Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Wajiga Dahsoon ee Siyaasada Somalia iyo Shisheeyaha Saamaynta Weyn ku leh ee ku Xeera

Recommended Posts

Wajiga Dahsoon ee Siyaasada Somalia iyo Shisheeyaha Saamaynta Weyn ku leh ee ku Xeeran.

 

 

Hordhac…..Waxa jirta Maahmaah ama Odhaah can ah oo ay isticmaalaan Bulshada

Somaaliyeed ee Geela dhaqataa. Geelo waa xoolaha ay Somaalidu dhaqato ka u mudan,

Geela Dhaqashadiisu, Raacidiisu, ilaalintiisu, waraabintiisu iyo ka shaqayntiisu aad

iyo aad ayey u hawl badan tahay. Marka ninka Geel-jirka ah uu Geeliisu dhibo ee uu

hadba meel u cararo, waxa uu ku calaacalaa oo ku habaartama *Col iyo Cadaawe ku

Qaad*

 

Xaaalada ay ku jirto Somalia manta ayaa runtii ah mid cakiran oo noqotay dal iyo

dadkiisii kuwaas oo Col iyo Caadwe qaateen. Cududa shisheeyey ee gacanta ku dhigtay

Somalia maaha mid iskeed ku timi ee waad mid Salaan ka soo dhigatay kooxda samayska

ah ee Imbagahti, kuwaas ku yimi doonista shisheeyaha danta gaar ka ah kale Somalia.

 

 

Waxa kuu cadaynaaya oo ka makhraati ka caaya arimahan aan ka hadlay ee kor ku xusan,

Shantan masuul ee shisheeyaha ah ee hoos ku qoran, kuwaas oo ah kuwa Odorasa ee

islama markaana Go’aamiya Siyaasada Somalia.

 

Dr. Jendayi Frazer; Amb. Michael E. Ranneberger; Meles Zenawi; Isaias Afewerki; Amb.

David Shinn.

Waa tuma? Jendayi E. Frazer waa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debadda Maraykanka ee

Dhinaca Afrika. Waxa ay ka soo jeedaa Gobolka Virginia ee Maraykanka. Haweenaydaan

oo aad caan ka ah qaaradda Afrika ayaa takhasus aad u fog u leh arrimaha Afrika.

Waxa ay ahaan jirta Safiirka dalka South Africa u fadhiya Maraykanka. Waxa ay horay

u soo qabatay jagooyinka kala ah La taliyaha gaarka ah ee Madaxwayne G. Bush ee

dhinaca Afrika; Madaxa Xafiiska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanka;

xubin ka tirsan Golaha Ammaanka Qaranka. Gabadhani waxa ay macallimad ka ahaan

jirtay iskuulka dawladnimada ee Kennedy ee Jaamacadda Harvard, iyada oo xubin

firfircoon ka ahayd Golaha Xadhiidhka Caalamiga ah ee Jaamacaddaas. Waxa ay wax

badan ka qayb qaadatay dejinta qorshayaal milateri oo ay sameeyeen Hoggaamiyeyaasha

ciidamada Maraykanku. Markii ay ahayd Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Golaha Ammaanka

Qarraanka waxa ay lahayd qorshaha siyaasadda faragelinta arrimaha waddamada Congّ,

Siiraliyoon, Laybeeriya, Burundi iyo Suudaan. Dhammaantoodna iyada ayaa si gaar ah

ugu xilsaarnayd fulintooda.

Haddaba Gabadhani waxa ay si firfircoon faraha ula gashay cidda noqonaysa madaxda

waddamada kor ku xusan isla markaana abuurtay awoodihii meel marin lahaa hawshaas

iyada oo mar kasta isticmaalaysay awoodda waddamada dariska la ah kuwa kore sida

Uganda, Nayjeeriya, South Africa iwm.

Dr. Frazer waxa ay xagga waxbarashadeeda jaamacadeed oo idil ku soo qaadatay

arrimaha Afrika iyada oo wax ku baratay Jaamacadda Stanford halkaas oo ay shahaadada

B.A. ku qaadatay Culuunta Siyaasadda, gaar ahaan Afrika, waxay isla jaamacaddaas ka

qaadatay shahaadada M.A. ee Siyaasadda Caalamka iyo Horumarinta Waxabarashada. Waxay

takhasus Doctorate ah ku samaysay Xadhiidhka u dhexeeya Shacabka iyo Milateriga

Kenya. Taas oo ay si hoose u dhexgashay hawlaha Kenya iyo Waddamada Dariska la ah.

