Jacaylbaro Posted October 25, 2007 Madaxweyne Rayaale oo bilad sharaf siiyey guddoomiyaha SOPRI HARGAYSA, 20 Oct. 2007--Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu shahaado sharaf abaal marin ah u diray Mudane Siciid Maygaag Samatar oo ka mid ah Qurba jooga reer Somaliland ee ku hawlan Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ku nool dalka Maraykanka . shahaado sharaftaasi iyada oo dhamays tiran waxa ay u qornayd sidan: ‘’Anigoo qadarinaya dedaalka iyo hawsha balaadhan ee uu ka muujiyay ururka aad Madaxda ka tahay ee la yidhaahdo Dugsiga Siyaasada iyo Dib u dhiska ee Somaliland ee loo yaqaano (SOPRI ), oo ku yaala Gobolka Woqooyiga Carolina ee dalka Maraykanka, sidii aad adduunka uga dhaadhicin lahaydeen Shirarkii badnaa ee aad ku qabateen dalka Maraykanka , si aad ugu muujisaan adduunka intiisa kale dimuqraadiyada curdinka ah ee Somaliland ay ka hir gelisay dalkeeda iyo madaxdii badnayd ee ka tirsanayd Asxaabta siyaasada , Xukuumada iyo Ururada Kale ee Madaxa banaan ee aad ku marti qaadeen wadanka Maraykanka iyo dedaalka dheeraadka ah ee aad had iyo jeer ku dar dar gelisaan sidii Somaliland ay u gaadhi lahayd himiladeeda ay hiigsanayso oo ah dal Madax banaan oo ka mid ah wadamada adduunka ee la aqoonsan yahay’’. Here Quote Share this post Link to post Share on other sites