General Duke Posted December 10, 2006 Banaanbax balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo Posted to the MOL December 10, 2006, 8:18 am Gaalkacyo:- Banaanbax weyn oo lagu taageerayo qaraarkii golaha nabadgalyada ee qaramada midoobay ku ansixiyeen inay ciidamo nabad illaalin loo diro Somaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Banaanbaxaan lagu ayidayo Go'aanka ay dhowaan golaha amaanka ee Q.M ku ansixiyeen in la qaado xayiraadda hubka ee saaran Somaliya, lana keeno Somalya ciidamo ka socda Afrikan iyo wadamada IGAD. Banaanbaxaan oo ayaa waxaa soo qaban qaabiyeen bulshada rayidka ee gobolka Mudug waxaana hadalo ka jeediyay Mas'uuliyiin ka kala socday ururada bulshada, aqoonyahanada, culumada iyo saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo si diiran u soo dhaweeyay go'aanka golaha amaanka ee Q.M. Dibadbadbaxayaasha ayaa waxa ay socod dheer saacado badan ku ku soo mareen wadooyinka magaalada Galkacyo ee xaafaha magaalada iyagoo ku qeylinayay halku dhigyo ay ku soo dhaweynayaan go'aanka golaha amaanka. Dadweynaha ayaan ukala harin mudaharaadkaas dhinaca waqooyi iyo dhinaca koonfureedba. Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland C/rashiid Cali Dhuubane oo ka hadlay dibadbaxa ayaa ku tilmaamay talaabada golaha amaanka uu ku ansixiyay in la qaado cuno qabateynta hubka Somaliya mid soo dadajinaysa in Somaliya nabad lagu soo dabaalo. Banaanbaxaan maanta Gaalkacyo ka dhacay ayaa wuxuu daba joogaa banaanbaxyo badan oo ka dhacay gobolada dalka ee laga taageersan yahay dawlada KMG ah wallow dad badan oo dawlada taageersan xoog ay ku qabsadeen deegaankooda sida magaalada Kismaayo iyo Marka aysan rabitaankooda muujin cabsi ay ka qabaan in taasi dhib uga yimaado dhinaca maxkamadaha Muqdishu oo caburin xun ku haya degaanada ay xooga ku qabsadeen. Mudugonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 10, 2006 Gaalkacyo: Bannaanbax xooggan oo taagero u muujinaya go'aankii UNka ee Arbacada oo Gaalkacyo ka dhacay Axad, December 10, 2006 Gaalkacyo(AllPuntland)- Isu soo bax aad u ballaaran ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo , isu soo baxaasi oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Mudug ee uu madaxda u yahay C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane), ururada haweenka iyo kuwa dhallinyarada,waxaana kasoo qaybgalay badi shacabka magaalada Gaalkacyo. Kasoo qayb galayaasha bannaanbaxa ayaa watay boorar iyo hal ku dhigyo ay ku taageersan yihiin go'aankii kasoo baxay qaramada midoobay ee Soomaalida u ogolaanayay in dalkooda ay tagaan ciidamo nabad ilaalin ah. Waxaa sidoo bannaanbaxan si xooggan loogu dhaliilay maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya oo la sheegay inay isku ballaarinayaan gobollo nabad ah sida Puntland , waxaana dadku ay si gaar ah u dhaliilayeen qaar kamid ah maxkamadaha oo ay ku sheegayeen inay qaddiyado gaar ah wataan. Guddoomiyaha gobolka Mudug C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo maanta hadal ujeediyay isu soo baxayasha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in dalka la keeno ciidamo nabad ilaalin ah , kuwaasoo dalka ka bad baadiya in wax ka badan 16 sano dadku ay dhibaato kusii jiraan. Dhuubane wuxuu intaasi raaciyay in muddo lagu taamayay dalka ay ciidamo yimaadaan, haddana ay hirgashay, ayna muuqato saan saan nabadeed . Guddoomiyaha gobolka wuxuu sixooggan u weeraray maxkamadaha Islaamiga , wuxuuna ku sheegay inay doonayaan dhul ballaarsi iyo bur bur iyo barakac ku dhaca shacab Soomaaliyeed. Wuxuu uga digay inay sii wadaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay kawadaan gobolka Mudug , wuxuuna u sheegay inaysan faa'iido kala kulmi doonin arintaasi. Dhuubane wuxuu si cad u weeraryay guddoomiyaha golaha shuurada maxkamadaha magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay inuu bannaystay dhiigga shacab aan waxba galabsan , wuxuuna ku eedeeyay in shacabka ay mar walba been ku qanciyaan waa sida u hadalka u dhigaye. Bannaanbaxayaashii maanta isugu soo baxay waddooyinka Gaalkacyo ayaa maray waddada laamiga ah, kuna soo gabo gabeeyay kulankooda suugaan Stadiumka Gaalkacyo , halkaasi oo maanta laga soo jeediyay suugaan isugu jirta Gabayo, iyo Buran burro kala duwan oo kusaabsan in midnimada Puntland muqaddas tahay. CCC Farayaamo AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 10, 2006 Wararkii gelin danbe iyo Gaalkacayo oo uu ka dhacay muharaadkii ugu ballaaraa oo lagu taageeyo qaraaarkii golaha ammaanka ,Dibad bax balaaran oo lagu taageerayo qaraarkii Golaha Amaanka uu ku ansixiyay ciidamo nabad ilaalin oo la keeno dalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,iyadoo dibad baxaasi ay kasoo qeybgaleen kumanaan qof iyo masuuliyin kala duwan. Dibad baxaasi oo ay soo abaabuleen maamulka Puntland ayaa halkaasi waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo katirsan Maamulka Puntland,oo dhamaan si wada jir ah ay usoo dhaweeyeen talaabada Golaha Amaanka uu ku qaaday xayiraada hubka ee saarneyd dalka Somaliya. Gudoomiyaha Gobolka Mudug dhankiisa woqooyi C/Rashiid Cali Dhuubane oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qaraarkaasi uu qeyb ka qaadan karo xasilinta dalka Somaliya,isla markaana uusoo afjarayo dhibaatooyinka ka jira dalka ee kamid ah tahay waxa uu ku tilmaamay Falalka Argagixiso. Dhuubane waxaa intaasi uu ku daray maamulka Puntland in uu la shaqeyn doono ciidamada shisheeyaha ee soo gala dalka,isagoo ballan qaaday in maamulkiisu uu gacmo nabadeed kusoo dhawyn doonaan Ciidamada soo galaya dalka. Dibad baxaasi ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu balaarnaa ee ka dhaca Soomaaliya kaasi oo lagu taageerayo Mashruuca qaraar ee QM ay ku ansixisay ciidamo shisheeye oo la keeno dalka taasina ay ka danbeysay markii la qaaqady xayiraadda hubka ee saarneyd Somaliya. Dadweynihii kasoo qeybgalay dibad baxa ayaa sidoo kale ku hadaaqayay halku dhigyo ka dhan ah Maxaakimta Islaamka ee magaalada Muqdisho,waxaana ay ku tilmaameen Maxaakimta ururo beeleedyo doonaya dhul balaarsi in anay ku yimaadaan dhulka Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites