General Duke Posted September 15, 2007 Madaxwaynaha Somalia oo lagu wado inuu u dhoofo wadanka Sacuudiga si uu ula kulmo ergo ka socota Kooxda Asmara. Warar aan la shaacin oo ay shabakadda allmudug ka helayso Madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia ayaa sheegaya in madaxwaynaha somalia uu marti qaad ka helay wadanka Boqor Cabdallaha wadanka Sacuudiga iyadoo lagu wado in wada hadalo ay u furmaan Madaxwaynaha waftigiisa iyo...... Madaxwaynaha oo sida warar hoose sheegayaan hogaamin doona wafti balaaran oo ay ka mid yihiin Raisal wasaaraha,Gudoomiyaha Barlamanka, Gudoomiyihi shirwaynaha qaran cali mahdi iyo Xubno kale oo ka mid ah hawl wadeenadii shirwaynihii muqdisho. Waxaa lagu wadaa inay kulan balaaran kula yeeshaan magaalada Riyad wafti ka socda Ururka la baxay (Ururka xoraynta iyo dibu soo celinta somalia) oo fadhigiisu yahay magaalada asmra kadib markii Boqorka sucuudigu uu labada dhinac u kala diray fariimo casuumaad ah oo lagu dhex dhexaadinayo. Kulanka sacuudiga ayaa hadii uu qabsoomo rajo u noqon kara umada somaliyeed oo is jiid jiid siyaasadeed la daalaa dhacaysay 17kii sano ee la soo dhaafay iyadoo caasumada wadanka somalia ay wali ka socdaan dagaalo Gurile ah oo sida muuqata aan dhamaad lahayn kuwaasoo u dhexeeya ciidamada dawlada oo taageero ka helaya kuwa ethiopia iyo kooxaha taageera Maxkamadihii laga awood roonaaday kal hore. Xarunta Warqabadka Shabakadda Allmudug.org. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 15, 2007 Muqdisho: Madaxda Qaranka Soomaaliya iyo Madaxdii Maxkamadihii Muqdisho qaar ka mid ah oo Sucuudigu uyeeray. 15. september 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Sadexda masuul ee ugu sareeya dalka Soomaaliya oo kala ah Madaxweynaha dowlada Faderaalka C/laahi Yuusuf Axmed,raysalwasaare Cali Maxamed Geedi iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaden Maxamed Nuur iyo qaar ka mid ah ergadii joogtay Muqdisho maalmihii la soo dhaafay looga yeeray dalka Sucuudi Careebiya. Wasiirka Warfaafinta ee dowlada Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in Madaxda dowlada Soomaaliya dhawaan ka baxayaan magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayadoo lafilayo in ay sidoo kale safarkan ku weheliyaan Madaxda Qaranka Sarakiisha shirweynihii lugu soo xiray magaalada Muqdisho. Boqortooyada Sucuudiga Careebiya ayaa warar hoose oo soo baxaya waxa ay sheegayaan in ay wada hadal siineyso Madaxda dowlada Soomaaliya oo khilaaf yar udhaxeeya isla markaana sidoo kale ay ka wada hadlidoonan howlaha nabad ku soo celinta ee Soomaaliya. Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in safarkaasi Madaxda qaranku bilaabanayo maalmaha soo socda isagoo ka dhawaajiyay in laga yaabo in madaxdu maalinta bari ah ka dhoofaan magaalada Muqdisho. Warar kale oo ka soo baxaya Riyadh ayaa sheegaya in sidoo kale loo yeeray Madaxdii Maxkamadihii Muqdisho qaar ka mid ah oo jooga meelo ka mid ah dalka dibadaasi gaar ahaana magaalada Casmara. Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ,raysal wasaaraha DFKMGS iyo gudoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmay ayadoo magaalada Muqdisho ay ka dhacayaan qaraxyo kala duwan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 15, 2007 Saudi Arabia oo u yeertay Yuusuf, Geedi iyo Sh. Aadan Madoobe. Last Updated::2007-09-15 11:26:31 Muqdisho (HRNet):- Dowladda Boqortooyada Saudi Arabia, ayaa dalkeeda ugu yeertay saddexda Mas’uul ee ugu sareysa Somalia, Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf, Ra’iisul Wasaare Geedi iyo guddoomiyaha Baarlamanka Sh.Aadan Madoobe. Sida uu xaqiijyay wasiirka warfaafinta Somalia, saddexda mas’uul ayaa lagu wadaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu amba baxaan dalkaasi, iyaga oo tixraacaya casuumadda loo fidiyay. Waxaa sidoo kale socdaalkooda ku wehlin doona oo Dowladda Saudi Arabia ay u yeerat qaar ka mid ah ergooyinkii ka qeyb galay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu soo geba gebeeyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Madoobe Nuunow, ayaa casuumadda ku macneeyay mid ay xukuumadda Riyad ku ayideyso, sida uu hadalka u dhigay shirkii dib u heshiisiinta ee Muqdisho lagu soo geba gebeeyay. Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in laga yaabo in Saudi Arabia ay sidoo kale casuumad u fidiso kooxaha mucaaradka ee jooga dalka Eritrea si ay labada dhinac u wada hadlaan. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in halkaasi lagu xalin doono khilaafaadyo yar yar oo ka dhex jira madaxda Soomaaalida, laakiin illaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan nooca wada hadal ee ka dhici doona Saudi Arabia. Quote Share this post Link to post Share on other sites