Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sh. Ahmed Madobe Joins Ahlu Sunna Wal Jamaca

Recommended Posts

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in uu ku soo biiray Sheekh Axmed Madoobe oo kamid ahaa Saraakiisha Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kula dagaalamay Jubooyina.

 

Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan abuu qaadi oo maanta shir jaraa’id warbaahinta u qabtay ayaa waxaa uu sheegay in Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku amaanayaan Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) dagaaladii uu ka waday gobolada Jubooyinka.

 

Waxaa uu tilmaamay in Sheekh Axmed Madoobe uu ka soo wareegay Xisbul islaam islamarkaana uu ku soo biiray dhank Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca si buu yiri uu u sii wado dagaalada ay kula jiraan dhinacyada ka soo horjeeda.

 

“Axmed Madoobe waa uu ku qanci waayay gumeysiga iyo duliga faraha badan ee dhinacayada nagasoo horjeeda ay ka wadaan Jubooyinka,waxaana uu doorbiday Markii uu taasi u dul qaadan waayay in uu go’aansado in uu ku soo biiro Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca”ayuu yiri Afhayeenka culumaa’udiinka Ahlu Sunna.

 

Abuu Yuusuf ayaa waxaa uu soo hadal qaaday dagaalada Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan isagoo sheegay in dagaaladaasi ay guulo weyn ka gaareen islamarkaana ay hormar ka sameeyeen.

 

Lama oga in ra’yiga Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca uu la qabo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) kaasoo Ururka Xisbul Islaam ay sheegeen in uu ka mid yahay saraakiisha sar sare ee Ururkaasi.

 

Ciidamo uu watay Sheekh Axmed Max’ed Islaam Sheekh Axmed Madoobe oo ka tirsanaa Ururka Xisbul salaam ayaa Sanadkii la soo dhaafay dabayaaqadiisa waxaa ay dagaalo ka wadeen qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka halkaasi oo ay kla dagaalamayeen Xaraakada Mujaahidiinta Al shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this