Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Barre liberates Baraawe whilst Afgaduud is in Bu'aale!

Recommended Posts

Muqdisho: Ciidamada dowladda oo Caawa Gaaray Baraawe

Sabti, December 30, 2006

 

APL

 

Muqdisho(Allpuntland)-Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Itoobiyaanka ayaa caawa maqribnimadii gaaray degmada Baraawe iyagoo ku sii jeeda gobolada Jubbooyinka halkaasi oo ay isku aruursadeen maxkamaddaha Islaamiga hoggaankooda sare.

 

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay gobolka Sh/Hoose halkaasi oo la filaya in ay caawa ka gudbaan iyagoo u ruqaansanaya dhinaca gobolada Jubbooyinka ee madaxda maxkamadaha ku sugan yihiin, halkaasi oo laga filan karo in ciidamada Dowladda ay kala kulmaan iska caabin ay maxkamaddaha sameeyaan.

 

Xiliyada danbe ee caawa ayaa la filayaa in xuduuda gobolka Sh/hoose ay ka gudbaan ciidamadan, iyadoo dhinaca kale ee Diinsoor kasoo dhaqaaqay ciidamo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo kusii jeeda dhinaca gobolada Jubbooyinka gaar ahaan degmada Bu'aale.

 

Cali Sandheere

Allpuntland-Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya oo gaarey Shabeellaha Hoose

 

 

Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wada hawlgallada ay ku xaqiijinayaan gacan ku haynta gobollada dalka oo dhan iyada oo gaarey maanta gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay gaarayaan ciidamada dawladda Ethiopia ayaa ka gudbey deegaanka Buula Mareer iyaga oo haatan ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Ciidamadan ayaa deegaannada ay gaaraan dadweynaha u sheegaya in ay is dejiyaan isla markaasna nabadda iyo kala dambaynta ay ilaaliyaan, waxana ay ku jihaysan yihiin gobollada Jubbooyinka oo ay weli ku sii dambeeyaan wixii ka haray Maxkamadihii Midoobey.

 

Maxamuud Faarax Bile

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this