Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Dagaal Hubaysan?

Recommended Posts

Faallo: Madxada Dowladda Oo Labo qeybood oo Hubaysan Iskaga hor Imaan doonta.

 

(somalitalk.com) --- Markaan raac-raacno sida wax u socdaan, markaan qiimeyno labada meelood ee laka taagan yahay, markaan fiirino aqoonta fiican ee aan u leenahay qaab dhaqanka madaxda Soomaaliyeed, waxaa muuqayansa in labo sano iyo dheeraad oo wada xaajood iyo dhisme dowlad loo dhan yahay ka dib ay Madaxda dowladda KMG ah kuwad jirta iskaga hor immaan doonaan labo garab oo hubaysan oo horseeda dagaalo qaraar oo xooggoodu ka dhici doonaan sida la saadaalinayo Goboladda Jubbada Hoose ,Shabelada Hoose iyo Gobolka Banaadir ee Caasimadu ku taal.

 

Ama Baarlamaanku ha ogolaado ma ha diido waxaa muuqata in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo intii la arragti ah-ba ay ka go`an tahay inaysan Muqdisho tagin tan iyo inta wax laga qabanayo Ammaankeeda iyo maamulkeeda, sidoo kale ma muuqato qorshe deg deg ah oo ay madaxweynaha iyo intii la arragti ah-ba wax uga badalayaan qorshohoodii keenista Ciidamo ka socda dowladaha safka hore, qorshaha keenista ciidamada safka horena waa socota haddaba, Ra`iisul-wasaare Geedi-na waaba ka sii xag jiraa marka aan dib u milicsano khudbooyinkii uu ka jeediyey Soomaaliya dhawaan markii ay tageen wafti asaga iyo Madaxweynuhu hogaaminayeen.

 

Haddalka ka soo yeeray madaxdweyne Museveni waxaa uu muuqdaa mid kusii dhiira galinaya madaxweyane Cabdullaahi Yuusuf qorshihiisii iyo baaqiisii ciidamada IGAD oo ay ku jiraan kuwa safka hore, wuxuuna hadalkaan dhar baaxo xooggan ku noqdey hogaamiye kooxeedyada ayagu diidanaa ciidamo ka socda dowladdaha IGAD qaarkood wuxuuna Museveni tilmaamay inaan arrintaas wax-ba laga waydiineyn qab-qablayaasha. dagaalka.

 

Dhanka kale Shariif Xasan gudoomiyaha Baarlamanaka ayaa asaguna si fiican ugu muuqda nin isku duwdey dhamaan intii kasoo horjeedey arragtida madaxweynaha iyo Ra`iisul-wasaaraha iyo intii la arragti ah, waxayna ku dadaalayaan in ay is hortaagan labada qorshe ee madaxweynuhu ku doonayo inuu ku sameeyo caasimad KMG ah iyo Keenis ciidamo shisheeye, waxayna qolyaha diidan qorshaha Madaxweynaha iyo ra`iisul-wasaaraha garaysteen inaysan jirin awoodda Shariifka awood aan aheyn oo ay ku bur burin Karaan qorshahaas. sidaas-darteed xooggooodii oo dhan waxaa ay saareen in Shariifka la barataaro loona muujiyo awood dheeraad ah inuu leeyahaya waxna meel marin karo.

 

Booqashadii Shariifka ee Muqdisho, oo ay ku weheliyeen inta badan Xildhibanaada kasoo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, abaabulka hogaamiyeyaasha Muqdisho iyo go`aamada deg deg ah ee ay soo saareen ayaa waxa ay ahaayeen tilaabooyin ka mid ah kuwa la`isku hor taagayey qorshahaas ay ka mideysan yihiin Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra`iisulw-Wasaare Cali Maxmed Geedi iyo xubno badan oo labada golle ka mid ah.

 

Wasiir qariyey magaciisa oo ka ag-dhaw Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in ay ka go`an tahay in ay dowladda geeyaan magaalada Baydhabo wuxuuna ku tilmamaay shariifku inuu yahay gudoomeeye ay ku adeeganayaan kooxo gaar ah.

 

Haddalada qalafsanaa ee Maxamed Dheere uu ka sii daayey Idaacadda Shabeele ayaa waxaa ay muujinayeen, inuu war badan oo qarsoon og yahay kaasoo tilmaamaya in dowladda si KMG ah loo geynayo magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo, kadib la qorsheynayo sidii dowladda loogu fidin laha gobolada Banaadir, Shabeleda hoose, Jubbada hoose oo ah saddexdii gobol ee laga reebay booqashada Madaxweynaha iyo Ra`iisul-wasaaraha ahna gobolo ay awood weyn ku leeyihiin hogaamiye kooxeedyo si weyn u diidan qorshaha madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, sida Sheekh Yuusuf Indha-Cadde iyo Barre Hiireaale oo xulafo siyaasadeed iyo mid Ciidanba la leh hogaamiyeyaasha ****** .

