Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Darxumo, Nafaqo Darro and Still ..

Recommended Posts

Dowladda Yugandha Oo Shaacisay In Qaar Ka Mid Ah Ciidamadeeda Ku Sugan Soomaaliya Ay Nafaqo-darro U Geeriyoodeen Iyo Warar Kale

 

 

Muqdisho(HWN):-Dowla dda Yugandha ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyay askar ka tirsanaa ciidamada Yugandha ee ku sugan Soomaaliya oo horey loo sheegay inay u geeriyoodeen cudurro, la ogaaday inaysan cudurro u geeriyoonin ee ay u geeriyoodeen nafaqo-darro.

 

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Yugandha ayaa sheegay in baaritaan hay’adda WHO ay ku samaysay askar Yugandheys ah oo la sheegay inay cudurro ugu geeriyoodeen caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay been noqotay, balse ay hay’addu baaritaankeeda ku caddeysay in askartaasi ay u geeriyoodeen nafaqodarro, isagoo xusay in askartaasi ay cunayeen raashin aan lahayn Vitamin B1.

 

Wasiirka Gaashaandhiga Yugandha Crispus Kiyonga waxa uu sheegay in haatan ay khatartaasi sii dhamaaneyso, isagoo xusay in ciidamada AMISOM ay helayaan khudrad fresh ah oo ku filan, maadaama dalka Soomaaliya uu yahay dal qani ku ah khudaarta.

 

Hay’adaha Q/Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay siiyaan raashin iyo dawo, inkastoo dhammaan ciidamada dalalka Yugandha iyo Burundi deeqahaasi aysan wada gaarsiinin hay’adaha, balse ay siiyaan tiro askarta AMISOM ka tirsan.

 

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga dalka Yugandha Crispus Kiyonga waxa uu sheegay in Midowga Yurub uu hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, isagoo xusay in Midowga Yurub uu arrintaasi ku sababeeyay dib u dhac ku yimid taageero dhaqaale oo uu Guddiga taageero-bixinta Yurub horay u bixin jiray.

 

Waxa uu wasiirku sheegay I hakinta dhaqaalaha Midowga Yurub ee ku bixi jiray AMISOM uu keenay sida uu yiri in ciidamada Yugandha iyo Burundi ee magaalada Muqdisho ku sugan ay waayaan ogolaasho howlgaleed saddexdii bilood ee la soo dhaafay, isagoo xusay in la xalin doono arrintaas, wuxuuna shaaciyey in dowladda Yugandha ay ciidamadeeda iyada dhaqaalaha siineyso oo aysan cid kale ka sugeynin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowla dda Yugandha ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyay askar ka tirsanaa ciidamada Yugandha ee ku sugan Soomaaliya oo horey loo sheegay inay u geeriyoodeen cudurro, la ogaaday inaysan cudurro u geeriyoonin ee ay u geeriyoodeen nafaqo-darro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Who should feed these guys? Somali government or the Ugandians? They seem to be blaming themselves in starving thier own soldiers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this