Sign in to follow this  
Beer-Gaal

Nin Rayad ah oo lugu diley Magaalada Bosaso goor dhowayd.

Recommended Posts

Waxa Saaka goordhowayd lugu diley Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari Nin Rayad ah oo dhexmarayey Suuqa furshada Magaalada Bosaso kaasi oo watey Bacmadow oo uu suuqa alaabo uga soo gadanayey.

Ninkan rayadka ah ayaa la sheegay inay ciidanka Amaanku ka shakiyeen bacda uu wata dabeedna ay rasaas ooda uga qadeen iyagoo aan waxba waydiinin.

Arrintan ayaa saaka dadbadan cabsi gelisay xili Magaalada Bosaso maalmihii aan soo dhaafnay ay aad u deganayd isla markaasna ay ayarayeen falalka dilka ay geysanayaan Ciidamada Booliska ee ku aadan shiyada ay ka qabaan shacabka.

Dhahar Onlline

Share this post

Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Waxa Saaka Magaalada Bosaaso lagu Dilay Nin Ganacsade ah oo ka soo Jeedaha Beelaha degan Gobolada Hayland Sanaag iyo Galbeedka Bari, Marxuunkaasi ayaa lagu Toogtay isaga oo Suuqa Bosaaso Gaar ahaan Fershada Ka Adeeganaya waxana dilay Ciidmada Ilaalada u ah Wasiirka Amniga Yuusuf Axmed Khayr.

Marxuunka la dilay ayaa lagu Magcaabaa Abshir Qodax Du’caale,waxana ay Ilmaadeer ahaanyeen Marxuunkii ay Isaga oo Dhaawac ah dileen Ciidmada PL Gaar ahaan PISta Dagaalkii 26-Julay Jaamac Doonyaale.

Ninkaasi Saaka la dilay waxa ay Rasaas Kadis ah Madaxa kaga Dhuftay Ilaalada Gaarka ah ee Wasiirka Amniga Yuusuf Ahmed Khayr kuwaaasi oo ku eedeeyay Fal Been Abuur ah oo sheegaya inuu Weerar La Damacsanaa Goob Ay Joogeen Ciidmada PL.

Marxuun Abshir Qodax Ducaale waxa loo Qaaday Markiiba Cisbitaalka Bosaaso isaga oo ku Naf Waayay Goobtaasi, Warka aanu Helayno ayaa sheegaya inaan wali la Aasin Ninkaasi isla markaana Muran Xoogani ka dhex Aloosanyahay Gudaha Bosaaso.

Dadka ayaa Durba u Fasilay dilka Marxuunkaasi inuu Daba socdo Dagaalka ka Socda Buuraha Galbeedka Bari ee ay isku Hor fadhiyaan Ciidmada deegaanka iyo Malayshiyaadka ay Hogaaminayaan Gen Ilka Jiir, Gen- C.Samad iyo Faroole oo Garoowe Sanaad Milltiry ka soo Daabulaya.

Jaamac Ismaaciil Ducaale oo loo Yaaqany Jaamac Doonyaale waxa Nolol ku qabtay Ciidmada PL markii ay Dagaal Qadhaadh wada Galeen Ciidmada Sheekh Atam iyo Kuwa PL waxan Toogtay Ninkaasi Ciidamada PL.

Dilkii Jaamac Doonyaale [Akhri]

Tani Waxay Dhabada u xaadhaysaa in ay Meesha ka socod Dhul Durugsi iyo in Beeraha dadka iyo Dhulka la Barakaciyo si Loo Baadho Shidaalka Majiyahan ee ay Horay Ugu Fashilantay Xukuumada Gen-Cade Muuse.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Bosaaso Mayd Lagu Muransanyahay ayaa Wali Yaal

August 15, 2010

By Juuj

Magaalada Bosaaso ayaa xiisadi ka Ogan tahay ka Gadaal markii Saaka ay Nin Toogteen Ciimada PL Gaar ahaan kuwa la sheegay inay Ilaalo Gaar ah u Yihiin Wasiirka Amniga Yuusuf Axmed Khayr Ninkaasi la dilay ayaa la sheegay inay Boolisku sheegeen inuu ahaa Qas wadi Hase ahaatee waxa Arinkaasi Beeniyay oo iska Fogeeyay ehelkiisa.

Laba Xabadood oo lagu Dhuftay Ninkaasi ayuu u Geeriyooday wax Yar uun Markii Nolol lagu Geeyay Rug Caafimaad oo Bosaaso ku Taala,Warar hada na soo gaadhaya ayaa sheegaya in aan wali la Aasin Ninkaais oo uu Yaalo Dhagax Maydka la dhigo ee Cisbitaalka Guud ee Bosaaso.

Abshir Qodax Ducaale ayay diideen Odayaasha Sanaag, Galbeedka Bari iyo Hayland in la Aaso, Halka Dawlada PL sheegtay inay hayaan Ninkii Falkaasi Dilka Ah Fuliyay, Hase yeeshee Odayaasha ayaa Warkaasi Puntland ka soo Yeedhay Ku Tilmaamay mid aan iyaga u Cuntamin.

War Hada soo dhacayna waxa uu sheegayaa in Odayaasha Beesha Sadexda Gobola ee aan Sheegnay ay Shir deg deg ah Hada Galeen kaasi oo aan wali War Cad Laga Soo Saarin

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

ilahay ha u naxaristo wa ramadan dhiig islaamo oo dadanaya bisha barakaysan wa wax laga naxo

AAMIIN. Xaji, thanks for your support.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this