Sign in to follow this  
General Duke

Osman Ato on the many lies of Court media....

Recommended Posts

Cusmaan Caato:: Waa beentood kuwa Sheegay in aan Maxkamadaha ka socdo waa kuwo aan xishooneyn!

Last Updated::2006-10-03 19:06:49

 

Gaalkacyo:- Xildhibaan Cusmaan Xassan Cali Caato oo soo gaaray

magaalada Gaalkacyo ayaa wareysi siiyey idaacada magaalada Gaalkacyo.

 

Cusmaan Caato oo wax laga weydiiyey safarka uu ku yimid magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in safarkaasi uu yahay mid asaga u gaar ah oo aan wax siyaasad ah ku lug lahayn.

 

Caato oo la weydii warar ay daabaceen qaar kamid ah websiteyada Muqdisho kasoo baxa oo sheegay in Xildhibaanu uu Maxkamadaha Muqdisho ka socdo isla markaana uu maxkamad islaami ah ka dhisayo koonfurta Gaalkacyo.

 

Warkaasi ayuu Cusmaan Caato ku sheegay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo ay baahiyeen dad uu ku sheegay in ay yihiin kuwa aan xishooneyn.

 

[...Anigu Xildhibaan dawladda u shaqeeya ayaan ahaye miyaan ka tirsanahay maxaakimta? Waa maya....wararkaasi waa been la iska yiri anigu maxkamadaha kama socdo kamana mid ahi....Deegaankan dad baa maamul u sameystay waxayna leeyihiin odayaal, nabadoono, issimo arrimahaasi ka taliya...] ayuu yiri Cusmaan Xassan Cali Caato.

 

Caato oo arrintaasi ka hadlayey ayaa sheegay inuusan kamid ahayn Maxkamadaha uusana xubin ka ahayn wuxuuna u yimid Gaalkacyona ay tahay hawl khaas u ah reerkiisa.

 

Cusmaan Caato Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo guriyeynta oo hada ah xildhibaan Baarlamaanka kamid ah ayaa sheegay inuu u gudbi doono magaalooyin kamid ah Puntland uuna u socdo arrimo la xariira qoyskiisa.

 

[...magaalooyin badan baan u socdaa safarkeyga waa mid khaas ah Bosaaso ayaana tagi doonaa haduu alle idmo...] ayuu yiri Cusmaan Xassan Caato oo sheegay in uu sidoo kale kulamo la leeyahay mas'uuliyiinta maamulka Galmudug iyo Dowlada Puntland.

 

Cusmaan Caato oo ka hadlay socdaalkii uu dhulka kusoo maray ayaa sheegay inuu asagu rabay inuu soo maro dhulka, ayna beentahay in Puntland u diiday in uu diyaarad ku yimaado gobalada Puntland.

 

Cusmaan Caato ayaa sheegay in dhulkii uu soo maray uu ahaa mid nabad ah isla markaana uu ku faraxsan yahay nabada halkaa ka jirta.

 

[...Gobalka Mudug maamul u gaar ah ayuu leeyahay, waa gobal dad kala gedisan ku noolyahay ayna maamul wada leeyihiin...] ayuu yiri Cusmaan Caato oo markale carabka ku adkeenaya inuusan kamid ahayn Maxkamadaha.

 

Xildhibaanka oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobalka Mudug ayaa si weyn isaga fogeenaya xiriirinta lala xariiryey Maxkamadaha islaamiga ee Muqdisho.

 

Cusmaan Caato oo asagu ku nuux nuuxsaday inuu kamid yahay Dowlada Soomaaliyeed, ayaa in dhawaale xiriir wanaagsan la lahaa Dowlada Puntland oo uu dhawr goor booqasho ah ku yimid magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe, Bosaso iyo Qardho.

 

Wareysigiisan ayaa kusoo aaday xili ay qaar kamid ah Saxaafada Muqdisho si weyn uga hadleen safarkiisa magaalada Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^^offcourse I would be upset if I owned 100s of cagaf cagaf, owned ruthless militia who put fear in the hearts of people. I would be upset if I once was a force to be reckon with in Xamar, a name and face of the sub clan, someone considered a leader.For all that to be taken away from me and given to those that I took away from is extremely upsetting therefore, I shall have my say here and there in order to try to do although it won't happen any sort of damage to the xaq ku dirir ICU, I hope I prevail--Amin to my AK-47, nooloow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol. The rumour was that the ICU sent him to start trouble in Galkacyu. Thats what the media of Modgadishu were falsly propogating...

 

Dont jump the gun son.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this