Fiqikhayre Posted December 30, 2006 Muqdisho: Ciidamada dowladda oo Caawa Gaaray Baraawe Sabti, December 30, 2006 APL Muqdisho(Allpuntland)-Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Itoobiyaanka ayaa caawa maqribnimadii gaaray degmada Baraawe iyagoo ku sii jeeda gobolada Jubbooyinka halkaasi oo ay isku aruursadeen maxkamaddaha Islaamiga hoggaankooda sare. Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay gobolka Sh/Hoose halkaasi oo la filaya in ay caawa ka gudbaan iyagoo u ruqaansanaya dhinaca gobolada Jubbooyinka ee madaxda maxkamadaha ku sugan yihiin, halkaasi oo laga filan karo in ciidamada Dowladda ay kala kulmaan iska caabin ay maxkamaddaha sameeyaan. Xiliyada danbe ee caawa ayaa la filayaa in xuduuda gobolka Sh/hoose ay ka gudbaan ciidamadan, iyadoo dhinaca kale ee Diinsoor kasoo dhaqaaqay ciidamo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo kusii jeeda dhinaca gobolada Jubbooyinka gaar ahaan degmada Bu'aale. Cali Sandheere Allpuntland-Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted December 30, 2006 Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya oo gaarey Shabeellaha Hoose Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wada hawlgallada ay ku xaqiijinayaan gacan ku haynta gobollada dalka oo dhan iyada oo gaarey maanta gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay gaarayaan ciidamada dawladda Ethiopia ayaa ka gudbey deegaanka Buula Mareer iyaga oo haatan ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamadan ayaa deegaannada ay gaaraan dadweynaha u sheegaya in ay is dejiyaan isla markaasna nabadda iyo kala dambaynta ay ilaaliyaan, waxana ay ku jihaysan yihiin gobollada Jubbooyinka oo ay weli ku sii dambeeyaan wixii ka haray Maxkamadihii Midoobey. Maxamuud Faarax Bile Quote Share this post Link to post Share on other sites