Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Faysal, Siilaanyo and Vice President are all in Lasanod

Recommended Posts

Axmed Yuusuf Yaasiin,Siilaanyo,Faysal Cali Waraabe oo soo gaadhay magaalada Laascaanood

 

 

Waxaa saaka soo gaadhay magaalada Laascaanood wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo hor kacayay xubno kamid ah Golaha wasiirada Somaliland iyo waliba Golayaasha baarlamaanka Somalilaland.

 

Wadidan aaya waxaa kamid ahaa Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,Gudoomiyaha Golaaha wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi,wasiirka arimaha dibada C/laahi Maxamed Ducale,wasiirka hawlaha Guud Siciid Sulub,Wasiirka arimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cirro,wasiirka Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax,Wasiirka Gaashaandhiga C/laahi Cali Ibraahim,Wasiiru Dawlaha arimaha Gudaha Xasan Macalin.

 

Sidoo kale waxaa horay ugu sugnaa Wasiirka Cadaalada Somaliland Axmed Xasan Cali (Casoowe),Wasiirka horumarinta reer miyiga Maxamed Hagar Dirir, Gudoomiye kuxigeenka Somaliland Baashe Maxamed Cadde,Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamuud Siilaanyo iyadoo sidoo kalena maanta uu soo gaadhay Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

 

Waxaa madaxwayne kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wafdida la socotay si wayn usoo dhaweeyay masuuliyiinta Gobolka Sool iyo Degmada Laascaanood iyo xubnihii dawlada dhexe ee ku sugnaa Gobolka Sool maalmihii lasoo dhaafay.

 

Kadib markii uu soo gaadhay madaxwayne kuxigeenku ayaa waxa uu shir jaraa’id ku qabtay Guriga Gobolka Sool iyadoo ay halkaasi ka hadleen masuuliyiin kala gedisan Madaxwaynaha oo halkaasi ka hadlaya waxa uu yiri ‘ aad ayaan ugu faraxsanhay inaan imaado magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa sharaf noo ah tareenkii ka bilaabmay Saaxil inay khatinto Sool sidoo kale waxa uu uga digay in qafkii kaadhka diiwaangelinta Somaliland qaadan waaya maanta oo gurigiisa loogu keenay barri u mari doono wado dheer’

 

Sidoo kale Axmed Cabdi Xaabsade ayaa waxa uu halkaasi kasoo jeediyay hadalo uu kaga tarjumayo shacabka SSB sida ay ugu diyaar yihiin in ay wax la qayb sadaan walaalohooda Somaliland isagoo sheegay in taa badalkeeda waxa ay tabanayaan wax laga qabto.

 

Ugu danbayntiii ayaa waxaa halkaasi hadal kooban kasoo jeediyay Gudoomiyaha Golaaha wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi oo xusay inuu si wayn ugu faraxsan yahay imaashiyaha Gobolka Sool isagoo xusay in diiwaan gelintuna ay tahay in si wayn looga qayb qaato taas oo ah hab dimuqraadiya isagoo sidoo kalena xusay in Baarlamaanka shalay lagu dhaariyay Garowe ay kasoo baxaan waajib kooda ayna ilaaliyaan xuduuda Somaliland isagoo intaa ku daray in Gudoomiyaha cusub uu ku casumi doono magaalada Hargeisa ee Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this