 

Go`aankasta oo uu Baarlamaanku ka gaaro labadaan qodob ayey muuqataa inaysan ku qanci doonaan dhinac kasta oo kamid ah labada dhinac haddii looga adkaado cod bixinta baarlamaanku ka sameyn doono labadan qodob ee xaaasaasiga ah ee loolanka ba`ani ka taagan yahay.

 

Waxaa jira warar aanu ka helnay dad xog-oggaal ah ayaa tibaxaaya in uu jiro qorshe ah (plan B) oo labada kooxood mid walba meel u yaal, Shariifka iyo xubnaha la arragtida ah waxaa meel u taal sida ayey wararkaani sheegayaan in ay ku dhwaaqan dowladdu inay uguuraysao magaalada Muqdisho Shariifkuna hor kaco qolyaha ayagu sal dhiga ka dhigan doonaa magaalada Muqdisho fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanku ku yeelanayo gudaha Soomaaliya inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, haddii ay dhacdo in madaxweynaha iyo Ra`iisul-wasaaraha iyo qaarka mid ah Xildhibanaada iyo wasiiradu ka baaqsadaan inay iska soo xaadiryaan magaalada Muqdisho, markaas uu Baarlamaanku go`aan ka qaadan doono go`aankaas ayaa waxaa uu noqon karaa in xil ka qaadis lagu sameeyo xubnahaas lana buuxiyo booskii xubintaas.

 

Dhanka kale waxaa ay wararkaani sheegayaan in Madaxweynaha iyo Ra`iisul-wasaraaha iyo xubnaha labada Golle ee la arragtida ah ay ayaguna qprsheysteen inay ku dhawaaqaan in dowladdu ay xarun KMG ah ka dhiganayso magaalada Baydhabo, ama Jowhar oo maalmahan la hadalhayo soona gashey liiska magaalooyinka u sharaxan Caasimadnimada KMG ah markaas kadib Xildhibaanada la fasaxo lix bilood oo xildhibaan kasta dib loogu celiyo deegaankisii. ka dib fadhiga ugu horeeya ee Baarlaanku ku yeelanayo gudaha Soomaaliya uu ka dhaco magaalada Baydhabo Xildhibaankii ka baaqsadda inuu ka soo xaadiro magaalada Baydhabna laga xayuubiyo xilka.

 

Wararka qaar ayaa sheegayaa in Sheekh Adan Madoobe ay dhici karto inuu isku soo taago Gudoomiyaha Baarlaamaanka KMG ah. haddii uu Shariif Xasan ku adkaysto raacida uu raacay kooxaha Muqdisho, waxaana jirta in koox xildhibaano ah u soo jeediyeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf intii uusan u socdaalin dalka Masar in ay qoraan (Motion) ama soo jeedin xilka looga qaadayo Shariif Xasan, balse warkaan oo uu ii xaqiijiyey Xildhibaan codsadey inaan lamagacaabin ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf arrintaas ku gacanseyray waqtigan xaadirk ah waa sida uu xildhibaankaasi hadalka u dhigaye.

 

Waxaa kale oo arrintaas barbar socon doonta qorshaha diyaar-garowa dhanka Ciidamada gaar ahaan Ciidamo Soomaaliyeed oo ka kooban dhamaan beelaha Soomaaliyeed oo ayaga la siinayo tababaro iyo qalabeyn gaar ah si ay ugu qeybqaataan hub ka dhigista ay sameynayaan Ciidamada IGAD iyo kuwa dib ka imaanaya ee Midowga Afrika iyo baahinta gacan ku heynta dowladda ee goboladda dalka.

 

Kaalinta iyo hawlaha ciidmada shisheeye ee dalka imaanaya ayaa ah mid ay si weyn uga talo bixinayaan Madaxweynaha iyo Ra`iisulwasaaraha taasina waxaa ay meesha ka saaraysaa in ay wax saameyn ah ku yeeshaan hawlaha ciidmada shisheeye hogaamiyeyaasha diidan keenista ciidamada shisheeye.

