Sign in to follow this  
ANWAR

ISMAACIIL BUUBAA FOR PM

Recommended Posts

ANWAR   

ISMAACIIL BUUBAA: “Hadday noqoto inay igu soo baxsato magacaabista Ra’iisal-Wasaaruhu waan u babbac-dhigi doonaa”

 

Sabti, 09 October, 2010 (HOL)- Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo hore xilal kala duwan uga soo qabtay Dawladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya, isla markaana hore u ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka DKMG, ayaa ka hadlay warar sheegaya in uu ka mid yahay Siyaasiyiinta u sharraxan jagada Ra’iisal-Wasaaraha Soomaaliya.

 

 

 

Ismaaciil Buubaa waxa uu sheegay in ay jiraan siyaasiyiin ka tirsan Dawladda ku-meel-gaadhka ah oo ay ka wada hadlaan arrimaha la xidhiidha magacaabista Ra’iisal-Wasaaraha la filayo in la soo magacaabo ee Soomaaliya. Waxaanu ka jawaabay in isaga laftiisa loo wado in uu qabto jagadaas. “Warbaahinta waan ka akhriyay oo way qorqorayeen arrintaas, laakiin runtii anigu uma xusul-duubahayn arrintaas, haddii ay noqoto inay magacaabista Ra’iisal-Wasaaruhu igu soo baxsatana waan u babac-dhigi doonaa waqtigaas. Laakiin, maanta qof u xusul-duubaya arrintaas ma ahi,” ayuu yidhi Ismaaciil oo isaga oo ku sugan magaalada Nairobi Khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal oo ka soo baxa Hargeysa. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaahi, dad kala duwan arrimaha (magacaabista Ra’iisal-Wasaarahha cusub) waanu ka wadahadalnaa, in nidaamka wax laga bedelo.”

 

 

 

Mar Ismaaciil la waydiiyay in uu shaqsiyan u taagan yahay Jagada Ra’iisal-Wasaarenimo ee Soomaaliya, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Walaahi, sidaan horeba u idhi anigu maanta arrintaa xusul-duub uguma jiro, haddii ay timaadana kolkaas baan la xaali doonaa. Laakiin, shaqsiyan wax xusul-duub ah oo aan ugu jiraa ma jirto.”

 

 

 

Mar ruu ka hadlayay Ismaaciil aragtidiisa la xidhiidha siyaasadda Maraykanka ee la xidhiidha la-macaamilka Somaliland iyo Puntland, ayaa waxa uu yidhi, “Arrintan Maraykanku soo bandhigay (gaar ula macaamilka Somaliland iyo Puntland) oo kale waxay u baahan tahay in dawladda dhexe ay iyaduna sidaas si le’eg ay u qaadato siyaasaddaas oo kale oo ay iyadu siyaasadeedii guud ka hadlaysa, ay Caalamka ku tidhaahdo ‘waa lagama maarmaan in meelaha degen ee wadankayaga ah in wax lala qabto oo horumarinta ama dhismihii laga qabto’, taas baana suurtogelin lahayd dawladdo fara badan oo doonaya inay Somaliland wax ka qabtaan, laakiin haddana u arkaya hadday sidaa yeelaan in laga yaabo oo loo qaato inay taageero gaar ah bixinayaan, markaa kuwaas bay ka furanaysaa inay shaqadoodii galaan. Markaa waxa lagama maarmaan ah dawladda dhexe iyadana qudheedu sidaas Maraykanku ugu dhawaaqay, inay Caalamka ugu baaqdo in si hagrasho la’aan ah wax looga qabto meelaha degen, waayo dadka Soomaalida ah ee qaxootiga u tegaya dhulalka kale haddii ay shaqooyin iyo nolol wanaagsani ka jirto meelaha degen ee wadanka halkaas ayay tegi lahaayeen. Markaa dawladda dhexe in badan baan anigu ku dhaliilay arrintaas, waan la soo qaaday Raysal-wasaareyaashii iyo Madaxweyneyaashii soo maray, wayna jirtay qaarkood in aanu arrintaas aad iskaga hornimi, laakiin waxa lagama maarmaan ah dawladda dhexe ee Soomaaliyeed inay ka soo baxdo xilkeeda oo ay caalamka ugu baaqdo in qaybaha degen ee wadanka ah wax laga qabto.”

 

 

 

Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa tan iyo intii uu is-casilay Ra’iisal-Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali, waxa uu u xusul-duubnaa magacaabista Ra’iisal-Wasaarihii bedeli lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Anwar Your right Northern clans = Puntland

oo sorry i meant both north west and north east clans :D

 

this is what i call a stiky situasjon :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The question that you should ask is: What can he bring to the table? Nin aan waxba ka ahayn meeshi uu ka soo jeeday, waxba ka noqon kari maayo meel kale.

 

He and all the other Somaliland born indivituals will not bring anything to the table - they are just there for their own personal interests.

Share this post


Link to post
Share on other sites

check out the jahilnimo in this this page,

 

it will look good, because the world will think we are united,

 

the world firstly knows "we" are not united they are not somali's saxib they have more of a mind secondly,

 

you can get Siad barre himself to be prime minister or Alaxander the great, or John Paul sarte for all i care, you somali's always miss the point,

 

its not about the man you put in place thats a small part its more about the ideology, capability and strategy.

 

Somali's do not have an ideology, except my boys alshabab they got an ideology rightly or wrongly.

 

A second thing is, if Somaliland wanted and as god is my witness if it wanted it could have both the presidency and prime minister and all the ministers for that matter,

 

but you hard headed somali's dont understand,

 

WE AINT INTERESTED.....

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

He can't be Pm the 4.5 Clan Formula doesn't allow it The pm will be from Puntland.

He is Somali citizen with ambitions, Nobody can deny him for this post, Good luck to him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this