Waxa ay ka qayb qaadatay hawlaha Milateri ee Afrika. Waxa ayna macallimad ka ahaan

jirtay Machadka Culuunta Horumarinta ee Jaamacadda Nayroobi (the Institute for

Development Studies at the University of Nairobi, Kenya). Waxa ay sidaas oo kale

Macallimad ka noqotay the Graduate School of International Studies ee Jaamacadda

Denver.

Dr. Frazer waxa kale oo ay u xilsaarnayd dhexdhexaadintii Ethiopia iyo Eriteria ee

dagaalkii dhexmaray 1998-2000, iyada oo la safatay Ethiopia halkaasna Eriteria ay ku

qaadacday hawsheeda sidaasna ay colaadii u dhexmartay taas oo ilaa hadda taagaan.

Haweenaydan waxa ay hadda aad uga qayb qaadatay isbedelkii ka dhacay Soomaaliya ee

Golihii Maxkamadaha ee lagaga saaray dalka iyo qandaraaskii soo gelitaanka ciidamada

Ethiopia ee dalka Soomaaliya.

 

Dr. Frazer oo takhasus fiican u leh sida loo adeegsado waddamada deriska la ah

waddanka ay doonayso in ay hawl ka fuliso ayaa sidaas oo kale, Mashruuc ama

qandaraas fiican uu dhex-maray Uganda oo hore ugala qayb qaadatay qorshaheedii

Koongo. Mr. Museveni (Madaxwaynaha Ugaandha) oo xariif ku ah sida loo rog-rogo

siyaasadda reer galbeedka isla markaana ah jabhad waynaaday ayaa hadda u muuqda mid

hunguri ka galay sidii uu uga qayb qaadan lahaa qaybsiga qandaraaska Soomaaliya.

Waxaa arrimahaas si fiican isugu sii xidhaaya oo qayb wayna ka ah qandaraaskan

Safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya Amb. Michael E. Ranneberger. Waxa uu isna ka soo

jeedaa gobolka Virginia ee Maraykanka. Virginia waa gobol koonfurta Maraykanka ku

yaal oo ah halkii ugu horaysay ee dadkii Ingiriiska ahaa ay ka dageen Maraykanka.

Waana halka Madaxwaynayaasha ugu badan ee Maraykanka ka yimaadeen.

Amb. Ranneberger ka hor Kenya waxa uu ahaa u qaabilsanaha Sudan ee xafiiska Afrika

isaga oo isla markaana ahaa ku xigeenka xafiiskaas. Waxa uu wax badan soo ahaa la

taliyaha gaarka ah ee Maraykanka dhinaca Sudan. Ka hor waxa uu soo noqday Safiirka

Mali. Ninkan odayga ah waxa uu si fiican ugu takhasusay hawlaha Koonfur America iyo

kala furfuridda jabhadaha iyo samaynta kooxaha isaga oo ahaa 1995-1999 isu-duwaha

arrimaha Cْba kuna guulaystay in uu Cuba ka abuuro kooxo u janjeedha siyaasadda

Maraykanka. Ka hor Cuba waxa uu soo sameeyay koox la baxday Task Force oo ka hawl

gasha Haiti.

 

Amb. Ranneberger waxa uu hadda aad uga shaqeeyaa arrimaha Soomaaliya, kumana cusba

oo waxa uu soo noqday August 1994 Deputy Chief of Mission ee Muqdushu. Ka hor waxa

uu aad ugu soo dhex-jiray kana soo shaqeeyey Mozambiik 1986-89 iyo Angola 1981-84

isaga oo labadan waddanba ka qayb qaatay la dagaalankii kooxihii Shuuciga iyo

abuuritaankii jabhado iyo kooxo u shaqeeya danaha Maraykanka. Waxa uu sidaas oo kale

ka soo abuuray kooxo iyo shaqsiyaad ka shaqeeya danaha Maraykanka waddamada El

Salvador iyo Guatemala.

Amb. Ranneberger waxa uu wax ku bartay Jaamacadda Towson State isaga oo ka qaatay

shahaadada B.A. Waxa uu ka qaatay shahaadada M.A. dhinaca taariikhda Jaamacadda

Virginia. Waxa uu hadda si aad ah ugu mashquulsan yahay in uu ka abuuro Soomaaliya

kooxo iyo shaqsiyaad u adeega danaha Maraykanka, isaga oo kaashanaya Dr. Jendayi

Frazer iyo Meles Zenawi.