 

Arrimahaas oo dhan markaad eegtid waxaa kuu muuqanaysa in madaxdii dowladda ay dalka Kenya ka guuri doonaan ayagoo labo kooxood ah oo ay koox waliba ku dadaali doonto inay jabiso kooxda kale waxaana shaki ku jirin hadduusan imaan isbadal deg deg ah oo ay wax uga badalayaan madaxda dowladdu kala fogaantooda iyo khilaafkaan sii kordhaya inay dhicikaraan iska hor imaadyo hubeysan oo ay horkacayaan wasiiro hal dowlad kawada tirsan.

 

Haddii labada dhinac ee hadda iskaga soo horjeeda qodoban aan soo xusnay ayagoo aan wax is afgarad ah ka gaarin labadan qodob amaba qoladii Baarlamaanka looga adkaado ku qanci waydo go`aanka Baarlamanka( Waxaa ay ubadan tahay laba dhinac dhincii looga adkaada Baarlamaanka inuusan aqbali doonin go`aanka Baarlamanaka sida ay haddaba xubno ka tirsan labada dhinac si kala gooni ah u sheeteen) ayna noqoto in dib ay ugu noqdaan gudaha Soomaaliya, walibana la`ogyahay inuu gobolada dalka qaarkood ka jiro qalab aruursi iyo dayaargarow Ciidan waxaa la sugayaa waa uun dagaalo ka qarxa Soomaaliya gaar ahaan gobolada Koofureed, sida Jubada hoose, Muqdisho, Shabeleda hoose iyo meelaha la midka ah.

 

Annagoon saadaalin Karin cidda ku adkaan doonta dagaaladan, inkastoo aan maanka ku heyno in waqtigaan laga yaabo in dagaaladu ka badalnaadaan qaabkii hore ee dagaalada sokeeye maadama ay markaan ku lug yeelanayaan dowladdo ayagu si fiican u hubeynsan kana qalab iyo tayo wanaagsan maleeshiyooyinka Soomaalida iyo jabhadda hubaysan. waxaa kale oo la arkaa inuu dagaalkani dhanka fikraddana ka badalnaado kuwii hore sababtoo dagaaladii hore inta badan waxa ay ahaayeen kuwo magac qabiil kaliya ku dhisan balse kan waxaa dhici karta dad badan oo aan isku qabiil aheyn isku dhinac kasoo wada jeestaan ama dano gaar ah ha ku midoobaan ama fikrad iyo arragti mideysa ha jirtee, inkastoo aan Soomaalida lagu aqoon dad fakir isku raaca.

 

Shariifka iyo Madxaweynaha oo ah labada nin ee ugu awooda badan madaxda dowladda, marka la eego sida wax usocdaan iyo dhinacyada is-haya oo ay kala hogaamiyanaan, ayaa ayagu qeybweyn ka qaadan kara abuurid jawi wax looga badalayo siyaasadan tag-taagan ee ay kusocto dowladda shanta bilood jirta.

 

Haddaba Waxaan qormadeydaan oo u badan xog iyo warar aan soo aruuriyey ku soo gabagabeynayaa in ay haboontahay in ay madaxda dowladda KMG ah iyo xubnaha labada golleba la yimaadaan qorshe iyo arragti deg deg ah oo ay wax uga badalayaan kala fogaantaan siyaasadeed oo keeni karta dagaalo iyo bur bur cusub oo soo wajaha ummadda Soomaaliyeed. Waxaa haboon in ay dhibaatada jira lagu wajaho midnimo iyo arragti ka duulaysa sidii Soomaali dhibka looga saara, lana xasuustaa inuusan jirin qabiil gaar ah oo kaligiisa dhib gaar ah qaba ama wax gaar ah difaacanaya Soomaali oo dhan ayaa wax ka qaldan yihiin wixii hagaaga Soomaali oo dhan ayey u hagaagayaan wixii halaaban Soomaali oo dhan ayey ka haalabayan, waxaaana u arkaa hogaamiyeyaasha Muqdisho tilaabada ay qaadeen ee ah goona u baxa beeleed inay tahay tilaabo lagu deg degay abuurina kartana jahwareer siyaasadeed.

 

somalitalk.com

C/Shakuur Cali Mire

shakuur111@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

This guy says Muqdisho Leaders made themselves separate and voted along tribal lines by voting against Ethiopian Inclusion. Are all 150 parliamentarians from One clan? If it is yes, then he is right, if not, isn't he a prejudist who feels bad about the failed motion? If history is a source of wisdom for any sane Somali political figure, waging a war against a somali clan or clans then expect to rule them in peace is unfathomable. Sheydaanaa u qurxinaaya waxaan soconeynin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this