Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Cross Parliamentary Group

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-11-05 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Gudoomiyaha Guddi Hoosaadka Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Golaha Wakiilada Somaliland Xil. Xuseen Maxamed Cigge oo ay wehelinayeen Xildhibaanada Cumar Maxamed Saleebaan [Cumar-sanweyne] iyo Ibraahim Jaamac Cali [Reyte] ayaa si wada-jira daboolka uga qaaday inay sameeyeen Guddi ka kooban 11 Xildhibaan oo ka tirsan Sadexda Xisbi Qaran ee KULMIYE,UCID iyo UDUB oo ka hawl-gelidoonta qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland iyo weliba sidii xidhiidh loola sameyn lahaa Barlamaanada Aduunka. Kuwaas oo ka mid ah Somaliland Cross Parliamentary Group

 

Sida waxay Mudanayaasha Golaha Wakiilladu ku sheegeen Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xarunta Golaha Wakiillada ee Magaalada Hargeysa.

 

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cigge, waxa uu tilmaamay in guddidaasi ka kooban tahay 4 xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Mucaaarid ah ee KULMIYE, 4 Xildhibaan oo ka tirsan Xisbul-xaakimka UDUB iyo 3 Xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga UCID , kuwaas oo ka hawl-geli danaha iyo hawlaha qaddiyada Somaliland

 

“Anaga Sadexdayadan xildhibaan [Cumar Sanweyne, Reyte, Xuseen M.Cige] iyo Xildhibaano kale oo ka mid ah Golaha Wakiillada ee la soo doortay, waxaanu go’aansanay inaanu sameyno guddi ka madaxbanaan guddida arrimaha Dibada ee Golaha Wakiillada [The House Of Representatives], oo ka mid ah Somaliland Cross Parliamentary Group, kuwaas oo nagu kalifay oo na waydiistay inay Barlamaanada Dunidu dhowr jeer oo ay halkan yimaadeen inaanu sameyno Group-yada caynkaas ah oo ka kooban Sadexda Xisbi [KULMIYE, UCID iyo UDUB] oo loo dhan yahay” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gudi hoosaadka Arrimaha Dibada ee Golaha Wakiillada Xuseen Maxamed Cige

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Si aanu mustaqbalka,Barlamaan ahaan ula xidhiidhno haday tahay arrimaha ictiraafka,ama ha ahaato Danta dalka,ama ha ahaato arrimaha labada Barlamaan-ba, oo uu ka mid ahaa Barlamaankii Ingiriiska ee u danbeeyey .”

 

Xildhibaan Cumar Maxamed Saleebaan [Cumar Sanweyne] oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu sharxaad ka bixiyey waxa ay u sameeyeen gudidan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidh.“ U jeedada loo abuuray Guddida tan waxa weeyaan Guddida Barlamaanka aduunka Jirta oo odhan ka kooban ee u ololeeya danaha Wadamadooda iyo Wadamada kale ee ay ka dhaxeyso danuhu”

 

“Dalabkii aynu Somaliland ahaan dalbanay inaynu ka mid noqono Barlamaanada Aduunka Waa layna diiday,waayo laynama ictiraafsana”ayuu yidhi Xildhibaan Cumar Sanweyne isaga oo Sheegay in ila diiday inaynu ka mid noqono Barlamaanada Aduunka.

 

Xildhibaan Cumar-sanweyne waxa uu sheegay u jeedada kale ee ay ka leeyihiin waxa weeyaan dadka reer Somaliland ee qurba-joogu inay arrintaa ka hawl-galaan,haday Ururo yihiin,haday ashkaas yihiin inuu qof-walba meeshiisa ka hawl-galo.Sameynta Ururkan,ayaanu ka leenahay.

 

“Xukuummadeenu Wax badan ayey isku deyday ictiraaf raadinta meel walba way martay oo meel walba way ka dhacday, laakin waxay ka gaadheen guul iyo horumar Wanaagsan laakin waxa hortaagan iyada oo aan la ina Ictiraaf sanayn” ayuu yidhi Xildhibaan Cumar Maxamed Saleebaan [Cumar Sanweyne] oo tilmaamay inay Xukuummada Somaliland ay meel walba u martay sidii ay buslshada Caalamka aqoonsi uga heli lahayd.

 

Waxaanu Xildhibaan Cumar Sanweyne madashaasi ka akhriyey War-saxafadeed nuxurkiisu ahaa waxay qabanayaan guddidaasi , waxaanu u dhignaa sidan:-

 

“Barlamaanka Somaliland ee la soo doortay waxay ku faraxsan yihiin maanta oo ay Bishu tahay 5 October 2007, In maanta la sameeyey Somaliland Cross Parliament Group, oo ka kooban Sadexda Xisbi UCID, KULMIYE iyo UDUB”

 

1) inay kor u qaadaan oo ay qaddiyada Somaliland hor dhigaan Beesha Caalamka

 

2) Inay isku xidhaan kooxaha (Groups), Ururada Hay’adaha iyo shakhsiyaadka , si ay u taageeraan habka dimuqraadiyada ee Somaliland

 

3) In Xidhiidh lala sameeyo wada hadalna lala yeesho Baarlamaanada dalalka kale ee adduunka

 

4) In ay si adag loola xidhiidho qurba jooga Somaliland , lana mideeyo dedaalka hawl qabadkooda , si ay qaddiyada Somaliland Adduunka u hor dhigaan , iyagoo u sii maraya Xildhibaanada , Siyaasiyiinta , Dawladaha iyo Qalabka Warbaahinta

 

5) Guddida [somaliland Focus Group] waxay isku -xidhi doonaan dhaq dhaqaaqyadaas kor ku xusan

 

6) Waxaanu soo dhawaynayaan Muwaadin kasta , oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa-ba oo fikirkiisa guddida ku soo dira”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this