Sign in to follow this  
SOO MAAL

Xaflad Lagu Sagootinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

SOO MAAL   

Xaflad Lagu Sagootinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo diyaarinteeda ka socota magaalada Nairobi

 

Sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa socda qaban qaabo loogu jiro qabashada Xaflad ballaaran oo lagu Sagootinayo dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo la dhigi doona ka hor inta aan dowladda soomaalida ka soo guurin magaalada Nairobi.

 

Xafladan oo sagootin ka ah ayaa waxaa lagu soo afjaraya dadaalkii dib u heshiisinta soomaaliya ee galbeedka dalka Kenya ka bilaabaday 15-October ee sanadkii 2002, dadaalkaasna ka soo baxday dowladda uu Madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa diyaarinteeda waxaa wada dowladda Kenya, Urur goboleedka IGAD iyo beesha Caalamka.

 

Sida uu sheegay Ninka dhawaan loo magacabay Wasiiro dowlaha warfaafinta Ibraahim Maxamed Deeq ayaa qirtay qabashada xafladaas, sidoo kale Afhayeenka Madaxweynaha soomaaliya ayaa isna horey u sheegay in la qaban doona xaflad sagootin ah.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ma xuma in la sagootiyo dowladda inoo dhalatay balse waxaa is waydiin muhan xagee bay dowladdu u guuri?Mase laysku raacay in loo raro dowladda Caasimadda dalka?

 

 

Rayi ahaad: Aniga waxay ila tahay (iyo in badan oo Soomaali ah) wax kasta oo ay ku qaadatoba in ay dowladda u guuro caasimadda dalka. Run ahaantii dowladdaan maanta waxay heysataa fursad aad iyo aad qaali u ah, una baahan inay dhammaan xubnaha labada gole ay ka faaiideystaan ummadda Soomaaliyeedna ay oga faaiideeyaan. Si kasta oo qilaaf ugu jiro dowladdaan maanta haddana waxaad moodaa in badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah(oo aniga xitaa ka mid ah) inay rajo wayn u hayaan kuna hamiwaynyihiin in ay is badan sameyso, oo ay bulshada ka saarto dhibka soo soconayay shan iyo bodanka sanno. Illaahay ha inooga dhigo tii aan Nabad iyo Caano ku helnaa..

 

 

sAlaAma kA dhEh:..........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this