Sign in to follow this  
Xoogsade

Muqdisho “Dagaaladii iyo Duqayntii maanta”, The Massacre Continues

Recommended Posts

Xoogsade   

After the Xasbahis are beaten in the battle, they resort to revenge killings as usual.

 

Muqdisho “Dagaaladii iyo Duqayntii maanta”

Beerdhiga 17.01.2008 19:45

 

Maanta ayaa waxay ahayd maalin aad u dhiig badan waxayna ciidamada gumaysiga Itoobiya madaafiic aan loo meeldayin ku garaceen qaybo kala duwan ee magaalada muqdisho kadib markii ay Mujaahidiinta soomaaliyeed ku jabiyeen dagaalkii ka dhacay inta u dhaxaysa xaafadda Labo-dhagax ilaa Black-sea.

 

Xoogaga Mujaahidiinta ayaa weerar ku ekeeyay ciimadamo Itoobiyaan ah oo isku soo fidiyay jidka 30ka inta u dhaxaysa Cali kamiin ilaa Al-baraka waxaana isla markiiba jabay ciidamadii gumaysiga Itoobiya oo ay weheliyeen ciidamo soomaali ah oo dhawaan lagu soo tababaray gudaha Itoobiya waxayna mujaahidintu sii daba joogeen ilaa ay ku aruureen Wasaaradii hore ee Gaashaandhigga waxayna dad goob joog ahu sheegeen in ay arkeen maydad ay ka carareen ciidamada gumaysigu.

 

Kadib jabka ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay bilaabeen duqwayn aan kala go’ lahayn taas oo ay la beegsanayeen meelo farabadan oo ka mid ah magaalada waxayna madiifiicdu si arxan darro ah ugu hoobanayeen Suuqa wayn ee Bakaaraha, Geed-jacayl, Xariiryaale, Tokio, Barmuudo, Kaaraan iyo nawaaxiga jidka 30ka waxayna ku dileen dad aan la tira koobi karin oo rayid ah.

 

Suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa saacadihii u dhaxeeyay 7:00 ilaa 3:00 galabnimo waxay u ahayd saacado uu dhiig aad u fara badan ku daatay waxaana mar qura meelwalba ka muuqanayay dad dhaawac soo gaaray ladhiig baxaya oo lala Cararayo waxaana xirnaa wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha oo ay gooyeen dhanka jidka Wadnaha ciidamada DFKMG ah ee la shqeeya gumaysiga halka dhanka kale ee jidka 30ka uu dagaal ka socday cirkana ay ka soo dadanaysay madafiicdu, waxaana meel walaba ceegaaga dhiigii dadka madaafiicdu wax yeelaysan oo qaar badan oo ka mid ah ay dhiigbax u geeriyoodeen.

 

Isbitaalka madiina yaa maanta waxaa la geeyay dhaawacyada dad kor u dhaafaya 90 qof oo rayid ah kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan oo ay wax yeeleeyeen madaafiicdii ay ciidamada gumaysigu la dhaceen deegano fara badan oo ka mid ah Magaalada muqdisho.

 

http://www.beerdhiga.org/index.php?action=fullnews&showcomments=1&id=2397

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wallee itoobiyaanki Bakaaraha waxbaa ka raacay. Maalin kasta wa tagaan haddana waa laga soo jafaa. Allaha unaxariisto masaakintii ku dhimatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Aamiin bro, people are to die anyway, they met their God already Gacan ka xaq daranna waa dishay. May Allah forgive them and grant them Jannah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this