Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

London: Wefti Balaaran oo uu Hugaaminayo Musharaxa Koowaad ee Puntland

Recommended Posts

General Cabdilhi continues his election campaign and appeals to the people of Puntland to unite as they continue to face difficult times.

 

London Wefti Balaaran oo uu Hugaaminaaya Musharaxa Koowaad ee Jagada Madaxtinimada

 

ilko.JPG

London Wefti Balaaran oo uu Hugaaminaaye Masharax Koowaad ee Jagada Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Puntland ee Somaliyeed Genaral C/laahi ILKo Jiir oo Kusoo Wajahan Magaalada London ee Dalka England.

Qaban Qaabo Xoogan Ayaa Kasocota Magaalada London Taas oo Loogu Diyaar Garoobaayo Soodhoweynta Musharax Mudane Gen C/laahi ILKo Jiir oo Ah Musaharaxa Koowaad ee UTaagan Jagada Madaxtinimada Dowlad Goboledka Puntland Sanadka 2009ka

 

 

Genaraal C/laahi ILko Jiir Ayaa Kulamo Waaweyni oo uu Kula Kulmaayo Jaaliyada Somaliyeed ee Puntland Ayaa Diyaar Garowgoodii Xusulduun Loogu Jiraa Iyadoo Magaalada London Siweyni Jaaliyada Somaliyeed Uga Dareentay Imaatinka Musharax Mudane C/laahi ILko Jiir oo Maalmaha Soosocda Kusoo Wajahan Magaalada London ee Cariga Ingiriiska.

 

Wararka Ayaa Intaasi Kudaraaya In uu Genaraalku Kulamo Gaar Ah halkaasi Kula Qaadan Doono Jaaliyada Beesha Warsangeli ee Kudhaqan Cariga Ingiriiska.

 

Genaraal C/laahi Ilko Jiir Ayaa Waxa Safarkiisa Kuweheliya Saraakiil Sar sare Iyo Diblumaasiyiin Gaara ilaa 20 Ruux Kuwaasi oo Lasheegay In Ay Wacyi Gelin Iyo Qaban qaabo ahaan ula socdaan Masharaxa Qabandoona Jagada Madaxweynaha Puntland.

 

Genaraal C/laahi Ilko Jiir Ayaa Dhowaan Northamerica xaflado kala duwan Kuqabtay Kuwaas Oo uu Ku Muujinayey in uu Yahay Musharaxa Koowaad ee Jagada Madaxweynaha puntland oo uu Isu Soo Taagay In Uuqabto Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ee Somaliyeed.

 

Kudhawaaqida Musharaxnimada Genaraal Ilko Jiir Ayaa Waxa Soodhoweyey Kumaan Ruux oo Kula Dhaqan Dunida Dacaladeeda Kuwaasi oo Shucuurtooda Sidhab Ah Ugu Muujiyey Taageerada Ay Uhayaan Genaraal Ilko Jiir.

 

Badhanonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this