Gabbal Posted October 13, 2005 Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo lagu kulansiinayo magaalada Kismaayo Arbaco, October 12, 2005(HOL): Idaacadda Qur'aanka Kariimka ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay sii deysay war sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Md. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan lagu kulansiinayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Idaacadda oo warka uu soo gaarsiiyay wariye u jooga Jowhar oo isna soo xignayay ilo wareed oo ku dhow xafiiska Madaxweynaha ayaa intaas waxay ku sii dartay in madaxweynaha uu dhawaan socdaal ku tegi doono magaalada Kismaayo, inkastoo aaney rasmi ahaan sheegin goorta uu socdaalkaasi ku beegan yahay. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan ayaa waxay kala hoggaamiyaan labada garab ee ay u kala jabtay dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, iyadoo labadan mas'uulna ay ku kala tageen muran ka dhashay halka ay saldhiganeyso dowladda iyo weliba in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo Soomaaliya. Dhanka kalena waxaa noogu war dambeysay labadan mas'uul iyagoo kala aaminsan fikrado aad u kala fog oo ku saabsanaa qaabka looga heshiin karo khilaafka ku kala dhex jira xubnaha dowladda, iyadoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu sheegay in xalka arrintaas uu ku jiro dowladda dhexdeeda, halka Guddoomiyaha Baarlamaankana uu sheegay in loo baahan yahay cid seddexaad oo labada dhinac dhexdhexaadisa, cidaas oo uu ku tilmaamay Qaramada Midoobay. Waxaa xusid mudan in Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Xildhibaan/Wasiir Barre Aadan Shire Hiiraale oo dhawaan socdaal ku tegay magaalada Muqdisho uu soo jeediyay in labada dhinac ee Dowladda Federaalka wada hadal laga dhex furo, iyadoo dadaalkiisaasna ay soo dhaweeyeen xubno badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, hayeeshee waxaanan caddeyn in kulankan haddiiba uu jiro uu isla Barre Hiiraale ka dambeeyo. Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sheegayaa in uu saacadaha soo socdo u amba bixi doono dalka Sweden halkaasi oo uu kaga qeybgeli doono shir muhiim ah oo looga hadlayo arrimaha maamul wanaaga Baarlamaanada Afrika, mana jiraan ilaa iyo haatan wax hadal heyn ah oo ka soo baxday dhinaca Guddoomiyaha oo xaqiijinaya jiritaanka kulanka la sheegay in lagu dhexdhexaadinayo labada mas'uul ee Kismaayo ka dhacaya. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites