Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf returns to Baidoa.....

Recommended Posts

C/laahi Yuusuf oo ku soo laabtay Baydhabo

 

Marko 12, Nov.06 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo oo fariisin u ah dowladda KMG ah ee Somalia,

 

Madaxweynaha Somalia oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ka soo qeybgalay kulan ka dhacay magaalada Bejiin ee dalka China, isagoo sidoo kale lugta soo mariyay dalal ay ka mid yihiin Singapore iyo Yemen oo wada hadalo uu kula soo yeeshay Madaxweynayaasha dalalkaasi.

 

Dib ugu soo laabashada Madaxweyne C/laahi Yuusuf ee magaalada Baydhabo ayaa ku soo beegantay xilli xiisado dagaal ay ka jiraan gobolka Mudug iyo deegaanada Puntland oo horey Cabdulaahi Yuusuf uu u maamuli jirey.

 

 

Shabelle Media Network Sh/hoose

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

I wonder what happen to the the plan to visit Galkacyo[ atleast the nothern part ] by the criminal dictator/mafia boss. :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^That trip was never announced, and Baioda is the capital. PS are you saying that Galkacyu is safe for Cade and the Puntland cabinet but not Yusuf? Thats the whole idiotic logic of the clan courts they claim victory when they move an inch.

 

Also what happened to the clan Jihad against Baidoa and the fuel embargo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf oo ka dagay Baydhabo

12 Nov 12, 2006, 13:12

 

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, isagoo kasoo kicitimay caasimada dalka Yeman ee Sanca.

 

Madaxweynaha oo Sanca kula soo kulmay dhigiisa Yeman Cali Cabdalla Saalax ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan dowladda, waxaana uu Madaxweynaha caawa uu kulamo la qaadan doonaa Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo xubno kale oo xukuumada ka tirsan, isagoo kala hadli doona arimaha kusoo kordhay dalka mudadii uu ka maqnaa iyo xiisadaha colaadeed ee ka jira gobolka Mudug.

 

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku soo aaday xili xalada dalka ay kacsan tahay iyadoo dagaalo hor leh ay kasoo cusboonaaden gobolka Mudug, waxaana la filayey in Madaxweynaha uu ka dego magaalada Gaalkacyo balse uu hakad galay kadib xiisadaha colaadeed ee halkaasi oo dib u dhigay safarkii uu ku tegi lahaa Puntland.Akhri

Share this post


Link to post
Share on other sites

what about hassan daahir aweys also pet dog of isiyas afweyki eritrean president also a tigray

 

Ethiopia and Eritrea are fighting there own personal batle in side somalia and somalis dont see it

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne C/laahi Yuusuf oo Baydhaba gaaray,Saraakiisha Ciidamada kulan deg deg ah la qaatay.......

 

 

Baydhaba:-M/weynaha Somalia Mr.C/laahi Yuusuf Axmed iyo Wafdigii la socday ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah dowlada Fedaralka Somalia.

 

M/weynaha iyo Wafigiisa ayaa markii ay soo dageen waxay kulan deg deg ah la yeesheen Madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada,wuxuuna sheegay inuusan cidna la kulmayn ilaa barri subax.

 

C/laahi Yuusuf aya dalal badan Safaro kusoo maray ayaa Maxkamadaha ku eedeeyey inay iyagu ka masuul ahaayeen Qaraxii lagu doonayey lagu doonayey in lagu khaarajiyo isaga laftiisa.

 

Dadkii doonayey inay aniga i dilaan,waxay ahaayeen dad Al-Qaacidah,waxaana soo amray Xassan Daahir aweys isla markaana waxaa ku yaalay saxiixiisa ayuu yiri M/weyne C/laahi Yuusuf.

 

M/weyne C/laahi wuxuu sheegay in Maxkamaduhu ay laba wajiilaynayaan isagoo intaas ku daray inay gacana xabad iyo dhul ballaarsi ku sitaan halka gacanta kalana ay nabad ku raadinayaan ayuu yiri taas oo uu ku sheegay midaan socon doonin.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa maalinta barri ah la sugayaa warbixinta uu C/laahi Yuusuf siin doono xukuumadiisa iyo xubnaha Barlamaanka,wuxuuna ka hadlayaa sida la filayo safardii uu dhawaan kusoo maray dalal ay ka mid yihiin China,Singpure iyo Yamen.

 

Axmed Xayrdaac

Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo Baydhabo kusoo laabtay si diiran loo soo dhaweeyey

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka kmg ee Soomaaliya Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa dib ugu soo laabtay dalka Soomaaliya Xaruntiisa kmg ee magaalada Baydhabo halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen qaar ka tirsan labada gole oo uu horkacayey Ra’iisul Wasaaraha kmg ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi iyo kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Md. Cismaan Cilmi Boqore.

 

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Shiinaha oo kusaabsanaa xiriirka Afrika iyo dal weynaha Shiinaha halkaasoo madaxweynaha si gooni ah uu ula kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Shiinaha oo halkaasi loogu balan qaaday in dowlada Federaalka la garab istaagayo.

 

Labada dowladood ayaa waxa ay isla garteen in xiriirka ka dhaxeeya ay kor u qaadaan isla markaana ay ka wada shaqeeyaan sidii loo kordhin lahaa wadashaqeyntii ka dhaxayn jirtay Shiinaha iyo Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa safaro kusoo kala bixiyey dalalka Singabuur, Talyaaniga, Imaaraadka Carabta iyo Yemen kuwaasoo madaxdooda uu kulamo ula yeeshay iyagoo dhamaantood isku afgartay inay dowlada Federaalka Hiil iyo hooba la garab taagnaan doonaan sida aan ka xajiijiyey ilo lagu kalsoonaan karo.

 

Imaanshiyaha Madaxweynaha uu dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa kusoo beegantay xili gudoomiyaha Baarlamaanka kmg ee Soomaaliya Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan uu kusugan yahay magaalada Muqdisho oo uu heshiis lagaaray Golaha Maxaakiimta taasoo dowlada Federaalka ay war murtiyeed shalay kasoo saartay kaasoo dhigayey in heshiiska uu gudoomiyaha la galay Golaha Maxaakiimta uu yahay mid waxba kama jiraan ah oo aan dowlada raali ka ahayn, Ma cadda tilaabada uu qaadan doono Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf heshiiskii dhawaan dhex maray Golaha Maxaakiimta iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

Maxamed Cabdulle Xasan (SIIDI)

siidmohamed@hotmail.com

siidi@somaliweyn.com

Somaliweyn Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this