Meles Zenawi Ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxa uu ku dhashay Adwa oo ah gobolka

Tigray ee Waqooyiga Itoobiya. Waxaa iska dhalay Aabe Tigray ah iyo Hooyo

Ereteeriyaan ah. Zenawi oo madax ka ah Itoobiya muddo 16 sano ah waa nin aan aad u

weynayn oo da’diisu tahay 51 jir. Waxa uu noloshiisa in badan ku soo qaatay

jabhadnimo isagoo muddo badan ku noolaa Soomaaliya wakhtigiisii Jabhadnimada kuna

socdaali jiray Passport Soomaali ah. Waxa uu madax ka noqday Jabhadihii midoobay ee

EPRDF (Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front) ee la dagaalamayay

maamulkii Mengistu Xayle Maryam ee Derg.

Zenawi waxa uu ku guulaystay in uu ku xukumo Itoobiya siyaasadda ah qaybi oo xukun.

Waxa uu ku soo rogay in Qoomiyad kasta maamul-goboleed samaysato taas oo abuurtay in

la isku qab-qabsado xuduudaha iyo maamullada. Arrintani waxay abuurtay dagaalo

joogto ah iyada oo Qoomiyadii u hogaansami wayda awaamiirta Zenawi lagu hubaynayo

kuwa kale ee ay is hayaan. Zenawi waxa uu ku guulaystay in uu si casri ah u dhiso

gobolka uu ka soo jeedo ee Tigray taasoo leh dhammaan adeegyada hoose, dhexe iyo

sare ee bulsho u baahan karto. Waxa uu u diyaargaroobay, sida lagu xanto, in uu ka

goosto gobolkiisu haddii Itoobiya kala tagto.

Meles Zenawi waxa uu si aad ah ugu guulaystay in maanta Taangiyada Itoobiya dhex

joogaan goobihii looga talin jiray milaterigii Soomaaliyeed, isla markaana ay xasuuq

ugu gaystaan shacab aan hubaysnayn. Zenawi waa nin taariikhda Soomaaliya iyo

Itoobiya si fiican u yaqaan, isaga oo og in Taangiyada Soomaaliya ay mar aan sidaas

u dheerayn dhex joogeen Dire-Dawa. Zenawi waxa uu doonayaa in uu tirtiro

guuldarooyinkii ku dhacay Itoobiya, abuurana taariikh cusub oo jiilasha soo socda

ugu faanaan kuwa Soomaalida ah in Xamar, Caasimadda Soomaaliya, taankiyadoodu waxay

doonaan ka sameeyeen..Waxa uu fursaddan uga faa’iidaysanayaa Siyaasadda Maraykanka

ee ku wajahan Shidaalka caalamka ee lagu qabsanayo magaca Argagaxisada. Haddaba

Zenawi oo xadhiidh fiican la samaystay Dr. Frazer waxay doonayaan in ay Soomaaliya u

abuuraan kaadiriin ama Shaqsiyaad u shaqeeya danaha ay leeyihiin isla markaana

xeebaha Soomaaliya looga taliyo Addis Ababa.

Waxa dhinaca kale dhibaatada Soomaaliya qayb ka ah Isaias Afewerki, Madaxwaynaha

Eritereeya. Wuxuu ku dhashay Asmara 1946 waana nin haysta diinta Judiac-Christian.

Waxa uu arday ka ahaan jiray Jaamacadda Hayle Selaase I isaga oo ka tagay 1966 kuna

biiray jabhaddii xornimadoonka Eritereeya ee la dagaalamayay Itoobiya. Waxa uu aad

ugu guulaystay wakhtigii jabhadnimada in uu ka wada takhaluso raggii ka wada

caansanaa ee hoggaamin jiray jabhadda kuwaas oo Muslimiin u badnaa, isaga oo

kaashanaya walaalkiis Meles Zenawi oo hoggaaminayey Jabhaddii Tigrayan Peoples

Liberation Front (TPLF). Waxay labadan nin si fiican uga wada shaqeeyeen qabsashadii

Itoobiya iyo Xornimo-siintii Eritereeya. Nasiib-daro waxa ay isku khilaafeen arimo

dhaqaale ku salaysan, ka dibna waxa dhexmaray dagaal qadhaadh. Waxay hadda labaduba

ku mashquulsan yihiin hub isugu dhiibka Soomaalida iyo burburinta dalka Soomaaliya

ee dagaaladu aafeeyeen. Waxaa la hubaa in ay maalin ay noqotaba ay heshiin doonaan

labadan nin ee wada haysta diinta Kiristaanka, cadaadis ba’ana ku haya muslimiinta

ku nool waddamadooda.

