General Duke Posted August 7, 2007 Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia oo maalintii 3aad baaritaano ka wada Muqdisho Shabelle to air news in English Mogadishu 07, August 07 ( Sh.M.Network) Ciidamada dowladda KMG ah ayaa saakay howl-gallo baaritaano ah ka bilaabay deegaano ka tirsan degmada Heliwaa, iyadoo howl-galladaasina ay galeen maalintii 3aad. Dadka degan xaafadaha inta badan ku teedsan wadada laamiga ah ayaa saakay ku waabariistay, iyadoo ciidamada dowladda oo isugu jira boolis iyo Militari ay taagan yihiin albaab walba gurigiisa, halkaasi oo baaritaano ay ka bilaabeen. Ciidamada dowladda KMG ah ayaa xir xirey dad badan oo ay ku jiraan dhalinyaro, ardey iyo dad waaweyn, inkastoo aan la soo sheegin haween la xir xirey sida ay shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Ciidamada ayaa dadka ay qabtaan waxa ay isugu geynayeen meelo barxado ah oo koox koox ay u fariisinayeen, iyadoo dhinacyadana ay ka taagnaayeen askarta dowladda KMG ah ee Somalia. Waxaa gabi ahaanba hakad uu ku yimid isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo dadka ay cabsi ka muujiyeen howl-gallada baaxadda leh ee laga fulinayo xaafadahooda. Baaritaanadaan ayaa waxa ay ka dambeeyeen ka dib markii shalay halkaasi ay ka dhaceen weeraro bambaano oo lagu qaaday fariisimada ciidamada Ethiopia ee warshadii hore ee Baastada, iyadoo qaraxyada ka dib tacshiirad ay fureen ciidamada Ethiopia ay ku geeriyoodeen in ka badan 6 ruux. Howl-galladaan baaritaanada ah oo galay maalintii 3aad ayaa ciidamada dowladda waxa ay ku xir xireen dad fara badan, inkastoo dadkaasi qaarkooda la sii daayay halka kuwa kalena loo sii taxaabay xabsiga. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 7, 2007 Ciidamada Xoogga iyo nabad ilaaliye yaasha Itoobiyaanka oo saaka howlgallo ka wada Suuqa Xoolaha Dayax ee deegaanka Waxaracadde. Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogag dalka Soomaaliyeed iyo nabad ilaaliye yaasha Itoobiyaanka ee ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa howlgallo ballaaran ay ka wadaan suuqa Xoolaha Dayax ee deegaanka waxaracadde ee degmada Huruwaa. Howlgallada ay ciidanku ka bilaabeen suuqa Dayax oo ah kan ugu weyn Muqdiho ee xoolaha lagu iibiyo ayaa waxaa ay kusoo beegmeen kaddib markii ay xalay suuqaa ka dheceen qaraxyo loo adeegsaday bambaanooyinka gacmaha laga tuuro. Qaarka mdia dadka deegaanka oo saka u warramay shabaakdda wararka carmooyin.com ayaa sheegaya in ciidmadu ay dadka ka hakiyeen galitaanka suuqa,islamarkaana kuwii saaka waabarigii suuqa tagayna ay ku amreen in ayka baxaan. Wararka ayaa intaa raacinaya in ciidamadu ay galeen guryo dhowr ah oo ku yaala daafaha suuqa ,islamarkana ay gacanta kusoo dhigeen 6 ka mida maliishiyooyinka qarandiidka iyo hub iyo waxyaabo qarxa oo ay ku heysteen guryaha dhexdooda. Gacan ku dhigidda maliishiyooyinkan qaran diidka ah ayaa waxaa loo kaashaday oo gacan ka geystay dadka deegaanka oo soo sheegay guryaha ay maliishiyooyinka qaran diidku ku dhuumaaleysanayeen,waxaana maliishiyooyinkan la sheegay in ay ka qeyb qaateen qraxyadii xalay ka dhacay suuqa dayax. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmoyin@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted August 7, 2007 look like clean up operation is a code for killing women and kids...remember, pay back is the other side of that coin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 7, 2007 Ciidamada amaanka G/Shabeelaha Dhexe oo gacanta ku dhigay ruux argagixiso ah iyo miinooyinka Remute conrol-ka laga hago. Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada amaanka gobalkaasi ay gacanta ku dhigeen ilaa iyo 3 miino oo ah nooca remute control-ka laga hago iyo hal ruux oo argagxiso ahoo watay,iyadoo mid kalana uu baxsaday hase ahaatee lagu daba jiro. Argagixisadahan qaran diidka ah iyo miinooyinka uu watay ayaa lagu qabtay kontoroolka Garsaale ee duleedka degamda Jowhar,waxana uu doonayay in uu galo magalda gudeheeda oo deetana uu qaraxyo ka fuliyo,hase ahaate gacanta ayaa lagu dhigay dhagar qabahaasi ka hor inta aanu ujeedkiisii gaarin. Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa uu leeyahay ciidamo cudud ballaaran oo si weynna u feejigan iyo sir doon howlgalladoodu ay sarreeyaan, waxaana gobalkani uu wada shaqeyn la leeyahay gobalka Bnaadir. Masuul u hadlay saldhigga degmada Jowhar oo ka gaabsday magaciisa in la shaaciyo ayaa shabakadda carmooyin.com u xaqiijiyay soo qabshada ninkan iyo baxsashada midka kale,waxaana uu intaa ku daray masuulkani in baaritaano ay ku soconayaan ruuxa qaran diidka ah ee gacanta lagu dhigay oo la weydiinayo su’aalo ku aadan halkii laga soo diray iyo cidda sooo adeejisay intaba. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmoyin@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 7, 2007 Rudy, the "Xasuuq" claims only come when these clowns are rounded up or executed. When they kill cleaning ladies or children oustide their home in a daily basis. The warlord media calls it an "accident". Anyhow it will continue untill Mogadishu is safe and secure for everyone. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 7, 2007 Guddoomiye Ku xigeenka G/Banaadir C/Fitaax Shaawey oo ka war bixiyay guulaha laga gaaray howlgallada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka xagga amaanka ee Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye Shaawey ayaa maanta ka war bixiyay howl-gallada ka soconaya magaalada Mqudisho ee lagu baacasnayo haraadiga argagixisada lagulana dagaalamayo hubka gacanta ugu jira wax ma garadka. Mudane Shaawey ayaa shegay in howlgalladu ay wali soconayaan oo biyo dhocoodii aan la gaarin,hase ahaatee marka ay soo dhamaadaan masuuliyiinta maamulka gobalku ay sxaafadda u soo bandhigi doonaan hub faraabdan,waxyaabo qarxa iyo shaqsiyaad argagixiso ah oo lagu soo qab qabtay howlgallada soconaya. “Guulo wax ku ool ah ayaa howlgallada laga garay,laakin marka ay soo dhamaadaan ayaan war baahinta usoo bandhigi doonaa xog dheeraad ah”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka xagga amaanka gobalka Banaadir C/fitaax Shaawey oo saxaafadda la hadlay maanta. Howlgalladan ayaa ilaa iyo iminka qaran diidyada lagu soo qab qabtay waxaa ay dhan yihiin in ka badan 160,waxaana loo dhaadhiciyay xabsiyada kala duwan ee magaalada Muqdisho,iyadoo Mudane shaawey uu sxafada ku dhaliilay in ay si kale dadweynaha ugu turjumaan qab qabashada qaran diidyada oo ay ka dhigaan dambi laawayaal la iskasoo ururiyay. Isagoo si gaar ah ula hadlayay kooxaha qaran diidka ee rabshadaha wada ayaa mudane Shawey waxaa uu sheegay in masuuliyiinta qaranka bambooyin xaafdaha dhexdooda laga tur tuuro aanay ka hor joogsanaynin howshooda in ay sii wataan. “Shir weyne qaran ayaa iminka soconaya waxaan u sheegeynaa cidii wax tabaneysa in ay timaado miiska wada hadallada”ayuu yiri guddoomiye ku xigaha gobalka Banaadir ee xagga amaanka Mudane Shaawey oo intaana sii raaciyay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qanciso cid kasta oo wax tabaneysa maadaama ay dowladdu tahay dowlad dib u heshiisiineed,hase ahaatee aan loo dul qaadanaynin shacabka in la dhibaateeyo. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmoyin@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 7, 2007 Howlgallo Baaritaan Oo Ka Socda Maalinkii 3-aad Mag. Muqdisho Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 07-Augosto-2007 Waxaa maalinkii sadexaad ka soconaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho howlgallo lagu adkeynayo amaanka caasimadda oo baryihii ugu danbeeyay kusoo badanayeen falalka dilka, qaraxyada iyo kooxaha burcadda ah. Howlgalkan oo ey fulinayaan ciidamada dowladda oo kaabaya kuwa boliska & ciidamo Itobian ah ayaa waxa ey ka soconayaan degmooyinka Hodan, Huriwaa, Yaaqshiid iyo qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley. Xaafadahan ayaa sida bolisku uu sheegay waxaa kusoo batay burcadda iyo kooxaha diidan dowladda, waxeyna si dhuumaaleysi ah uga geystaan degmooyinkan dilal, dhac iyo qaraxyo oo ey khalkhal ku galinayaan amaanka Muqdisho. Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabqabtay dad kaor u dhaafaya boqolaal oo qaarkood lagu tuhunsan yahay in ey ka danbeeyaan faflaka amni darro ee degmooyinkan. Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer oo hore fuliyay howlgallo sidan u balaaran oo ey wax kaga qabteen amaanka isla markaana kusoo qabqabteen hub iyo kooxaha qaska ka waday xaafadahan. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites