Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Runta maala diidaa

Recommended Posts

Xisbiga UDUB oo Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ku eedeeyay in uu sawir aan wacneyd ka bixiyay Somaliland

 

Gudoomiyaha Siyaasadda ee xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, ayaa ku eedeeyay Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, inay sawir aan wacnayn ka bixiyeen Somaliland markii ay kulanka la lahaayeen Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka u qaabilsan Afrika Jendayi Frazer.

 

Cumar Jaamac, oo maanta warsaxaafadeed Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay ayuu kaga hadlay kulankii dhex maray Jendayi Frazer iyo Xisbiyada, waxana uu KULMIYE ku eedeeyay inay mugdi geliyeen in doorashooyinkii Golayaasha deegaanka iyo madaxtooyadu ay ka qabsoomayaan dalka.

 

Warsaxaafadeedkaas ayaa qayb ka mid ahi waxay u dhignayd sidan:

 

“Sida aynu la wada soconno waxa booqosho ku timid dalka Somaliland 03/02/08, Wasiirka Africa u qaabilsan dawladda Maraykanka (Assistant Secretary of state for African Affairs) Dr Jendayi Frazer. Waxay ahayd fursad aad u qaali ah in Wasiir ka socda dawladda Maraykanku yimaado dalka Somaliland iyadoo ka jawabaysa martiqaadkii madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u fidiyey dhowaan markay isku arkeen wadankaeeda,si ay aragto xaalada dhabta ah ee ka jirta dalka. Jandayi waxay la kulantay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka xubno ka socda golaha Wasiirada, Xisbiyada dalka.

 

Waxan halkan kaga hadlayaa wada hadalkii ay Xisbiyadu la yeesheen iyo farriinta aanu u gudbinay wefdiga. Waxa qof kasta oo muwaadin ahi filayaa in xisbiyadu ay u tartamayaan sidii Somaliland u noqon lahayd qaran madax bannaan oo beesha caalamka ka mid noqda. Waxay ahayd in wefdiga loo muujiyo sida aynu uga midaysan nahay qadiyada Somaliland iyo aqoonsigeeda iyo in muxaafid iyo mucaaridba si u wada iibgeeyaan sidii dalkeenu aqoonsi u heli lahaa. Waxan aad uga xumahay inaan maanta xuso in Xisbiga Kulmiye kala hadlay wefdiga markiiba arrimihii gudaheena ahaa ee aanu hore ugu murmi jirey. Waxa xisbigu markiiba hadalkiisa ku bilaabay:

  • In aan dawladdu ku dhaqmin miisaaniyadii sanadkii hore oo khilaaf ka jirey
  • In Xukuumaddu is hortaagto sharciyada ka soo baxa golaha wakiilada
In lagu tunto xuquuqul insaanka
In si sharci darro ah loo xidhxidho saxaafada
In si sharci darro ah loo xidhay qoladii Qaran
In xukuumadu ka dhigtay suuqi ganacsiga mid cid gaar ah u xidhan (monopoly).
In doorashada ay ka qabaan dareen ah inaanay qabsoomi doonin.
Madaxweynuhu markuu soo noqday waxba nooma sheegin ee fadlan noo sheeg waxii uu idin kala hadlay
Doodahaasi oo dhammi waxay sawir aan wanaagsanayn ka bixinayaan Somaliland oo macnaheedu tahay yaan lana aqoonsan wax badan ayaa naga xune.

 

Ma xusin waxa badan ee wanaagsan ee Somaliland u qabsoomay haba-yaraatee. Bal dadka reer Somaliland ayaan u dhaafayaa waxii ay ka codsan lahaayeen iyo sida ay u kala horreysiin lahaayeen baahiyahooda. Iyadoo dawladdii adduunka ugu awooda weynayd oo u timi, waxa ay weydiisan lahaayeen iyagoo haysta waqti kooban oo ah toban daqiiqadood.

 

Waxan aad ugu mahad celinayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo isagu halkaa ka caddeeyey inaanay ahayn meel aanu maanta wax iska sheegno ee aanu u nimi halkan sidii aanu uga hadli lahayn qadiyada aqoonsiga iyo hurumarinta Somaliland”.

 

--------------

 

Muxuu la calaacaloyaa, runta la sheegay muu diidanyahay? Ma in sariirta hoosteeda lagu qariyo ayuu rabay xaalka jiro? Wah. I have some respect for Siilaanyo, a respected Soomaali elder and politician, who is pro-Soomaaliweyn too as well; haddee ahaan lahayna duruufaadka iyo marxaladda jirto maanta uu mar hore midnimo raadis iyo qaranimo doon bilaabi lahaa. Alas, Koonfurtii ayaaba qasan oo degi la'.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this