 

Mr. Afewerki waxa uu gacan bir ah ku hayaa dadka Eritereeya oo wax badan u soo

halgamayay in ay xoriyad helaan balse candhuuftooda dib u liqay.

Waxaa xagga siyaasadda Maraykanka kala taliya labadan nin rag uu ka mid yahay Amb.

David Shinn. Waxa laga yaabaa Soomaali badan markay arkaan rag uu ka mid yahay David

shinn oo dhaleecaynaya siyaasadaha qaar ee Maraykanka in ay aad ula ordaan. Amb.

David Shinn waxa uu safiir ka ahaan jiray Itoobiya (1996-1999) gaar ahaan wakhtigii

ay bilaabatay siyaasadda Itoobiya ay dagaallada ugu soo qaadaysay gudaha Soomaaliya

1996. Waxaa hubaal ah in uu qorshe iyo qaadhaanba ku lahaa siyaasaddaas ilaa maanta

taagan. Amb. David Shinn waxa uu ku dhashay halka la yidhaahdo Yakima ee Washington

1940, isaga oo waxbarashada Jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda George Washington,

halkaas oo uu hadda macallin ka yahay. Waxa uu ku sameeyay takhasuskiisii M.A. 1964

Pan-Somali Movement. Waxaa qariib ah waqtigaas inuu u doorto thesis-kiisa arrintan.

Wakhtigaas sida la wada og yahay waxa dhacay dagaalkii ugu horeeyay ee Soomaaliya

iyo Itoobiya taariikhda casriga ah. David Shinn waxa uu sidaas oo kale safiir ka

noqday Burkina Faso. Waxa uu shaqooyinkiisii dublimaasiyadeed ee ugu horeeyay ka

bilaabay Nairobi-Kenya iyo Daresalaam-Tanzania, isaga oo Konsul-ku xigeen ka ahaa

Bairut-Lubnaan. David Shinn waxa uu gacan weyn ka gaystay hawshii Operation Restore

Hope ee Maraykanku hoggaaminayay. Waxa uu Isu-duwe ka ahaa 1992-93 Somali Task

Force. Amb. David Shinn waxa uu xubin firfircoon ka yahay ururo taageeridda

Itoobiya ah sida Society of Friends of the Institute of Ethiopian Studies; U.S.

Cares for Ethiopia. Hase yeeshee ka mid ma ahan ururo Soomaaliyeed, isaga oo

takhasuska shahaadadiisii jaamacadeed ku qaatay Soomaaliya kana soo shaqeeyay.

Waxaan maqaalkan u doortay in aan Iftiimiyo in Soomaalidu aanay ahayn dad wax ku

qiimeeya taariikhda, isla markaana aan waliba la hayn hubsiino ku jahaysan Qofka

Shisheeyaha ah ee Siyaasiyan ku wax yeeli kara, siiba siyaasiyiinta reer galbeedka.

waxa kale oo jirta in Distoorka Somaliland uu dejiyey nin Sudan ah oo dhaqanka iyo

dhaqaalaha Somaliland aan waxba ka aqoon, kaas oo ay saaxiib ahaayeen Marxuunkii

Cigaal Alle ha naxariistee. waxa kale oo iyana jirta oo aan dadka reer Somalia u

sheegayaa in Distoorkii 1961 ee Somalia Qaadatay ay dejiyiin laba Lawyer ama

garyaqaan oo Talyaani ah, kuwaas oo Dalka Talyaaniga dhexdiisa looga yaqaanay labo

Sakhraan oo aan Qiimo ku lahayn dalkooda Hooyo.

 

Waxa aan ku soo gabgbaynayaa Qoorkayga:Qofka Somaaliyeed ee u haysta ama qaba in

Abdillahi Yussuf iyo M.Ali Geedi ay yihiin masuuliyiin ay talo gacanta ugu jirto waa

Qof aan habeena jirin oo aan fahamsanaynin *Booraanta afka laga Qafilay ee Qabarna

Hooseeyoّ* waxa iyana la mid ah oo aan waxba ka ogayn Siyaasada dahsoon ee danta

gaar ka ah laga leeyahay, kuwa aaminsan hadhaaga Maxkamadaha iyo labada Shariif ee

Asmara ku go’doonsan.

 

 

By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this