeybdiidna meesha laga saari doono, isla warkaasi waxaa ka mid ah xog laga heley dad wargaleen ah oo sheegey in Col. Cumar Xaashi uu ku hagoogtey Qeybdiid markii golaha wasiirada ay damceen in ay talaabo ka qaadaann, waxaa xil ka qaadistiisa doonayay Cabdiqaadir Cali Cumar, wasiirka amuuraha gudaha oo ahaa isla ninka codsigiisa meesha looga saaray jeneraal Darwiish. Eryidiisa ma ahaan doonto mid qiimo yar ugu kacda DKMG, waa nin hubeysan oo ciidamo daacad u ah heysta, waa ninka ciidamadiisa arlada oo dhan qasaya oo xittaa gawaarida rayidka rasaaseeynaya, waa ninka aad moodo in dowlada oo dhan uu afduub ku heysto , sidaasi darteed waxaa la arki doonaa sida ugu sahlan ee xilka looga qaadi karro taasina waa arrin tijaabo u ah dowladani. KismaayoNews.com Quote Share this post Link to post Share on other sites