Sign in to follow this  
Saalax

Maraykanka oo Isha ku Haysa sidii ay Guusha Somaliland ugu Bedelato

Recommended Posts

Saalax   

Siyaasadda Maraykanka oo Isha ku Haysa sidii ay Guusha Somaliland ugu Bedelato Jabka Soomaaliya

 

Written by Waaheen

Oct 16, 2010 at 11:23 AM

 

Hargeysa (Qaran news)-Maqaal dheer oo ay faafisay hayadda wararka ee Associated Press (AP) ayaa si qoto dheer uga warrantay siday siyaasaddii Maraykanku imika ugu soo jeedsatay Somaliland si ay uga diga rogotay guuldaradda dheer ee hortaagan Muqdishu iyo Somaliya.

 

Maqaalku wuxuu faahfaahin a bixiyey horumarka ay Somaliland gaadhay dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo dimuqraadiyada. Wuxuu maqaalku ku bilaabmay“Maalin dhow guri dheer oo lix dabaq ah ayaa xarun u noqon doona shirkadd maamusha 1 billion oo dollar sanadkii” “madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay wuxuu magacaabay wasiiro aqoon badan, shibibkuna si wanaagsan buu u la socdaa” “Maqli maysid rasaas dhacaysa”

 

Meeshu maaha Somaliya ee waa Somaliland, qaybtii waqooyi ee ilaa 1991 ka go’day Somaliya inteeda kale. Qaramada Midowbay, Maraykanka iyo beesha caalamku ma icitiraafsana, balse waxay imika ku sii qulqulinayaan lacag badan si hore loogu mariyo.Madaxda Somaliland waxay noo sheegeen inay qabaan in beesha caalamku lacag xad dhaafa iska khasaarisay Somaliya oo weli aan waxba ka suuroobin xasiloonideeda.

 

Professor Xuseen Bulxan ooh ore wax uga soo bartay Harvard macalin ka haa Boston University ayaa imika ka ah madax Jaamacadda Hargeysa waxanu noo sheegay “In imika loo baahan yahay in Somaliland loo soo jeesto. Wuxuu yidhi intii ka dambaysay 11 September, waxa lagu faqooqnaa la dagaalanka argixisada iyo daminta colaada, marna lama taageerin nabadda iyo dibudiska”Shirkadda Dahabshiil ayaa imika dhisaya xarun cusub oo laga maamulo dirista lacag gaadhaysa 1 billion oo ka imanaysa qurba jooga Somaliland.

 

Jonnie Carson, sarkaalka ugu sareeya dibloomaasiyiinta USA ee Africa ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Maraykanka oo 2009 siiyay Somaliland 7 million oo dollar uu sanadkan siin doono dhaqaale 26 million ah. David Bowden oo ka madax ah hayadda UNDP Somalia ayaa isna sheegay in Qaramda Midoobay ay imika siiyaan 80 million sanadkii sanadkan soo socdanna la filayo in ay deeqdaas gaadho 100 million.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this